QAADKU WAA DANBIILE DAGAAL!!!‏

0
132

Waxaynu maqaalkii kan ka horeeyey kaga soo waranay sida u dhalan gadiska inoogu sameeyay cunista qaadku iyo sida uu inooga dhigay umad fadhiid ah isla markaana dhaqankeena uu u badalay inoonana dhaxalsiiyey doqoniimo iyo masuuliyad daro aan xad lahayn sidaa awgeed inagoo wali sii daba socona waxyeelada qaadku uu u leeyahay bani aadamka iyo sida uu noloshooda ula dagaalamo ayaa maanta waxaan soo qaadan doonaa sida uu bilaa miyirka uga dhigo dadka cuna ama qaadka isticmaala waayo waxaan rabna bal inaan wax uun ka fahano waxyeeladiisa markaa bal aan soo qaadano sheeko kale oo dhacday isla markaana aan afkiisa ka soo qaatay ama aan ka soo xigtay ninkii ay ku dhacday kuna saabsan sida uu miyirka inooga qaado isla markaana inooga dhigo dad waalwaalan oo aan jaho lahayn meel ay u socdaana la garanahayn waana tan ee bal hada iga gudoon.

Bari baryaha ka mid ah ayaa nin reer soomaaliland ah oo dirawal ah ayaa waxaa uu kasoo kicitimay deegaanka jabuuti isagoo raba inuu yimaado magaalada hargeisa isla markaana waxaa uu si aan xad lahayn uga dhargay ama ka hirqaay ama daaqay qaad markuu maraayo meel dhexe ayuu kala wareegay kalana sixi waayey meesha uu u socdo iyo halkii uu kayid dabeeto sida uu iisheegay waxaa uu u jihaystay jaho kale oo aan ahayn tii uu doonaayey waxay jiq isku noqdeen shaqaalihii saarnaa gaadhiga iyo dadkii la socday intaba hase ahaatee waa laga furfuri kari waayey rabitaankiisii ahaa inuu sax yahay dadka oo dhamina khaldanyihiin oo aanay sax ahayn  soomaalidu waxay tidhaa nin meeli u cadahay meeli ka madaw waalaga quustay waxaana loo daayey oo looga hadhay tiisii ahayd inuu sax yahay oo dadku waalwaalan yihiin waa uu dhaqaajiyey gaadhigii waxaanu taayirka saaray wadadii isaga la qumanayd ee uu saxda u arkaayey dadkiina waa saaran yihiinoo waa yaaban yihiin habeenkii oo dhan ayaa waxaa uu jafaayey wado qaldan oo aan ahayn jahadii uu u socday oo ahayd dhinaca magaalada hargeisa dadkii gaadhiga saarnaa waa yaabanyihiin waxay hoosta ka dhahayaan ilaahoow na bixi caawa waa noo dhamaatay.

Ninkaasi odayga ahi sida uu ii sheegay waxaa uu jahadii qaldanayd hayey mudo ku siman 70km hada lasoco waa todobaatan kiiloomitir oo qalad ah oo uu isku arkaayo ninkaasi inuu sax yahay  waxaana uu soo galay tuulo waxaa uu igu yidhi markaan tuuladaasi soo galay ayaan wax kala garatey oo fahamay inaan khaladanaa oo waalaa isla markaana dadku iga saxsanaayeen wanaan istaagay oo shaydaanka iska naaray dadkiina ogaysiiyey inaan waalaa oo aaanan caadi ahayn.

Shidaalkii uu ugu talo galay inuu magaalaa hargeisa ku yimaadaana  waxaa uu ku dhamaaday wadadii qaladka ahayd ee uu jafaayey ninkii odayga ahaa ee waashay qaadka awgii waxa uu qaatay shidaal waxaana uu kalaabtay wadadii oo waxaa uu beegsaday tubtii saxda ahayd hada waa hagaagsan yahay oo waxbuu kala garanahayaa waxaanu ka urugeysan yahay qaladka uu sameeyay waxaanu garan karayaa dhibka uu qaadku u leeyahay caafimaadka qofka gaar ahaan garaadka oo ah wax ama shay qaali ah.

ninkaasi waxaa uu ahaa nin u dhashay garasho ama dadnimo waxaa uu go,aan ku gaadhay inuu iska joojiyo qaadka oo aanu dib ugu noqon waana iska daayey hada waa nin talinaaya oo halka uu garta dhigo aan dib loogu noqonahayn dadkana waa uu uga digaa qaadka iyo cunistiisa waayo waa uu soo arkay waana yaqaanaa waxa uu yahay iyo waxa uu gudo intaba shakina kagama jiro inuu dilaa yahay qaadku.

Hadaba markaan sheekadan dhuuxno miyaaney inooga dhex muuqanahayn inuu qaadku waalida ka kow yahay caafimaad darada dhinaca dhibirkana isagu sababo taasi oo maanta ay dhibanayaal u yihiin dad fara badan oo qaarna suuqyaada wareegaystaan qaarkalena ay eheladoodu geeyeen meelaha lagu daweeyo dadka dhibirka ka buka oo lagu hayo, waxaa kale oo iyaguna ciidaasi ka badan dadka bukaan socodka ah ee isla hadlaaya oo aan tiro lagu koobi karahayn sidaa awgeed waxaan leenahay waar qadku waa dilaaye hala iska daayo oo halaga koro hana la ogaado inuu dabiile yahay dagaala kula jiro faya qabka umada caafimaadkoodana siwayn u dhaawacay miyirkuna waa shayga ugu qaalisan ee ilahay ina siiyey taasi oo aan kaga duwanahay xoolaha loomana baahna inaan si fudud iskaga qaadno waana inaan iska daynaa oo ka fogaanaa kana waantownaa fahamnaana inuu qaadku gacan ku dhiigle yahay oo hadii cid maxkamad dagaal lagayn lahaa laguna eedayn lahaa xasuuq uu qaadka ayahay kan intaba gaystay kuna cadahay inuu intaasiba geystay.

guntii iyo gaba gabadii waxaan dhahayaa qaadku waa dambiile dagaale maxkamad hala saaro oo halala xisaabtamo.

W/Q: JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED ( ABU CIZA)