Pontus Marine Oo Cayintay Wakhtiga la xidhayo Saamiyadda shirkadda

0
74

Sida aad ka warqabtaan waxay shirkadda Pontus Marine ltd ku jirtay hawl baaxad weyn. Waxaa xusid mudan in abkoqorshihii marxaladii labaad ay soo gaba gaboobayso 31/3/2014. Waa fursad u baahan inaanay ku dhaafin.

Nuxurka warsaxaafadeedkani waa in loo sheego mulkiilayaasha shirkaddan oo ah dadkii maalgashaday in bixinta shahaadooyinkoodii ahaa lahaanshaha saamiyada (share certificates) ay ku jirto gabagabo. Qorshuhu waa in la bilaabo bixinta shahaadooyinkaas 1/4/2014 insha Allah.

Bixinta shahaadooyinku waxay u soo kala horaynay oo loo bixinayaa siidii ay u soo kala horeeyeen dadka maalgashaday shirkadda, iyadoo sidaa lagu wadi doono ilaa qof wal oo saami gashaday uu hello shahaadadadiisii (Insha Allah) taas oo ka soo baxaysa xafiiska guud ee shirkadu ku leedahay wadanka Boqortooyada Ingiriiska.

Waxaanu fursadan uga faa’iidaysanaynaa inaanu xasuusino bahwaynta Soomaaliyeed meel kasta oo ay adduunyadda ka joogaan inay soo maalgashadaan shirkaddan Pontus Marine oo ay fiiro gaar ah siyaan waqtiga gaaban ee ka hadhay inta maalgashiga saamiyadu sii furnaan doono.

Sidoo kale waxa lagu war gelinayaa bulshada inay hada ay ka helikaraan bogga shirkadu ku leedahay internetka www.pontusmarine.com,macluumaad afka soomaliga ku qoran,kaas oo xambaarsan dhamaan waxyaabaha aad uga baahan tahay xogta shirkadda.

Allah Mahad Dhamaanteed leh
Ahmed Abokor A Mohmoud
Maareeyaha shirkada Pontus Marine 05/03/2014