DAGAALKA XUKUMADDA EE DAARRAN SAAXIL: QORMADDII 1AAD

0
83

Tan iyo intii ay taladda waddanka lawareegtay dawladda siilaanyo waxa soo kordhaayay didmadda iyo darreenka shakiga leh ee dawladda iyo dadweynaha reer saaxil soo kala dhexgalay. Istuhunkaa waxaa aas-aas u haa talaabooyin is ficilsi ah oo ay xukumadu ku farogelinayso arimaha xaas-xaasiga ah ama u khaaska ah ee dadweynaha gobolka saaxil kaga tashanayaan danahooda gaarka ah, kuwaasoo ay ugu horraysay.

Shirkii dubur ee lagu dhisay guddida dan iyo duco:

Shirkaa soo ahaa miday beeshu kaga tashanaysay danaheeda gaarka ah islamarkaana aan ahayn shir siyaasadeed iyo mid dangaara laga leeyahayba kaasoo ay beeshu kaga tashanaysay kor u qaaddida arrimaha bushadda sida waxbarashada, caafimaadka, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo wixii lamida.

Dhanka kale shirkani wuxuu dabasocday shirar ka horeeyay oo ay qabsaddeen qaarkale oo ka mida beelaha wada dega Somaliland ku waasoo aynu ka xusi-karno beesha madaxweynuhu ka soo jeeddo oo ku qabsatay degmadda Gar-addag, hase ahaatee shirkani waxa uu xukumada iyo inta la xullufada ahba ku noqday lafdhuun gashay.

Ismaandhaafkii ka dhashay wershaddii sibidhka:

Ismaandhaafkan oo ahaa mid qadhaadh ayaa yimi kaddib markii ay xukumaddu ku wareejisay wershaddii sibidhka lagu samayn jiray ee lagu magacaabo shamiitadda shirkad gaar loo leeyahay , arrintaasoo abuurtay buuq, qaylo iyo mudaharaado ay shacabku kala horyimaaddeen xukumada iyo xullufaddeedaba, taasoo ay xukumadda ka raacday ceeb-xambaarsan sawir qabyaaladdeed kama dambaystiina ay waxba la’aan iyo guuldaro kala hulleeshay.

Fadeexaddii qadhaadhay ee xukumadda ka raacday farogelintii golaha deeggaanka ee degmadda Berbera:

 Arrintani waxay soo ifbaxday kadib markii ay fashilantay iskuday ay xukumddu dabada ka riixaysay oo ay ku doonaysay inay ku qaaddato xilka maayir ku xigeenka degmadda islamarkaana ay sitoosa uga faramaroojin lahayd beeshii hore u lahayd isku daygaasoo sababay inay xaaladdu faraha ka baxdo ka dib markii ay  dhinacooda ka sariigteen koox uu hogaaminaayay Badhasaabkii wakhtigaasi ee gobolka saaxil Mr Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax  ku waa soo dhinacooda ku gacan saydhay ficilka danaysiga ee ay xukumaddu wadday,  ugu dambaystiina ay xukumadu gacmo madhan ka la carawday halka xulafaddi Ramaax na guul layaable ka soo hooyeen  ka dib markii ay arintu siday doonayeen u dhacday.

 

 

Dilkii qudhgooyadda ahaa ee lays ku deyay in laggu qaarjiyo Xildhibaan Qabile:

Iskudaygii qudhgooyadda ahaa oo uu ka badbaaday Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile ayaa waxaa uu ahaa fal waxashinimo iyo caddawaad muujinaya oo aan hore loogu arag gayiga Somaliland kaa soo uu ka madanbaystii raadkiisi galay xubno xukuumadda xilal sare ka haya. Tasasoo ujeedada ka danabaysay la rabay in la iska horkeeno beelaha walalala ah ee deegaanka saaxil.

Weeraradda ka Dhanka ah guddida dan iyo duco:

Waxa ayaduna aan la qarinkarin isku dayadda ay xukumaddu dabbada ka riixayso ee hadh iyo habeenba ay ku doonayso siddi ay ku burburin lahayd guddida dan iyo duco oo ah guddi ka madax banaan siyaasad, qabiilaysi iyo fara gelinta arimaha dawladda. Waxaa ayaduna xusid muddan inkasta oo ay xukumadu geed-dheer iyo geed gaabanba u fuushay sidii ay mar-uun u kala dirrilahayd gudidaas inay haddan marwalba kala huleeshay guuldaro iyo waxba la’aan, iyadoo adeegsanaysa haabab xeeladaysan oo la doonayo in lagu waxyeeleeyo sharftooda iyo sumacdooda, kana aamin ka baxaan bulshada soo dooratay.

Waxaana jira xubno ka madaxtooyada kaga qadhaabta inay kala diri doonaan giolahan dani iyo duco.

