Xildhibaan C/laahi Balaaki oo Madaxweyne Siilaanyo ku Hambalyeeyey Socdaalkiisii Laasqoray

0
97

“waxaan dadweynaha ugu baaqayaa in shanta sano ee soo socota ay dib u doortaan Madaxweynaha” Xildhibaan C/laahi Balaaki

balaakiHargeysa(Waaheen) Xildhibaan C/laahi Xuseen Cige oo ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa socdaalkii Madaxweyne Siilaanyo ku tagay magaaladda Laasqoray ku tilmaamay Guul Somaliland usoo hoyatay, isagoo ku Hambalyeeyey Madaxweynaha Guushaas oo uu sheegay in ay u keentay Geesinimada u muujiyey iyo kalsoonida uu shacabkiisa tusay mudadii uu xilka hayey.

Xildhibaan C/laahi Xuseen waxa uu sheegay socdaalka Madaxweyne Siilaanyo in uu ahaa kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee Madaxweyne Dalkan soo maray uu sameeyo isagoo ku sifeeyey Saylac ilaa Laasqoray in ay tahay masaafad dhulka Somaliland xuduudihiisa muujianysa isla markaana aanay soo hawaysan karayn cid kale oo sheegataa, isagoo sheegay inuu ahaa Socdaal wax badan oo qarsoonaa Daaha ka rogay.

Xildhibaan C/laahi Balaaki waxa uu shacabka reer Somaliland ugu baaqay in ay mar kale Madaxweyne Siilaanyo u doortaan madaxtinimada shanta sano ee soo socota si uu u fuliyo mashaariic ka badan inta uu imika sameeyey, maadaama uu cagta saaray dhabadii Horumarka, Dalkana u jiheeyey dhinac wax wada qabsiga.