Xukuumadda oo laga dalbaday in ay soo qabato Gacan ku Dhiiglihii Baar-cad ninka ku Dillay

0
134

Odayaal, Dhalinyaro iyo UCID-da Berbera oo si isku mid ah baaqaan ujeediyey

Burco(Waaheen) odayaasha iyo wax garadka beesha Awal Bari ayaa wasiirka arimaha gudaha iyo badhasaabka gobolka daad madheedh ku tilmaamay masuuliyiin gabay shaqadoodii, sheegayna in ay beesha Awal Bari kula kaceen cadaalad daro  baahsan taas oo keeni karta khilaaf beesha dhexdeeda ka dhaca.

Sidoo kale waxay odayaashani baaq udireen xukuumada uu hogaamiyo Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Sidaasna waxay ku sheegeen shir jaraa’id oo ay doraad ku qabteen magaalada Burco.

Ugu horayna waxaa shirkaasi jaraa’id ka hadlay Mujaahid Faarax Muuse Xasan oo kamida odayaasha beesha Awal Bari oo ay isku dhaw yihiin ninka wax dilay “ waxaan taageero siinayaa saladiinta iyo cuqaasha ku hawl jira hawshan, waxanan jawaab ka bixinayaa hadalkii ka soo yeedhay wasiirka wasaarada arimaha gudaha oo sheegay innuu soo af jaray khilafaadkii  ka jiray daadmadheedh waxaanan leeyahay markii aad ka seexatay hawshii laguu igmaday  ninka aad sheegatay inaad soo qabateen idinku maad soo qabanin ee anaga ayaa idin keenay”`a yu yidhi

Waxa isna halkaasi ka hadlay  oday Saleeban Awil “ sida hore loo sheegay shir kan jaaraa’id ee aan  qabanayna waxaanu kaga hadlaynaa  dilka ka dhacay dagaanka baar-cad ee ay ku jiraan odayasha u dibjiraya ee had iyo jeer ugu heelan sidii ay u dhamaan lahayeen waanan tageersanahay, waxa kale oo aan doonaynaa inaan jawaab ka baxino jawaabaha khaldan  ee laga baxiyay arinka marka hore xukuumada waa inay dil kasta oo lagaysto ay ka shaqeeyaan sidii loo xalin lahaa ee ayna ka seexan “

Dhinaca kale, Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee ucid uqaabilsan gobolka Saaxil Marwo Rooda Axmed Yaasiin oo Warbaahinta kula hadashay magaalada berbera ayaa Xukuumada ku dhaliishay xil gudasho la’aan iyo kala eexasho la xidhiidha dilalkii labada ahaa ee ka dhacay deegaamada hawdka ee katirsan gobolka Daad-madheedh iyada oo Marwo Rooda Axmed Yaasin si gaara uga hadashay dilkii ka dhacay deegaanka Baarcad ee udhexeeyay labada beelood ee kasoo jeeda gobolada Saaxil, Togdheer iyo Daadmadheedh oo dilka dhexmaray uu ka horeeyay dilka Taliyihii booliiska Xaaji Saalax ee dhawaan lagu dilay Deegaanka Laan-mulaaxo.

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah oo si gaara ugu eedaysay in ay hagradeen dilkii dhex maray beelaha Ciise Muuse oo sida la sheegay ay gacan ku dhiiglihii dilka gaystay oo kasoo jeeday beesha Xassan Maxamed ay Abatiyaashii oo kasoo jeeda beelaha habar Yoonis ay qarinayaan ilaa hadana aan lahayn meel uu ku sugan yahay waxaanay gudoomiyaha Xisbiga Ucid ee Gobolka Saaxil  ay Xukuumada ku tilmaantay mid aan dilalkaas si wax uga wada qaban oo aan soo hadal qaadin dilka beelaha Ciise Muuse dhex maray oo aanu marnaba wasiirka Arimaha Guduhu aanu ka hadal balse ajandihiisu ahaa mid ku waajahan dilka Taliyihii Xaaji Saalax. 

Waxa kaloo ay Marwo Rooda Axmed Yaasin ay sheegtay in aanu wasiir Warancade marnaba aanu kulan la yeelan Salaadiin Cuqaal iyo Xildhibaano deegaanka Baarcad ujooga xalinta arinkaas kuwaas oo muddo ufadhiyay deegaankaas in la soo qabto gacan ku dhiiglihii oo Abtiyaashii qarinayaan, diideena in ay keenaan si arinka loo xalilo,

Ugu Dabayntii Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ee gobolka Saaxil waxa ay xukuumada ugu baaqday in ay dilalka dalka ka dhaca wax ka wada qabato oo aanay cid gaara dhinaca saarin.

Dhinaca kale, Qaar Katirsan dhalinyarada iyoAqooyahanka Gobolka Saaxil oo ka dhiidhiyay sida ay Xukumada Somaliland dhegaha uga furaystay dhacdada dilka aheyd ee ka dhacday deegaanka Baarcad oo katirsan Gobolka Daadmadheedh(Oodweyne)halkaas oo dhawaan dil kudhex maray laba ardaa oo kasoo jeeda beelweynta Awal Bari(Ciise Muuse)Iyada oo dilkaasi kadhex dhacay ardaayada kala ah Xassan Maxamed iyo Reer Baale, Waxaana dhacdadaa dilka aheyd ku nafbaxay marxuum dhalinyaro ah oo kasoo jeeda beesha ardaaga reer Baale halka uu dilka geystay gacan kudhiigle kasoo jeeda beesha Xasan Maxamed kaas oo sida la sheegay ubaxsaday dhinaca deeganada abtiyaashii oo kamida deegaanka dilku ka dhacay ilaa haddana aan la ogayn meel uu kusugan yahay balse la tuhsan yahay in ay abtiyaashii qarinayaan gacantana ay ku hayaan.