Jawaab maqalka Haddii Gudoomiyaha maxkamada Sare Xilka Laga qaado!!

0
131

Jawaab Maqaalka Haddii la bedello Gudoomiyaha Maxkamdda Sare ma hagaagaysaa caddaladda Somaliland, ee Maxamuud Ismaaciil Barreh(mahmoud963@hotmail.com) uu Qoray. Link = (http://qarannews.com/?p=40107)

Dheecaan macaan iyo

Haddaan dhabaq ahaa shalay

Dhadhankiisa loo bogay,

Maantaba dhurdihi mamay

Markay dhabi dhabteed timi

Dacar ma u dhadhamayaa?

 

Dhadarbi Abwaan Gaariye…

 

Maansadaas umaan soo qaadan Faan iyo ammaan ee waxaan usoo qaatay in aan si qotodheer wax ugu sheego ninkaas maqaalkan soo qoray oo aan filayo in uu yahay Qurbe-Joog, waxa ay maansadaasi ku dareensiineysaa qofkaad shalay jecleyd ee aad u dhololeysay in maantana aad tidhaahdo waan nacay oo waan dhaliilayaa.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare Mud.Yuusuf Ismaaciil Cali waa nin dalka JSL ku sugnaa kana soo shaqeynayey Grasoorka 22-kaas sano ee dalka lagu jirey waxaanu soo qabtey xilal kala duwan isaga oo ahaa Gudoomiyaha ugu fiicnaa grasoorka wakhtigii uu iskii iskaga casiley Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Saaxil , waxa kale oo kazoo sheeqayey Ururka Qareenada Madaxa-banaan , waxa kale oo uu ku shaqayn jirey Looyar madaxbanaan waana ninkii ugu fiicnaa ee kiis uu gala aanu dib maxkamada ugu soo laaban.

Maantana waa Gudoomiyaha Maxkamada Sare maalintuu yimid waxa aad dareemaysaa sida ay aheyd cadaalada garsoorku waxa Xabsiyada dalka oo dhan ku jirey dad aan la garanayn cid ay u xidhan yihiin, dad xukunadii ka dhamaadeen oo lagu ilaawey, dad gar sugayaal ku ahaa xabsi in ka badan 10 sano, waxa uu ku guuleystay dhamaan tood in uu kiisaskooda so oaf jaro, waxa dhacdey in xabsiga Gabiley gabadhii ku xidhneyd lagu Kufsadey kuna qaadey Uur halkaasna sidii ay ugu foolanaysay ku dhiigbaxdey markii la geyn waayey Dakhtar ama looguba yeedhi waayey haddii xaalada amni adkeyd.

Haddaba ninka sidaad manta arkayso ka dhigey Garsoorka dalka ee gaadhsiiyey in Talaabada khaldan ee kaga timaada Wasiir ka mid ah Xukuumada Axmed Siillaanyo ay hangool dheer iskaga qabanayaan abidkeedna hore umay dhicin Gudoomiyayaal ka cawda Wasiiro waan kalsooni uu gaadhsiiyey Gudoomiyuhu una madax-banaaneeyey hawlahooda Garsoor, waxa manta aad arkeysaa kiis labo isbuuc kusoo af-jarma abidkeedna hore umay dhicin, waxaad helaysaa garsoor aan ku odhanaynin lacag ma haysataa oo waxa uu shaqaaleysiiyey in ka badan 50 Dhalinyaro ah oo kazoo qalinjabiyey Jaamacada Hargeysa oo Garsoorayaal uu ka dhigay una qeybiyey Goboladda dalka kuwaas oo aad u yaryar kana naxaya qofka ay kiiska u qaadayaan kana xishoonaya lacag laaluush ah in ay kaa qaataan oo naftooda u baqanaya waxaana loogu badalay halkii laaluushka mushahar ku filan oo loo sameeyey.

Inkasta oo ninka kiis laga xukumaaba uu caayo Garsoorka dalka  sidoo kalena ay jiraan garsoorayaal shaqo xun oo wax isku murgiya haddana 70 % waa la hagaajiyey Garsoorka Dalka malintii xilka uu la wareegayna waxa uu Garsoorku Gaadhey 20 % oo aad ayuu hoos ugu dhacay balse manta waad ku kalsoonaaneysaa haddii uu kiis kaa galo.

Gudoomiyaha Maxkamda Sare waa ninka aad ka heli karto Xafiiskiisa wakhti kasta oo aad u baahato oo lagaama celinayo cabashadaadana wuu kaa qabanayaa waanu dabagalayaa horena umay dhicin oo lamaba heli jirin gudoomiyayaashii ka horeeyey, waxad dareemaysaa garsooraha dacwad laga soo gudbiyo in sida ay tahay ay guddida cadaaladu wax uga qabanayso laaluush lagu eedeeyana hadalkiisaba daa.

Markaa sxb adiga oo waliba dalka ka maqan ma waxa aad jeclaysatey in aad adigu keento nin aad jeceshahay waaba laga qaadi karaa xilkee oo ka miisaa halkii hore looga miisi jirey mise waxa aad u danayneysaa dalka iyo shacabka, waayo Cadaalad darro waxa ay ka dhacdaa Caalamka oo dhan laakiin nidaamka iyo habka Garsoorku haddii uu si fiican u shaqeynayo waxa yaraaneysa cadaalad darro ka dhacda balse waxaan ku leeyahay Qurbe-jooga Dibadoow Soo Booqo Ciidaada soo booqo baladkaaga oo dhaliisha Hay’adaha qaranka u adeegaya ka daa.

 

Hassan Yusuf Faarax(Burhan)

00-252-634148658

Hassandeef@gmail.com

Hargeysa, Somaliland