Maka Al-mukurama oo madaafiic lagu garaacay xilli Madaxweynaha Somaliya Japan u baxay

0
42

Dagaalada Amisom iyo Alshabaab oo sii kululaanaya iyo Baraawe oo lagu kala calaf qaadayo saacadaha soo socda

Muqdisho(Waaheen) waxa xalay gil-gilay magaaladda muqdisho gaar ahaan Jidka Maka Al-mukarama madaafiic tiro beeshay kuwaas oo ay rideen kooxaha ku kacsan Dawladda Somaliya.

Madaafiicda Xalay lagu garaacay Muqdisho ayaa ku soo beegmay shalay oo uu dalka Japan u dhoofay Madaxweynaha Somaliya, taasoo caadi ka noqotay marka la arko Madaxweynaha oo safray in madaafiicduna bilaabanto.

Wax khasaare ah oo la soo sheegay may jirin xalay, hase yeeshee cabsi darteed waxa mar kaliya lagu kala yaacay magaaladda, iyadoo qof walbaaba gurigiisa aaday.

Dhinaca kale, dagaalada Alshabaab iyo Ciidamada Amisom ayaa meel adag maraya waxaana durba laga qabsaday Alshabaab meelo badan, iyadoo lagu wado in dagaalka u culusi ku dhex mari doono Baraawe oo ah xarunta Alshabaab, taasoo ay Ciidamadda Amisom kaabiga u saaran yihiin in ay galaan.

Dhinaca kale, shabakad ku hadasha afka kooxda al shaabaab ayaa lasoo dhigay in uu geeriyooday af-hayeenka kooxda al shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere

af hayeenka dhinaca howl galada kooxda shabaab C/casiis Abuu Muscab oo la hadlayay warbaahinta ku hadasha afkooda ayaa sheegay in uu shahiiday Af hayeenka Kooxda shabaab.

Sidoo kale Sarkaal ka Tirsan shabaab ayaa shaaciyay in uu dhintay Sarkaalkaas waxaa uuna sheegay in aysan u dhutinaynin sarkaalka asaga oo sheegay in uu shahiiday.

Sarkaal Ka Tirsan Dowladda Kenya ayaa horay u sheegtay in aay dileen Af hayeenka kooxda shabaab Cali Dheere.

Af hayeenka kooxda al shabaab sheekh cali Maxamuud Raage sheikh Cali Dheere ayaa ahaa Sarkaal muhiim u ahaa shabaab.wuxuu noqanaya saraakisha ugu danbeeyay koxdaasi laga dilo.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa ku xusuusanaya Af hayeenka Kooxda Shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere sheegada iyo dilalka ardayda iyo wax garadka Soomaaliyeed.

kooxda shabaab oo magac diin ku qaraab jiray ayaa ku jiro waqtigoodi ugu danbeeyay oo aay ku qaadanayaan Koonfurta Soomaaliya.