Weerarada afka iyo adeegsiga wijiku macaashka ee xukumadda:

Waxaa ayaduna marrag maddoona in xukumaddu marwalba ku hawlantahay dacaayadaha riqiiska ah iyo borobagaandhaha  laga fiddinaayo dadka sharafta iyo karaamadda ku leh gayiga somaliland ee ka soo jeeda gobolka saaxil ku waasoo siyaabo kala duwan looga been abuuranaayo qaarna aflaagaado warbaahinta loo marinaayo ayadda oo loo adeegsanaayo dad ubadan dumar iyo dadka wax magaratadda ah  ku waa soo  hadba cidii muraad leh ee xukumdda ahi  u adeegsato  islamarkaana loo sii dhexmaro hadba cida la rabo.

Dacaayadaha ay xukumaddu caaddaysatay waxaa ka mida kooxo dhuuni qaatayaala oo  maalinwalba warbaahinta lataagan anaggu ahaddaanu nahay  dadweynaha reer saaxil waxaanu taggeersanahay dawladda iyo waxaan dhaamin, halka qaarkalana loo addeegsaddo aflaggaaddada warbaahinta ee lagu canbaaraynaayo dadka sharafta ku dhexleh ummadda reer somaliland, kooxahaa aynu soo sheegnay ee wejiku macaashka ah waxaa ka midda qaar maalin walba xaal madaxtooyada lataagan ay ka siddaan dad aanay meteli karin, dadka ay xukumaddu taargadka ka dhigatay waxaa kamidda Mujaahd  Dhegaweyne, Marwo Faadumo Siciid, murashaxa maxadaweynaha ee xusbiga Ucid iyo qaarkale oo badan.

Tii horaa Lahibanaayee Maantana Halbaa Qallan:

Sidda la wada ogyahay gobolka saaxil oo ah gobol ay wadda degenyihiin inbadan oo ka midda beelaha Somaliland ayaa tan iyo intii ay xukumadani xilka la wareegtay,  waxay kula dhaqmaysay arimo baddan oo gaf ku ah dadweynaha degen gobolka kuwaa soo ay ka mid yihiin kuwaa aynu korku soo sheegnay iyo qaar ka siibadan.

Dhamaan arrimahaa ay nu soo xusnay waxay u dhacayeen si toosa iyo si dadbanba kuwaa soo loo addeegsanaayay fulintooda dad guulwadayaal ah  oo ku andacooda inay xukumdda u metellaan dadweynaha reer saaxil. Sikastaba ha’ahaatee shacabka reer saaxil ka maybogsan nabaradaa aynu soo sheegnay waxaase ka siiddaran dhagaraha loogu maqan yahay iyo shirqoolada ay xukumaddu u maleegayso haddaan hoos ugu deggo dulucda haddal kayga tallaabbooyinka baqdinta leh iyo khataraha ay xukumaddu Berbera la maagantahay waxaa ka mida ah.

Shirkad  Dekeddaha Maal Gilisa oo ay dhawaan xukumddu heshiis la gashay :

Shirkaddani  waa shirkad ay tayaddeedu liidato islamarkaana uu madaxweynuhu diiday dhawr jeer isaga oo og tamardaradeeda siddda ay sheegeen xubno ka middahaa gollihiisa wasiirradda, haddaba waxay su’aashu tahay madaxweynuhu waa madaxweynihii shirkadduna waa shirkaddii inbaddan uu diidijiray madaxweynuhu, inlagu wareejiyaan dekeddana waxa hadda keenay waa dibbin-daabyo qoto fog oo huwan wejiyo baddan ku waa soo laggu mijo xaabinaayo laggagana naddiifinaayo deegaanimadda rasmiga ah ee dadka Alle ku beeray gobolka saaxil ku waa soo ay xukumaddu aaminsantahay inay ubadan yihiin beel keliya sidda lagga dheehan karro qudbadihii ay jeediyeen marar badan.

Heshiiskan lallagalay shirkadda oo ay koox wasiirro ahi dabada ka riixayaan ayaa waxa uu yahay in lagu wareejiyo dekedda in muddo ah, waxaa taa ka siiddaran shirkaddu waa shirkad waddata dhamaan shaqaalaheeddii madax iyo mijabba taasina waa sabbabta uu daarran yahay heshiishkani oo ay xukumaddu doonayso inay kagga sifayso kanna tirtirto dadka  deeggaanka ah, sabbabtoo ah qorshaha xukumadda ee ka danbeeya heshiiska ayaa ah in marka uu heshiiska qandaraaskani dhamaado  kaddibna sisiman loogu tartamo dhamaan shaqadda dekedda iyo shaqaalaheedda kuwaa soo siddaan horeba u soo sheegay ay xukumaddu u haysato meel beelkeliyi.

Aarrinta maanta iyo ujeedadda maqaalka:

Maqaalkan maanta oo ah mid aad udheer waxaan uggu tallogalay siddii ay akrisanayaashu u fahmilahaayeen u jeedadda iyo xogta uu xambaarsan yahay oo aan dhacdooyin baddan oo run ah goggoldhig ugga dhigay waxaan akhristayaasha ka raali gelinayaa hadday dhibsaddaan ama ka caajisaan akhriskiisu iyo xogta uu xambaarsan yahay.

