Maxamed Saleebaan Tubeec: Erey sagootis ah

0
32

“Giddigeed adduunyada intii, geesi lagu faanay,

Gocasho iyo magac baa ka hadha, gobi u aydaaye,

Waad gudatay Muusow xilkii, kula gudboonaaye,

Guushii ifkiyo aakhiroba, lagu guddoonsiiye,

Gol-dalooladeennii kuwii, kula gufayn waayay,

Ee nolosha kugu gabay ayaa, taagan goonyaha  e’,

Markaad guurtay bay leeyihiin, Ina Galaaloowe,

Mar haddaanad geerida horteed, geesiga aqoonsan,

Gablan weeye Soomaalidaay, garashadaadiiye,”

 

Maansadii Galaal ee Cali Sugulle Dun-carbeed, 1980kii,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

15/3/20014ka, Hargeysa,

Qormada 1aad

Geeriyaha qaarkood isu ekaa…….Xilligu isu ekaa…….Sida la isu gaasirayaa isu ekaa……Sida foolaadka mujtamaca loo illoobayaa isu ekaa…….Maansada tuduca aynu qormadan ku ballaysinnay ka soo qaadannay, waxa tiriyay Cali sugulle Dun-carbeed. Wuxu ka dul tiriyay xabaashii Maansayahankii, Xiddigiyihii, Murti-dhaadhigii, Far-horseedkii, Taariikhyahankii, Dhaqan-dhaadkii, Hidde-dhowrkii, Macallinkii Muuse Galaal, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’.

Waxaan filayaa in ay ahayd bishii Diisambar 1980kii iyo magaalada Muqdisho. Maxamed Siyaad Barre, wuxu ka mid ahaa madaxdii aaska ka soo qayb-gashay. Cali Sugulle maansadan baroor-diiqda ah wuxu ka dul tiriyay aaskii. Maanta oo aynu geeridii Maxamed Saleebaan Tubeec u joogno, waa maalin maalintaa iyo qaar badan oo ka dambeeyay aan la kala sooci karin. Maalmuhu isu ekaa.

Muuse Galaal ayaa magaalada Muqdisho ku xanuunsaday. Dhinac walba waa loo orday oo kacaan-sheegatadii xukunka maroorsatay waa loogu taag waayay in Odeyga dhakhtar dibadeed la geeyo. Wuxu ka tirsanaa Akaademigii Cilmiga, fanka iyo suugaanta. Waxa kale oo uu xubin ka ahaa Guddidii Af Soomaaliga. Muuse Galaal waxa kale oo uu ka tirsanaan jiray Guddi ay UNESCO u saartay qoraalka ’Encyclopedia’ qaaradda Afrika loo diyaarinayay. Mar dambe oo xeedho iyo fandhaal kala dahceen ayay Deeqa Colujoog oo Akaademiga ka madax ahayd ku guulaysatay in Muuse Galaal dibadda loo qaado. Dayuuraddii oo hawada ku jirta ayuu dhintay, ka dibna waxaan u malaynayaa in magaalada Jedda laga soo celiyay.

Ma Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasin) ayaynu ogeyn……Ma Qaybe ayaynu ogeyn…….Ma Maxamed Saqadhi Dubbad ayaynu ogeyn……Ma Xuseen Aw Faarax Dubbad oo reero muskood lagu aasay ayaynu ogeyn…..Ma Xasan Diiriye ayaynu ogeyn…….Ma Cumar Dhuule ayaan loo barooran……Ma Faadumo Xirsi Cabbane ayaynu ogeyn…..Ma Faa’isa Xaaji Cabdillaahi ayaynu ogeyn, Guddoomiyihii Ururkii Alla Aammin, waa Faa’so-dheer e’. Immisa hebel oo kale……Immisa heblaayo oo kale ayaa madaxiinna iyo xiskiinnaba ku wareegaysa. Maye geesiyaashii….Maye intii dal iyo dadba u soo dhaamisay….. Intii u soo halgantay….Intii haydaarta iyo hadimada u soo mudatay…..Intii u soo dhaawacantay.

