Muwaadin Taliyaha Booliska Ku Eedeeyey inuu Fara Galin ku hayo Dacwad Qowskooda u dhaxaysa

0
70

dhibaneHargeysa(Waaheen) Muwaadin Maax Cumer Maax oo ay dacwadka dhaxayso Qolo ay isku haystaan Dhul ayaa sheegay inuu Taliyaha Ciidanka Boolisku Faro Galin ku hayo taasi oo uu sheegay inuu Garabsiinayo Qolalada ay dawcadu ka dhaxayso oo sida ku Xusan Qoraalka Maxkamada ah Eedeysanaaysha Dacwadan, Munadinkani waxa uu Cabashadiisa  ku sheegay Qoraal uu soo gaadh siiyey Xafiiska Wararka ee Waaheen kaasi oo uu ku soo lifaaqay Qoraaladii Maxkmada iyo Warrant-yo kala duwan Waxaanu u dhignaa sidan:

Ku: Gudida Cadaalada JS

OG: Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somaliland

Og: Wasiirka Arimaha Gudaha  JSL

Og: Wasiirk Cadaalada JSL

Og: Madaxweynaha

Ujeedo: Cabasho Jananka Ciidan Booliska iyo Wasiirku xigeenka Amniga.

Anigoo ah wakiilka Dhibanaha Shaadiya Cumer Badmax ahna Walaalkeed Siciid Cumer Badmaax waxaan gudida Cadaalada ee sharafta leh halkan ugu soo gudbinayaa Cabashadayda Ujeedada ku xusan, Cabashadayduna waa sidan.

  1. Ugu horeyn Jananku Ciidanka Boolisku wuxuu faro galin ba’an ku hayaa Dacwad ka dhaxaysa Qoyska ilma Badmaax, waxayna dacwadu ka dhaxaysaa ilmo Cumer Badmaax oo dhibanta ah iyo ilmo Maxamed Badmaax oo Eedaysano yaasha ah.
  2. Waxay dacwadu hore iyada oo madani ah uga socotay guddiga ka garnaqa dacwadaha dhulka G/M/J, gudigaas oo ku dhisan xeer sharci ah oo baarlamaanku soo saaray madaxweynuhuna ansixiyay lana yidhaahdo LR:17/2001, waxaa noo yaalay goobta dacwadu ka socotay 6load oo dhagax ah oo dhibantu lahayd, waxaase dhagaxii si tuuganimo leh u qaatay saddex nin oo aan ahayn dadkii dacwadu naga dhaxaysay waxaanay kala yihiin:
    1. Cismaan Xasan Muxumed
    2. Maxamed yuusuf Cige
    3. Cali Xuseen Muxumed

Markii aanu saldhiga ka soo dacwaynay waa lasoo xidhay balse waxa uu jananku amar ku bixiyey   in lasii daayo.

3. Waxa u tagay jananka suldaankayaga iyo toban caaqil oo beeshayada ah waxay jananka ku      qanciyeen in uu ilmo badmaax iyo beertoodaba faraha kala baxo isaga oo jananku u balan qaaday inuu faraha kala baxayo arrimaha beerta ilmo badmaax isaga oo walibana u sheegay inuu dusha uun ka ilaalinaayey balse haddii ay ilmo badmaax noqotay inuu faraha kala baxayo .

4. Eedaysanayaasha saddexda ah kiiskoodii CID du intay soo gabagabaysay ayay xafiiska xeer ilaalinta keentay waxayna kusoo eedaysay QOD: 487, 489XCG iyada oo xeer ilaalintu soo raacisay eedooda warqad damaanad kala noqosho ah balse markii waaranka loo jaray oo ahayd 26/02/2014. Waxaa lasoo qabtay mid ka mida saddexda eedaysane lana yidhaahdo Cali Xuseen Muxumed , markii la horkeenay guddomiyaha maxkamadda gobolka, guddoomiyaha maxkamada gobolkuna waxa uu u rumaan gareeyay xabsiga dhexe taariikhdu markay ahayd 27/02/2014.

5. Nasiib darrada ugu wayni waxay dhacday markii jananka ciidanka boolisku uu iska indho tirey waarankii rumaanka ahaa oo toddaba cisho ah iyadoo loo sheegay askartii maxbuuska wadday inuu jeelku buuxsamay kadibna ay Ibraahim Koodbuur kula noqdeen halkaas oo uu jananku gacanta mar labaad ka soo qabsaday eedaysanihii iyada oo taliyaha saldhiga Ibraahim Koodbuur mar labaad 08/03/2014 loo qoray amar soo qabasho eedaysanayaal uu ku jiro eedaysanihii uu jananku ka kaxaystay saldhiga. Markii waaranka aan u  gaynay taliyaha saldhiga Ibraahim Koodbuur wuu naga diiday inuu naga qabto. Sida waaranka loogu amray inuu soo sheego eedaysanihii saddexaad ee saldhigiisa laga sii daayay isagoo xabsiga ku rumaan gareysan ciddii ka kaxaysatay saldhigiisa. wuxuu ku jawaabay aniga janankaa iga kaxaystay soo celina kuma odhan karo.

Waxa kale oo dhacday in wasiir ku xigeenka amnigu  Cabdillahi Abokor uu isaguna iyada oo aqoon darro ka hayso, ayuu guddoomiyaha gobolka warqad u soo qoray uu leeyahay waxaan ku farayaa inaad midayso dacwadda ku hor taala iyo ta guddiga ka garnaqa taala, adiga oo galka dacwadda ku wareejinaaya guddiga ka garnaqa dhulka ee G/M/J. Balse wasiir ku xigeenka amnigu waxa aanu fahansanayn  dacwada Gudiga ka garanaqa ka socota ay tahay madani balse ta maxkamada Gobolka taalaa oo ah tan aanu cabashada ka soo qoranay mid ciqaab ah oo aan la midayn karayn labada dacwadood, isna qusayn. Isagoo Wasiirku xigeenku TVga iyo saxaafada naga aflagaadeeyey isaga oo sheegay qolada dhagaxa dhigatay oo ah anaga in nalasoo xidh xidho oo aanu sharci daro dhagaxa ku dhiganay, Balse wasiir ku xigeenku nama yaqaano noomanuu yeedhin oo wax namuu waydiin.

Sidaa daraadeed, waxaanu gudiga sharafta leh ka codsanaynaa:

  1. Inay wax ka qabato Cabashada yada anagoo u aragna inuu jananka Ciidanka Boolisku isku dilayo Qoyska yaga isagoo garab saaraya Eedeysane yaasha. Haduu cid garab saarayana ay ahayd inuu dhibanaha garab saaro isagoo sharciga uun noogu hiilinaya. Balse aan sharci daro noogu hiilin.

 

FG: waxaanu halkan ku soo lifaaqnay warrant-nada eedeysaneyaasha lagu soo xidhay ee uu  Jananku naga siidaayey

Codsade: Siciid Cumer Badmaax.

 

 

 

0102 03 04 05 06