SONYO IYO KU MAXAAFSIGA MAGACA DHALINYARADA SOMALILAND QAYBTII 4-AAD

0
125

aragMaaha in magaca dhalinyarada loo isticmaalo sifo sharci darro ah, sifadaas oo ah in xubno tiro yari ay macaash ku raadsadaan magaca dhalinyarda, taas oo ah waxaan la aqbali Karin oo aan suura gal ahayn.

Taageerada aan gabashada lahayn ee xukuumada la bar bar taagan tahay SONYO waa in laga fiirsadaa oo horta hoos loo eegaa qaabka iyo sida ay u shaqayso SONYO taas oo uu ka buuxo mad madaw badan oo aan lagu kalsoonaan Karin, maxaa yeelay waxa loo baahan yahay la xisaabtan muuqda oo lagula xisaabtamo hawlaha ay hayaan iyo sida ay u fulaan.

Sida aan ka war qabno SONYO waxay lumisay kalsoonidii Dhalinyarada oo ay ku bedeshay dhaqaale urursi iyo in lagu dawarsado magaca dhalinyarada Somaliland taas oo ah waxaan u cuntamin dhalinta Somaliland.

SONYO waxaan u aragnaa inay tahay URUR la mida ururada macaash raadiska ah ee  dadka gaarka ahi leeyihiin, maxaa yeelay SONYO horjoogayaasheedu waxay isasiiyeen mulkiyada dallada, oo ay u haystaan waxay iska leeyihiin oo aan marnaba lagaga daba iman doonin.

Dhalinyaro wax loo baahan yahay oo muhiim ah in la helo dhalinyaro reer Somaliland ah oo isku xidhan oo leh awood ay wax isku hortaagi karaan hadii loo baahdo, maxaa yeelay ma ogolin in magaca iyo sharafta dhalinyarada lagu bedesho waxoogaa aduun ah oo aan kuwa soo qaatayba ku filayn.

Dhalinyaro waxa la gaadhay wakhtigii aan ka bixi lahayn mugdiga iyo aqoon la’aanta, oo aanay cid gaar ahi odhan karayn aniga ayaa ku metela.

Waxa loo baahan yahay dhamaan aqoon yahanka dhalinyarada Somaliland inay go’aan ka gaadhaan arinka SONYO oo iminka maraya meel aan lagu kalsoonaan Karin, si loo helo kalsoonida dhalinyarada waa in la sameeyaa wada tashi buuxa oo ku salaysan aqoon iyo karti dheeraada.

Waxaan si gaara ugu boorinayaa Dhalinyarada dhigata ama ka baxday jaamacadaha dalku inay arinkaa sidiisa looga hawl galo oo la fahmo SONYO waxa ay tahay, taas oo inaga caawin karta inaynu helno dallad dhalinyaro oo lagu kalsoon yahay.

Waad Mahadsan Tihiin

Allaah Mahad Leh

By: Mohamed Hamud Ali

Hamudson@Gmail.Com