Xildhibaanda Golaha Deegaanka Borama o kulan gaar ah oo ay kaga cabanayaan Maayarka la yeeshay wasiir Warancade

0
92

Waaheen(Borama) markii uu  magaalada Borama uu joogay madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Md.Axmed Maxamed Max’ud silaanyo iyo wafti warncadebalaadhan oo wasiiro,xildhibaano iyo siyaasiyiin kaleba iskugu jira ayaa xadhiga karay wadadii u dhaxaysay dila iyo Borama oo intii ugu danbaysay la dhamaystiray 27 km taasoo 16km oo kamid ah dawladu maalgelisay isla markaana wuxuu madaxweynuhu dhagaxdhigay wadada isku xidha Borama iyo lawyacado oo lafilaayo in ay ASARDA oo ka wakiil ah bulshada awdal iyo salal halkaa kasii wadidoonto.

Waxa kale oo iyaguna halkaa kahadlay mas’uuliyiin badan oo ay kamid wasiiro,culimo’udiin,mas uuliyiinta ASARDA ,salaadiin,mayor-ka degmada,kusimaha badhasaabka,iyo gudoomiyaha jamacada camuud prof; Saleebaan Axmed guleed.

Waftigan oo xiliqadadiiba u kolayeystay dhinaca gobolka salal oo sida lasheegay marka horeba qorshaha ugu jirtay in madaxweynaha iyo waftigiisu kusoo gaarabixin doonaan magaalooyinka garisa,saylac,lughaya iyo magaalooyin kale oo kuyaala xeebaha gobolada awdal iyo salal waftigan oo la sheegay in ay usii gudbidoonaan maalmaha fooda inagusoo haya xeebaha gobolka saaxil caasimadiisa Ber-Bera.

Dhinaca kale sida ay sheegeen xildhibaandii kasoo baxay labada xisbi ee WADANI iyo UCID ay lakulmeen wasiirka daakhiliga JSL Md.waran-cade kaasoo ay sheegeen in ay kacodsadeen qodobo dhawra una balanqaaday in uu codsigooda tixgelindoono maadaama ay hore ubalansanaayeen xili ay xafiiskiisa hargaysa kula kulmeen sida ay sheegeen qaarkamida xildhibaanadanu.

waxa kale oo ay sheegeen xildhibaanadani in uu kulankani ay wadayeesheen wasiirka daakhiliga uu Mayor-ka magaaladu uga baxay shirka iyaga oo xildhibaanadu markii hore kawalwalsanaa lakulankiisa maadaama uu wasiirku warkooda kadheregsanaa sida uu sheegay xil.kamida xildhibaanada WADANI,hadana markii danbe xildhibaanadii waxay u arkeen jaanis ay sugaayeen in ay wasiirka mar uun iskukeliyaystaan.

WARIYE CALI ISMACIL ARREH