Wasiiradda Waxbarashada iyo Horumarinta Deegaanka oo soo af-jaray shaqaaqadii gabilay

0
36

Waxaanu ku amaanaynaa so oaf-jarida shaqaaqadii Sabtidii Dawladda Hoose ee Gabilay oo Tunka u ridatay

Gabilay(Waaheen) Wasiiirada wasaaradaha waxbarshada Samsam Cabdi Aadan iyo Wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Shukri X.Ismaacill Baandare, oo ay weheliyaan badhasaabka gobolka gabiley Yuusuf Ibraahin Geedi, Maayerka degmada gabiley Shucayb Maxamed Muuse, Taliye ku-xigeenka qaybta Baashe Aw Dheere, Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan, caaqil Maxamed C/laahi Weerar, boqor Muxumed Geele Seed, iyo martisharaf kale oo faro badan ayaa soo af-jaray khilaafkii abuuray Mudaharaadkii lagu rigaaxay xafiisyadda Dawladda.

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadashay wasiirka waxbarshada marwo Samsam Cabdi Aadan waxaaney dawlada hoose ee gabiley ku amaantey sida ay uga gacan siisay soo afjarida arintaasi waxaaney tidhi “maanta waxaanu soo af-jarney shaqaaqadii yarayda ee ka dhacday sabtidii magaaladda gabiley runtii si fiican bay noogu dhamaatey waa ilaahay mahadii laakiin waa la baadhayaa cidii arintaa ka danbaysay si aaney mardanbe inoogu soo noqon, waxaan dawlada hoosena ku amaanayaa doorka wanaagsan ee ay ka qaateen sidii arintaa loo soo afjari lahaa hawsha u weyn iyagaa ka qaatey.”ayey tidhi wasiir Samasam Cabdi Aadan 

Wasiirka deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Shukri X. Ismaacill Banadare oo ka hadashay gabilay ayaa ka dhawaajisay inay dhawaan keeneyso agabkii wasaaradeedu lahayda waxaaney tidhi”runtiii khilaafkii yaraa ee u dhexeeyey labada wasaaradood waanu dhamayney, shaqadii wasaaraduna way socotaa, maanta waxaan bogaadin u dirayaa maamulka dawlada hoose oo hawsha kala furdaamiyey oo hawshii oo dhan dhabarka u ritey, runtii wasaaradu hawla waaweyn bay qaranka u haysaa waxaanu jecel nahay sida aanu u dadaaleyno ina naloola dadaalo.” Ayay tidhi wasiirka deegaanka iyo horumarka Somaliland 

Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan iyo boqor Muxumed Geele Seed oo halkaasi ka Hadley ayaa ku dheeraadey kaalinta ay nabad galyadu u leedahay bulshada, waxaaney labada wasiir ku booriyeen inay dadaalka halkaasi ka sii wadaan. 

Maayerka degmada gabiley Shucayb Maxamed Muuse iyo badhasaabka gobolka gabiley Yuusuf Ibraahin Geedi ayaa ka dhawaajiyey inay aad usoo dhaweynayaa soo afjarida khilaafkani, waxaaney sheegeen inay geed dheer iyo geed gaaban u fuuleen sidii ay arinta usoo afjari lahaayeen