Dawo Sawiro: Socdaalka Madaxwayne Siilaanyo uu Ku Maraayo Gobolada Awdal , Salal iyo Dareemada ku Xeeran

0
136

1 2 3 4 5 6 7 8 9 11 12 14Borma(Waaheen) wafti uu hor kacayo madaxwaynaha jamhuuriyada somaliland mudane axmed maxamed maxamuud (siilanyo) oo ay waheliyaan marwadiisa iyo raxan ka tirsan golaha wasiiradiisa , xildhibano ka socda labada gole oo maanta subaxnimadii ka soo kicitimay caasimada hargaysa ,ayaa  kaga hortagay  waftigan , jidka u dhexeeya dila iyo gabiley , ku simaha gudoomiyaha gobolka awdal  cabdi nuur sugaal , duqa degmada borama saleeban xasan xadi , gudoomiye ku xigeenka degmada borama maxamed maxamuud faarax (dheerayste) , xoghaya fulinta dawlada hoose xasan yuusuf riirash iyo salaadiinta gobolka awdal , aqoon yahanada gobolka awdal iyo  madaxda ururka ASARDA .

una soo galibiyay dhinacaa iyo degmada dila oo si diiran loogu soo dhaweeyay kadib madaxwaynuhu waxaa uu intii uu jidka kusoo jiray uu furay  xadhigana ka jaray jidka u dhexeeya dila iyo magalada borama oo qaybtiisii ugu danbaysay dhawaan  faraha laga qaaday.
waftiga madaxwaynaha ayaa socdaalkiisii halkii ka sii watay  kaasoo magalada borama  si diiran loogu so dhaweeyay abaaro 9 kii subaxnimo kadibna uga gudbay xagaa iyo galbeedka magalada borama meel ku dhawo kaantaroolka magalada looga baxo oo uu dhax dhigay jidka isku xidhi doona gobolada awdal iyo salal ilaa laga gaadho magalada lawyo cade
oo dhawaan asarda ka bilaabi doonto halkaas , kadib waftigan ayaa waxa uu dib ugu soo noqday dhinaca magalada oo uu udhaafay  dhanacaa iyo  jamacada camuud halkaas oo uu kula kulmay maamulka jamacada iyo arday wax ka barata kuliyadaha kala duwan ee ay ka kooban tahay jaamacadu.
madaxwaynaha iyo waftigiisa ayaa halkaas waxa ay kaga qayb galeen munaasibad ay soo qaban qaabisay hayada jidadka ee gobolada awdal iyo salal ee ASARDA taas oo lagaga hadlayay hawlaha jidadka iyo sidii wax looga qaban lahaa .
inkastoo  socdaalka madax waynuhu uu ku soo beegmay xili dhagaha reer awdal uu ka sii guuxayo hadal uu war baahinta siiyay gudoomiyaha xisbiga kulmiye muuse biixi kaas oo saamayntiisu u badnayd xasuuqa iyo xabaal wadareedada iyo sida loogu kala aragti duwan yahay hadaladan muuse oo ahaa kuwo uu ku durayo masuuliyiin reer awdal ah oo uu ku tilmaamay inay ka daran yihiin kuwii gaystay xasuuq yadii horay dalka uga dhacay .
balse wax dareen ah waftiga madax waynuhu kalama kulmin reer boorama oo la xidhiidha dhacdooyinkaas
si kastaba ha ahatee waftigan ayaa duhurnimadii ka qayb galay  hadhimo sharafeed loogu sameeyay HOTEL RAYS  ee magalada borama kadib waftigan uu madax waynuhu horkacayo ayaa halkaas uga amba baxay safar hore ugu sii qorshays naa kaas oo bartilmaamedka xudintiisu sida aanu wararka ku hayno ay tahay degmada lughaya oo uu halkaas dhagax dhigi doono  dekada magaladaas laga hirgalin doono.
hase ahaatee waftigan madax waynaha ayaa socdaalkiisan waxa ku gadaaman dareemo ka jira deegamada xeebaha degmada lughaya taas oo sidaan warar madax baanaan ku hayno ay dadka ku nool degaanadaas ay ka biyo diidsan  yihiin qaxootiga dawlada jabouti iyo somaaliland ay u so daad guraynayaan degmada lughaya .
halka dadka qaar kood na ay u la muuqato in madaxwaynaha iyo waftigiisu gogol xaadh ay u yiniin qaxootiga laga soo daad guraynayo dalka jabuuti ,
guntii iyo gabo gabadii socdaalka madaxwaynaha iyo furitaanada jidadka iyo dekadaha ee gobolada awdal iyo salal ee wakhtigan xaadirka ah ayaa u muuqda wax ka badalka siyaasidihiisa cusub ee ku wajahan dib u kordhinta xukuumadiisa halka ay dad waynaha qaarna iska waydiinayaan suaal la xidhidha dib u curashada dibada iyo gudaha ee awdal state oo markale markale laga dareemayo ifafaalaha duufanadaas gudaha gobolka awdal  in uu madaxwayne siiranyo kaga hortagayo xod xodashadiisan siyaasadeed ee gobolada galbeedka somaliland .
Wariye cali ismacil aareh