Qaarkamida Mujaahidiintii ka qayb galay Halgankii dibu Xoraynta Dalka Oo banaan Bax ka dhigay Burco

0
124

S5730007 (1)Burco (Waaheen) Qaar ka mid ah mujaahidiintii kuwii  ugu horeeyay ee xiligii halgankii ay dawladii siyaad barre lala galay ayaa maanta Banaanbax  xoogan ka sameeyay xarunta maamulka Gobolka  togdheer,waxaanay fariin u direen Madaxwaynaha JSl iyagoo sheegay waxaanay ka dalbadeen inuu ka dhabeeyo balan qaadadii uu markii uu SNM ta ahaa iyo xiligii uu ololaha ku jiray ku tiraabi jiray,waxaanay Mujaahidiintani Madaxwayne Siilaanyo ka dalbadeen inuu kulan la yeesho Marka uu waftiga ku marayo Magaalada Burco si ay ugala Garnaqsadaan xaqa ay wadanka ku leeyihiin iyagoo sheegayna inaanay xataa badankoodu mushahar iyo naafo midna ku lahayn.
mujaahhidiintan oo mudo dhawr maalmood ah xarunta Gobolka ku sugnaa bal si ay mar uun Badhasaabka Gobolka ula kulmaan si  cabashadooda iyo codkooda u gaadhsiiyo meesha ay la rabaan ayaa ugu danbayntii waxay dareenkooda ku soo bandhigeen cabasho ay saxaafada kula hadlayaan iyagoo cod dheer ku hadlaya ,waxaana hadaldoodii ka mid ahaa”

Ugu Horaynba Waxa Banaanbaxaasi ka Hadlay  Cabdi Saleeban Caateye Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii
” Waxaanu Maanta Halkan u Joognaa in Aanu ka Hadalno Anagoo ah Mujaahidintii SNM Ee Waawaynayd Ee Sidatay Derajada A,Waxaanu Fariinta u Horaysay u Diraynaa Madaxwaynaha Oo Aanu Leenahay Madaxwayne Yaan si Kale Lagaagugu Sheegine Waxaanu Nahay Raggii Kula Halgamayay Wakhtigii Dibu Xoraynta Dalka Ee aydaan Marqudha Kala Leexanin,Ragayaga Halkan Joognaa Waa Ragii ka Dagaalamay Burco Duuray,Madaxwayne Waxaanu Wali kaa Sugaynaa Balanqaadkagii ahaa Ururka SNM Waxbaan u Qabanayaa, Naafadooda Dhakhtar Baan u Dirayaa ayaanu Wali kaa Sugaynaa,Wali Waxba umaad Qabanin Mujahadintii SNM Ee Dalka Soo Xoreyay,Madaxwayne Waxaanu Maqalnay inaad Burco imanayso Ee Dhinac Hanaga Dhaafin Oo Nala Kulan Haddii Aad Dhinac Naga Martana Raali Kama Nihin” Ayuu Yidhi Cabdi Saleban Caatey
Cawil Aden C/Laahi Oo isaguna ka Halkaasi ka Hadlay ayaa Waxa Ka Mid ahaa Hadalidisii
” Waxaanu Nahay Ragii Mujahadiinta ahaa Ee Dalkan Soo Xoreyay,Waxaananu in Badan Dowlada Siilaanyo Kala Hadlay Saxaafada Xuquuqdayadii,Xukuumadu Wali May Tixgalin Xuquuqdayadii Oo Noomay imanin,Namanay Waydiin Waxaanu ka Cabanayno,De Malaa Waxaanu Kala Garanba Waynay in Somali National Movement Aanu Wali Wadno Dibu Xorayntisii Oo Aanan Somaliland Xorayn,Dalka Oo Dhan Waxa ka Furan Sadex ilaa Afar Xafiis Oo Magac Ciyaalo ah Oo Aan Waxba u Qabanin Mujahidintii Dalka Soo Xoraysay,Raga Xafiisyada Loo Furay Ee ku Shaqaysanaya Magacii SNM Waxba Uma Qabtaan Mujahidintii SNM,Waxaanu Leenahay Dowladu Hala Xisaabtanto Ragay Xafiisyadaas u Dhiibtay,Madaxwayne Waxaanu ku Shegaynaa Haddii Aad Maanta Sidan Nagu Dhaafto Xuquuqdayadii Dib ayaanu Ugu Halgamaynaa” Ayuu Yidhi Cawil Aden C/Laahi
 C/risaaq Cali Maxamuud Oo isaguna ka hadlay Cabashada Banaanbaxa ay Sameyeen Qaar ka Tirsan Mujahidintii SNM ayaa Waxa ka Mid ahaa Hadalidisii
” Somaliland Mid Baan Leeyahay,Waxaan Leeyahay Somaliland Waxay Leedahay Hanala ictiraafo,ilaa iyo Anaga Hadii Aanu Nahay Mujahidiintii SNM La ictiraafi Maayo Somaliland ,Dalkan Waanu usoo Dhibatoonayn Oo usoo Halganay,Somaliland Maanta Waxa Darajooyinkii la Siiyay Dad Aan usoo Halgamin,Maxaa Lagu ictirafaa Somaliland Kuwii usoo Degalamay ayaa Sidan ahe,Madaxwayne Waxaanu ku Leenahay Rag Meel Kale ka Yimi Ma Nihin,Ragii Aad Shalay Lahayd Maxaan Anigu idiin Qaban Karaa Wadanka Riyaale Oo NSS ta ah ayaa Wadanka Haystee, Maanta adigaa haysta oo madaxwayne ka ah ee Madaxwayne Balanqaadyadii ololaha iyo Kuwii Halkanba Waxba Kamaad Fulinin” Ayuu Yidhi
Warsame Gooraan ayaa isna waxaa uu sheegay inaanay ka yeelayn inuu Madaxwaynuu dorkan daafo isagoon waxaba ka caban cabashadooda.
Si Kastaba ha ahatee Dhawaaqani ka Soo Yeedhay Qaar ka Tirsan Mujahidintii SNM Ee Gobalka Togdheer ayaa Ku Soo Beegmaya Wakhti Magalada Burco Laga Warsugayo inay Yimadaan Wafti ka Socda Xukumada Somaliland Oo Uu Horkacayo Madaxwaynaha Somaliland,waxaanay tani qayb ka tahay cabashooyin lala sugayo inuu madaxwayne siilaanyo bal si uun u maareeyo.