Wasaaradda Duulista Oo Ka Hadashay Kormeer Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ay ku Sameeyeen Dhismaha Wajiga labaad ee Run-wayga iyo Xayndaabka Madaarka Hargeysa oo Socda.

0
80

Hargeysa (Waaheen) Wasiirka wasaaradda duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi madCabdi oo wehelinayey Agaasimaha guud ee wasaaradaasi Cumar Cabdilaahi Aadan ayaa maanta kormeer ku samaayey mashaariicda balaadhinta Run-wayga iyo samaynta Xaydaabka Madaarka Cigaaal Airport.

Masuuliyiintani ayaa kormeerkooda waxa lagu faahfaahiyey War saxaafadeed uu magaalada Hargeysa ka soo saaray Afhayeenka Wasaaradda Duulista iyo Hawadda Mr. Sadaam Maxamed Axmed, kaas oo u dhignaa sidan:-

“ Wasiirka duulista iyo hawadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo wehelinayey Agaasimaha guud ee wasaaradaasi Cumar Cabdilaahi Aadan ayaa maanta kormeer ku sameeyey Wejiga Labaad Ee Dhabbaha Diyaaradaha Ee Madaarka Hargeysa oo dhawaan la bilaabay dhismahiisa.

maddddMasuuliyiintani oo ujeeda kormeerkoodu ahaa sidii loo dardar galin lahaa hir galinta mashaariicdaasi ayaa markii ay gaadheen goobta ay shaqada ka soco waxa halkaasi war bixin ku siiyey khuburada gacanta ku haysa Mashaariicaasi ee Hay’adda Kuwait Fun, iyo Enigineeda shirkada hir galisnaysa ee China Hono group, kuwaas oo sheegay in  hada ay hawsha Dhabada ee ay wadaan ay 70 CM hoos u qodayaan dhulka, isla markaa lagu soo buuxin doono dhagax adag, ka dibna la saari doono laba leeyar oo kala dambeeya oo mid yahay 6 CM, ka labaadna uu noqon doono 4 CM, dhararka dhabadani cusub ee la dhisayo ayaa ah 1410 Mitir, taas oo guud ahaan dhararka Run-wayga Madaarka Cigaal ka dhigaysaa 3876 oo Mitir.

Sidoo kale Wasiirka iyo Agaasimaha guud ayaa waxa ay kormeereen dhismaha xaydaabka Madaarka oo isagana dhismahiisa dhawaan la bilaabay, xaydaabkani oo ah shabag adag oo dhararkiisu yahay 12 KM ayaa lagu soo wareejin doonaa guud ahaa Madaarka Cigaal.

madaarWasaaradda duulista iyo hawadda Somaliland waxa ka go’an in labadani mashruuc oo aad u baaxad weyn ay dhamaadaan inta ka horaysa wakhtiga Xagaaga, taas oo suuro galinaysa inuu sare u kaco heerka Madaarka Cigaal oo hay’ada ICAO ay gaadhsiiso Category 10, halkii  wakhtigii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay tallada dalka qabtay uu Madaarku ka ahaa Category 2. Sidoo kalena waxa ay Wasaaraddu dhawaan keeni doontaa gaadiid dab-damis ah oo baahi weyn uu Madaarku u qabo wakhtigan.”

ALLA MAHAD LEH.

Sadaam Maxamed Axmed

Afhayeenka Wasaaradda Duulista iyo Hawadda JSL.

 08/03/2014.