Puntland oo dhakafaar ka qaaday socdaalka siilaanyo ku maray Saylac illaa Laasqoray oo filan-waa ku noqday

0
81

Garowe(Waaheen) Dowladda Puntland ayaa ka hadashay socdaal uu madaxwaynaha Somaliland Axmed maxamed Maxamuud Siilaanyo maanta ku tagay magalada Laasqoray oo ka tirsan Gobalka Sanaag Barri ee Somaliland

Madaxweynaha-iyo-hano-qaadShir jaraa’id uu galabta ku qabtay magalada Garowe wasiirka warfaafinta Puntlad Cabdiwali Xirsi Indhoguran ayuu ku sheegay Puntland inay ka xun tahay Socdaalka Siilaanyo ee Laasqoray ayna tahay daandaansi hor leh.

”Puntland waxay diyaar u tahay inay difaacdo xaduudeeda waxayna ka digaysaa wax kasta oo keeni kara colaad dhexmarta dariskeeda iyo isku dhac maamuleed,waxan aad uga xun nahay dhacdaasi dhacday anagoo ka fakaraynay darisnimo iyo wanaaga”Indhoguran ayaa yiri.

Hadalka wasiirka warfaafinta ayaa ka danbaysay ka dib markii socdaal uu madaxwayne Siilaanyo saaka ku tagay magalada Laasqoray halkaasoo uu dadkii uu la kulmay balan qaad ugu sameeyay isla markasna dhagax dhigay dekadda Laasqoray.

Waa markii ugu horaysay ee uu Madaxweye Somaliland soo maray uu socdaal ku tago magalada Laasqoray oo ka tirsan Sanaag Barri ee Somaliland. Wxaana Siilaanyo oo wali ku sugan Gobalka Sanaag Barri maanta qado loogu sameeyay deegaan ku yaala waqooyiga magalada Laasqoray