Haddaba arrinta waxaa aan soo sheegay oo dhan ka halisbaddani waa qormadda aan maanta qillinka u qaatay igunna kaliftay maqaalkaygan qaylo dhaanta ah waa arrin halisteedda leh oo aan doonaayo innaan ku baraarujiyo dadweynaha reer saaxil guddo iyo debedba siibba qurba jooga oo ah dad aan dalkii joogin waxaa keliya ee ay ku war helaana ay tahay qaybaha ka la duwan ee warbaahinta, waa arrin ubaahan in meellooga soo wadda jeesto gacmo birrena lagagu qabto, waa arrin ubaahan jawaab degdego ah iyo dareen cellis dhakhso ah. Waa arrin ku soo korrodhay dhamaan dhacdooyinkaa aan soo sheegay, waaa arrin qudhgooyo ku ah dadweynha deeggaanka cibro iyo waannana u ah deeggaanadda kale waddanka, waa arrin xukumaddu in muddo ah ka soo shaqaynaysay fikirkeedda, fangaraynteedda, iyo fullinteeddaba, waa qorshe dhaggareed, qudhgooyo wadareed, iyo qiimo rid lagula kacaayo dad waynha reer saaxil, waa ollole  xamaasadaysan oo  muddaba xukumddu ku mashquulsanayd  siddii ay  marruun meel isuggu keenilahayd  lahayd Odayaash, Dhalinyarradda, Haweenka, Aqoonyahanka,  iyo haldoorka dhamaan qaybaha kala duwan ee dadwehnaha reer saaxil, hawsha dadkan laggu ururinaayana waxaa dillaaliin ka ah kooxo dabba dhilif u ah xukuumadda oo dhallasho ahaan ka soo jeedda goolka, ku waa soo xukumadda u metela gobolka laakiin aan waxqiimo ah ku lahayn bushadda ay maggacooda ku maxaabsaddaan. Ujeeddada dhabta ah ee dadkan loo ururinaayo ayaa ka duwan sidda waxloogu sheegay oo ah siddii  ay is ku laabxaadhan lahaayeen bogooddan burcadlaysugu marrinlahaa dawladda iyo dadweynaha reer saaxil maddaama oo ay in muddo ah wax kala tirsanayeen, hase ahaatee ujeeddada dhabta ah ee arintani hawan tahay ayaa ah labba arimood oo isbarkan kuwaasoo kala ah siddii look ala dirilahaa Odayaasha daniyo duco oo xukumddu u arragto inay caqabad ku yihiin danahooda ku aaddan gobolka iyo talabada labaad  oo ah siddii ay dadka ay xukumddu ku shaqaysato iyo waxmagarataddu warbaahinta uggaga dhawaaqi lahaayeen inay dhamaan gobolka haldoorkiisi ku biiray xukumdda Odayaasha  sidda kale wax loogu sheegayna ay sawir uggu gelilahaayeen taa soo lafjab iyo bubur ku noqon karta guddida dan iyo duco.

Isku soo wadadduuboo dhamaan umadaha Alle abuurtay (SWT), waxay  ka siman yihiin dad waxma garato ah islamarkaana in la hogaamiyo ku fiiican iyo dad Alle hogaamita iyo haggista umadda muwaahibbo u siiyay hase ahaatee xukumdda siilaanyo ayaa waxay caaddaysatay naddaam ka duwan naddaamyadii ay ku dhaqmijireen dawladdihii ka horeeyay ku waa soo xillalka u magacaabijiray dad waxtar iyo nacfi u leh  goboladda  ay xukuumadda u metelayaan iyo dhamaan qarankaba, halka xukumddan maantu ka urursato dadka nolosha ka dhacay waa dawalad taageerta  afmiishaarka, beenaalaha, qurbajooga daandaamay  ee nolosha ka dhacay iyo dadka hantiboobka iyo fasahaadka moyee aan waxa kale ku soo kor dhinayn umadda, waa dawalad ka caddanyoota aqoonta, daacadnimadda, runsheega, cadaalada, eexasho la’aanta, deeqsinimada, iyo dhamaan sifooyinka wanwanaagsan.

 

Guntii iyo gabagabaddii dhamaan arrimahani waxay jawaab u yihiin kaddib markii ay xukumaddu ku baraarugtay shirrar is xogwaraysiya oo uu murashaxa madaxweynaha ee xubiga UCID ku tegay goboladda Togdheer iyo Saaxil ku waa soo ay xukumaddu darreen sas iyo shaki leh ka muujisay islamar ahaantaana ay miciinsatay qayla dhaan ay ku ururinayso dad si qaldan waxloogu sheegay iyo intii awalba madaxtooyadda ku xeerayd, sikata oo ay arintu tahayba arrintan maanta ayaa ah mid darreenkeeda leh islamarkaana ubaahan diyaar garaw dhakhso ah iyo iskuddubniddii lagguyaqaanay reer saaxil.

 

Qallinka: Xasan Maxamed Xasan.

Email:  wadani_mx@hotmail.com.

Hargeisa, Somaliland.