Bal u fiirsada kumaankunka doollar ee sannad walba xukuumaddeenna Dhagax-dhiga Dhul-jecel kaga baxa daabulka Qurba-joogga iyo dibad-bixinta qolqol-joogga. Miyaydaan dareemin sannad-guuro kasta oo Meey inta dibadaha laga keeno ee hudheellada loo kireeyo iyo inta kale ee mar-dhoofka ah ee gacan-mariska loo geeyo dibadaha. Markaa ay maqasho halyay qaran ayaa xijaabtay ayay aas-qaran iyo guddiyo-samayn ku meeraysataa.

Maansho e’ Timacadde lahaa:

“Dambarkeedi Maandeeq nimaan, doonin baa dhamay,”

Sow tii Gaarriye inagu yidhi: Aas qaran waxa ka horreeya aroos qaran. Qof noloshiisii la qiimayn waayay, maxay qiimaynta aaskiisu macno samaynaysaa. Sow tii uu Gaarriye lahaa:

 

“Ha laguu ilmeeyee,

Horto dhimo af maahee,

Eeggoo la noolyiyo,

Ifkaan kaaga baahnahay,

Wax yar oo aqoonsiya,

Oon aad u buurnayn,

Oo weliba eegeey,

Igu sii amaahoo,

Ictiraafka buuxee,

Aakhiro markaan tago,

Iilka igu sugaayiyo,

Ayaantaan xabaal galo,

Oohintaan mutaystiyo,

Akowntkayga laga jaro,”

 

 

Maxamed Saleebaan Tubeec qajeel ayuu ka soo qayliyay cisbitaalkii uu yaallay oo Soomaali badani ka gurmatay. Xukuumaddeenna abaal-daran xaggee ayay ku maqnayd. Waxaan xusuustaa habeen aan daawnayay SNTV-ga Muqdisho. Degmadu Yaaqshid ayay ahayd. Waxa xafladda goob-joogayaal ka ahaa Guddoomiyaha Degmadaas iyo Axmed Maxamuud Tarsan, Guddoomiyihii iyo Duqii Magaalada Muqdisho. Waxa dadweynaha xaafadda loogu baaqay oo la gurayay lacag Maxamed Saleebaan lagu taageerayay.

Muqdisho heerkaas ayay ka taagnayd. Maxamed wuxu ku dardaarmay in Berbera lagu aaso. Yaa ku aasaya haddaba, hore ayaa looga diyaar-garoobay halka lagu aasayo oo cid ayaa ilaa maalintaa danaynaysaye. Teennuna hadd a ayay sidii dhidar danab ku kacay hambabartay oo guddi-baaskeedii meherad ka dhigatay. Oo yaa ka siisanaya!

Qadiija ismaaciil oo ah xaaska maxamed Saleebaan caawa Hargeysa ayay joogtaaye, xukuumadennu ma og tahay? Jaamac Saleebaan Tubeec manta ayuu Berbera ka yimid oo Hargeysa ayuu caawa joogaaye, xukuumaddeennu ma og tahay? Carruurtiisa ilaa immika meydka dul tuban ma laga war qabaa? Oo haddaa maxaynu isu sheegaynaa?

Uma hollan in aan qoraal sidaa u sii dheer qoro. Ma aan helin fursaddii aan ku soo gudbin lahaa taariikhdii iyo geeddigii faneed ee dheeraa hodankana ahaa ee Maxamed Saleebaan Tubeec, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’. Waa qormooyin aad u kooban oo gole-ka-fuul ah ee ha la ii dul-qaato haddii aan gawl-gawlo. Mid aan ula kacay iyo mid Maxamed iga mudan yahay midnaba ma aha.

Sida aad mareegahaba ka dheegateen ku-sinnaan 1941 ayuu Maxamed ku dhalanayaa Laaleyska oo aan Beberbera ka fogayn. Reerku ma ay deggenayn bal se iyaga oo ka xagaa-baxay Berbera oo Burco ku socda ayay islaanta fooshu halkaa ku qabatay. Maxamed wuxu ku kacaamay kuna barbaaray magaalooyinka: Berbera, Burco, Hargeysa iyo Jabuuti. Sida aanu ka soo xigannay walaalkii Jaamac, mar dambe ayuu Cadanna u dhoofay. Beryo dambe oo ku beegnaa ilaa dhowr iyo lixdankii ayuu Xamar u wareegay, noloshiisa intii ugu badnaydna wuxu ku noolaa magaalada Muqdisho, marka laga reebo sannadihii dibad-baxa iyo dibad-joogga ee uu ku qaatay dalka Swizerland.

(La soco…………………………..)