“Qaxootiga Holhol waa reer Somaliland ah, hadii xukuumaddu soo celinayso waa saxe maxaa muranka keenay” Cali Guray

0
94

1990kii waxan ahaa goob joog markii weerarka balaadhan ay ciidamadii taliskii Siyaad Barre ku soo qaadeen xeebta dhinaca galbeed ee Somaliland. Waxa ciidamadii SNM dagaaladaasi dib loogaga qabsaday Saylac iyo wwwwLawyo Caddo anigu na waxan gurmad ugu tegey ciidamadaasi oo uu hogaaminayay Mujaahid Maxamed Xasan jidhif meesha la yidhaahdo Cali Weeci oo aan taakulayn u badan saanad ugu geeyay. Aniga iyo Jidhif oo fadhina taag yar oo dhinaca xadka Somaliland dhinaca kale ee xadka Djibouti ka aragna dhisme yar oo la iigu sheegay dukaan ayaa waxa xadka ka soo talaabay dhawr qof oo ay hor kacayso gabadh INA IDIRIS GUULEED ah oo uu adeer u ahaa AHN madaxwaynihii hore ee Djibouti Mudane Xasan Guuleed Abtidoon. Waxay nooga warantay qaxootigii dagaaladaa ka soo qaxay oo xoolagoodii la dhacay oo faro madhan in ay ka mid ahayd dadkii u soo gurmad ay kuwaas oo xeradii ugu horeysay looga sameeyay meesha la yidhaa, hadii aanan qaldanayn Holhol.

Hadii dadka laga hadlayo ay kuwaa iyo kuwo la mid ah yihiin xisbiga UCID aniga ayaa hogaankiisa ugu sareeya ka mid ah oo hadana xogogaal ah oo qiraya in qaxootigaasi yahay qaxooti reer Somaliland ah. Sidaa daraadeed, hadii ay xukuumaddu qaaday talaabo dib loogu soo celinayo waxan leeyahay waa talaabo kale oo dhinaca saxa ah ay u qaaday.
Dhinaca kale marka ay tahay yaa ah muwaadin Somaliland ah yaan se ahayn lafteeda na waxa qeexaya Dastuurka Qaranka ee dib ha loogu noqdo maxaa muranka ba keenaya.
Ugu dambaystay anigu Shirwaynihii SNM ee Baligubadle kamaan qayb gelin ee waxan kaga baaqday dhacdooyinkii iyo hawlihii dagaalka ee ka socday xeebaha galbeedka Somaliland.