Cali Guray oo ka jawaabay hadalkii Muuse Biixi ka jeediyey xabaalaha Xasuuqa

0
91

Reer Sh. Isaxaaq laba iskuma helaan eh mid ha doorteen in ay yihiin dad xaq darro diiday oo dulmi iyo cadaalad darro ka dagaalamay oo adkaaday oo libtii iyagu la huleelay oo “GUUL TIRSANAYA” iyo hadana in ay calidad la ciilay oo la gumaaday oo laga adkaaday oo “CIIL QABA” yihiin. Ciilka in uu qabo ma waxa leh ka guulaysta mise ka laga guulaysto ee laga adkaado?. Xasuuqu marka ay dagaal guushiisa iyo guul-daradiisa tahay ma qayb buu ka yahay mise kama aha?. Aniga waxay ila tahay kama aha ee marka aynu nidaamka gaalada iyo shuruucda ay inoo dhigeen eegno waxa loo arki karaa DHAGAR LAGA GALAY BINI AADAMINIMADA laakiin marka aynu muslin nahay xaalku wuxu noqonayaa kuwo ajala-hoodi dhamaadeen oo ilaahay looxal maxafuudkiisa ku sii qornaa, sida cid wal oo kale ba, goorta iyo sababta mawdkoodu. Cid kasta oo naf ku goysay xaq darro-na ilaahay maalinta qiyaame wuxu waydiin doonaa ” WAA MAXAY DENBIGA LAGUU DILAY”(Bi ayi dembin qutilat).


Sidaa daraadeed anigu hadalkii gudoomiyaha Kulmiye maan wada qaadan waayo ma ihi mana noqon karo nin adkaaday oo hadana ciil qaba cidda uu u qabo na aan runtii garanaynin. Intii dhimatay Alleh Ha U naxariisto in aan ku dhaafo mooyee in aan u aaro waxaan ka door bidayaa in aan inta nool noloshooda ka taliyo waayo wax kasta oo la sameeyo kuwii dhintay iigu soo noqon maayaan. Maanta aniga xaal kaygu waa:
RAGII AAKHIRO U KACAY HADAAN EEBE KAGA TOOSAY