Wasiirka Hawlaha Guud iyo Maayarka Caasimadda Hargeysa oo kulan Gar-naqsi ah ka yeeshay Digreetooyinkii Dawladaha Hoose lagaga xayiray bixinta Dhulka Danta Guud

0
65

Hargeysa(Waaheen) Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud C/risaaq Khaliilf iyo Maayarka Caasimadda Hargeysa C/raxmaan Maxamuud Caydiid ayaa xalay kulankii ugu horeeyey ka yeeshay xaaladda cakiran ee u dhaxaysa ee ka dhalatay Digreetadii wasaaradda Hawlaha Guud Dhulka Danta guud kaga xayirtay in Dawladaha Hoose bixiyaan, iyo waliba tii ka danbaysay ee wasiirku ku amrayey in ay soo diiwaan-galiyaan Dhulka y gacanta ku hayaan tan iyo intii ay xilka la wareegeen xildhibaanada Golayaasha talada hayaa.

Kulankan oo ahaa mid Qarsoodi ahaa isla markaana lagu dhex dhexaadinayey labada dhinac ayaan la garanayn waxa uu ku dhamaaday, hase yeeshee wararka Farriinnews.com helayso ayaa sheegaya in kulamo danbe loo balamay isla markaana aanay illaa hada wax natiijo ah ka soo saarin kaas hore.

Lama oga kulankani meesha uu ka dhacay iyo cida dhex dhexaadinaysa labada dhinac oo khilaafka sharciyeed ee u dhaxeeyaa yahay mid ku salaysan awoodaha ay ku kala leeyihiin Golayaasha deegaanada iyo wasaaradda Hawlaha Guud arrimaha maamulka dhulka.

Ilo wareedyo u dhuun daloola khilaafka maamul ee u dhaxeeya Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Golayaasha deegaanka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somaliland labada dhinacba ugu baaqay in ay sharciyada ku kala baxaan maadaama labada dhinac mid waliba dhankiisa u sheeganayo in uu sharcigu siinayo maamulka dhulka gaar ahaan kuwa dadweynaha laga jaro iyo kuwa Danta guud eek u yaala shacabka.

Si kasta ha ahaatee wali ma jirto talaabo dhexe oo la sheegay in ay labada dhinac ku xaliyi karaan Khilaafkooda, balse waxa laga war-sugi doonaa wareega danbe ee wadahadaladooda meesha ay wax dhigaan.