Shirweynaha Xisbiga Kulmiye oo loo Asteeyey Maan-soor Hotel

0
124

Madaxda Kulmiye oo ku mashquulsan qaybsiga Ergooyinka cusub ee ka soo qayb galaya

Hargeysa(Waaheen) Shirweynaha Xisbiga Kulmiye ayaa loo Asteeyey in uu Ku qabsoomi Hotelka Maan-soor ee Hargeysa, halkaas oo ay guddida qaban qaabadu diyaarisay qorshihiisii, sidoo kale waxa guddida qaban qaabada madaxda Xisbigu ku wareejisay Liiska Xubnihii hore ee Golaha Dhexe.

Guddoomiyaha guddida qaban qaabada Shirweynaha Xisbiga Kulmiye Abiib Xaamud Jibriil oo aanu khadaka Telefoonka kula xidhiidhnay si aanu wax uga weydiino hawsha shirweynuhu halka ay marayso ayaa sheegay in ay durtaba qabteen dhawr arrimood oo muhiim ah kuwaas oo kala ah in ay kireeyeen Hotelka Maan-soor iyo in ay heleen Liiskii saxda ahaa ee xubnihii hore ee Golaha Dhexe ku jiray.

Abiib waxa uu sheegay in ay rajaynayaan toddobaadkanba in ay soo dhamaaan doonaan Xubnaha noqon doono Ergooyinka cusub ee ka soo qayb gali doona shireynaha, xubnahaas oo ay soo xuli doonaan Guddoomiyayaasha Goboladda iyo Degmooyinka  iyadoo xubnaha noqon doona Golaha Dhexe lagu Ansixin doono Shirweynaha.

Sidoo kale, waxa uu sheegay xubnaha Fulinta noqon doona in ay ka sugayaan in ay soo xareeyaan Hogaanka Xisbiga oo loo xil saaray soo xulitaankooda, kadibna laga Ansixin doono Shirweynaha Xisbiga oo uu sheegay in uu ku qabsoomi doono wakhtigii loo qoondeeyey.

Dhinaca kale, waxa durtaba bilaabmay dhaqdhaqaaq lagu kala hororsanayo sida Goboladda iyo Degmooyinku u kala helayaan  tirada Goboladda iyo Degmooyinka laga soo xuli doono si ay uga mid noqdaan Golaha Dhexe, wallow ay Gudida Turxaan bixinta Xisbigu sheegtay in ay ku salaysnaan doonaan tiradii Gobol kastaa ka helay Xildhibaanadii Golaha wakiiladda hadana waxa jira in beeluhu ku kala aragti duwan yihiin oo qaarkood ay doonayaan sad-bursiimo sidii dhacday shirweynayaashii hore ee Xisbigu soo maray.

Si kasta ha ahaatee waxa la filayaa in shirweynaha Kulmiye wakhtiigiisa ku qabsoomi doono markan maadaama Xisbigu ka soo doogay khilaafkii siyaasiga ahaa ee weynaa.