Umad Yahay Daryeelkaa, Isku Duubnidaadiyo Adigiyo Dedaalkaa, Dawadaadu Waa Taas… Kormeerka Madaxweynaha C/Xakiim Axmed Ahmed26june@yahoo.com

0
121

Kormeerka uu madaxweynuhu gobolada dalka ku marayo ayaa ah mid ku soo beegmay wakhti uu horumarka dalku qabsaday jidkii loo qorsheeyay.

Mashaariicda kala duwan ee madaxweynuhu furay iyo kuwan uu dhagaxa dhigay ayaa jahawareer ku riday kooxaha buuqa iyo qaylada fadhi ku dirirka ah ku jiray.

Waagii beryaaba waayo leh…  waxa la galay wakhtigii waxqabadka ee la yarayn lahaa hadalka , isku duubinada dalku waxay ku jirtaa iska warahaynta bulshada iyo in wax lawada qaybsado.

Madaxweynuhu wuxu gudanyaa hawshii caadiga ahayd oo ah inuu ka war helo bulshadiisa, isgaoo u sii maraya masuuliyiinta gobolada iyo odoyaasha dhaqanka..

Waa koremeer xambaarsan in wixii horumar ah la iska kaashado, wixii bulshada horumarkeeda wax u dhimayana jidka laga qaado.

Madaxweyne Axmed siilaanyo Mudadii uu xilka hayay wuxu sanad kasta ku dadaalaya inuu waxqabadkiisu ka bato kii ka horeeyay…  Xukuumad aan helayn kaalmo caalami ah iyo daymo oo horumarkan samaynaysa waxay tahay mucjiso ay la yaaban yihiin inta caqliga ka shaqaysiinaysaa.

Kormeerka madaxweynuhu wuxu fadhiisyay kooxo taagana oo ku qaylinayay  been iyo dacaayad ay ka danbayso dal iyo dad nacayb. Hoostana ay kaga xardhan tahay kursi doon.

Wakhtiyada horumarka iyo kormeerka madaxweynuhu ee mashaariicada,  mucaaridku way aamusan yihiin, yagoon amaan iyo dhaliil midna soo saarin.

Tani waxa sabab u ah iyagoo Shaqada ugu weyn ee ay hayaan tahay dhaliil… taasina waxa iska hortaagaya xaqaa’iq muuqda oo markaasi socda…

Muddo marakay joogaanba ayay soo hambabaraan oo ku dhawaaqaan… waxba lama qaban… la bakhtiyaya … dadkii shaqo la’aanba dishay.. ?

Waaqac runta ah kama hor yimaadaan, waxa keliya ee ay hayaana waa been iyo dacaayada aan jiho lahayn oo ay bulshada kula dhex wareegaan. Bulshadana waxa la gudboon inay danahooda ku dhamaysato isku duubni, midnino iyo hawlkarnimo.

Deegaanta noloshiyo

Darantiyo samaantana

Ninkii doonayoow taas

Daw loo maraa jira

Umad yahay daryeelkaa

isku duubnidaa iyo

Adigiyo dedaalkaa

Dawadaadu waa taas

Dhan hadday ka debecdana

Gabbalkaa dam weeyaan

Ma dardaaran baa hadhay

Deexashada tusaalaha

Ama talada deeqda ah

 

Waa Bilaahi Tawfiiq