faalayn musharixiinta mastaqbalka dhaw ee S/land kuwaas oo kala ah

0
53

1Axmed maxa,ed maxa,ud siilaanyo M/weynaha hada talada haya oo ka sharaxan Xisbiga kulmiye

2C/raxman maxa,ed c/laahi cirro G/golaha wakiilada ahna G/xsbiga wadani isla Markaana ah musharaxa m/weynaha ee isla xisbiga wadani

3Aqoonyahan jamal cali xuseen oo ah musharaxa m/weynaha ee xisbiga ucid

Hadaba waxaan doonayaa inaan si kooban uga hadalo ama u qiimayno Aqoontooda kartidooda iyo siyaasadoodaba

Hadaynu ku horayne M/weyanaha hada talada haya mudane axmed maxa,ed maxa,ud siilaanyo oo mudo dheer ku soo jiray saaxada siyaasada soomaalida

Mudane siilaanyo waxay ay dad badani ku tilmaaman siyaasi   ruug cadaya

Waxaanu ahaa xilal ka soo qabatay dawladii maxa,ed siyaad barre

Sidoo kale waxa uu ahaa Gudoomiyihii ugu mudada dheeraa ee ururkii xaqu Dirirka ahaa ee SNM sidoo kale waxa uu xilala kala duwan ka soo qabtay Xukumadii Maxa.ed x ibraahin cigaal iyadoo uu markii ugu dambaysay uu Sheegay axmed siilaanyo inuu ka fadhiistay siyaasadda

Waxaana xusid mudan inuu markii uu geeriyooday AHN m/wene cigaal uu

Mudane siilaanyo ka soo muuqday masraxyada siyaasad s/land axamed siilanyo

Takhakhuskiisa waxabarsho waa dhinaca dhaqaalaha waxana uu dhashay 1936 Waxanu hada da.a ahaan ku simanyahay 78 JIR waayo arag mudo soo tagnaa

Mudo soo shaqeeyay waxa uu isla wakhtigaa uu marxuum cigaal geeriyooday ee

Uu siilaanyo siyaasada ku soo noqday furtay xisbiga kulmiye ee uu markii dame Ku hantiyay kursiga m/weynaha ee uu hada ku fadhiyo

Hadaba siilaanyo waa kuma

Horta waa nin karaamo iyo sharaf iyo qiimayn wany ku leh dadka iyo dalkaba

1Waa nin u dedaal badan meesha uu ujeeddo ama uu rabo

2Waa nin aftahamo ah marka uu doodaayo

3Waa nin aan ka daalin dantiisa iyo ta ag dhaw labadaba

4Waa nin jecel inuu qaran hogaamiyo ama lagu dabo faylo

5Waa nin hadana eedda neceb ama in waxa laga sheego ama ha falo eedaas ama yaanu faline

6Ugu dabyntii muj,m/weyne siilaanyo waa nin soomaray culays siyaasadeed oo Aad u tiro badan walaw uu hada tamarinaayo hadan somalida ayaa ku Maahmaada hadii geeriyi ku dayn lahayd gabaw ayaan ku daynayn walaw uu Hadana damiiciisa ku hayo inuu tartan dabe ugalo kursiga ugu sareeya talad Dalka ee m/wenah mar2aad hadaynu halkaa ku yara hakino muj,m/weyne siilanyo iyo warkiisa bal aynu u gudubno raga uu la tartami doono iyo Kuwa Ayihiin

 

Hadaynu ku horayno

Aqoonyahan jamal cali xuseen musharaxa m/weynaha ee xisbiga cadaalada iyo

Daryeelka ucid aqoonyahan jamaal waxa uu saaxada siyaasada ku soo galay si lama filaana dhamaadkii sanadii 2010 waxanu dusha kaga yimi xisbigii udub Isagoo noqday ninkii  keli ahaa ee buxiyay shuruudihii ay hogaankii wakhtigasi

Ku xidheen musharixiinta waa hogaankii xisbigii udub-e walaw ay markii dambe La qadhaadhaatay masuuliyiintii udub musharxanimada jamal hadana kamay Macaashine waxa ku burburay buuqii iyo is jiidjiidashadii xisbigii udub

Isla markaana saaxada kabaxay

Hadana waxa uu aqoonyahan jamal cali xuseen si lama filaana uga soo dhex

Fuuray xisbiga ucid ee uu hada uga sharaxanyaha m/weynaha bishii jenwer ee Sanadii 2011 waxaanu u halgamay sidii uu hankiisa ku wajahan inuu maruun

Dalka m/weyne ka noqdo waxaanu kala soo dabaashay duufaano siyaasadeed Xisbiga ucid wakhtigii ururada siyasadeed dalka ku hirdamayeen nasiib wanaag

Way u suura gashay taasi oo banaanka ayuu soo dhigay xisbigii

Hadaba waa kuma aqoonyahan musharax jamal cali xuseen

1Jamal cali xuseen waxa ay waxabarshadiisu la xidhiidhaa isna dhinaca Dhaqaalaha iga oo ka soo baxay mid kamida jaamacadaha ugu caansan Wadanaka maraykanka gaar ahaan jaamacada harvad oo ah jamacada ugu Wayn wadankaas jamal cali xuseen waxa uu ka soo shaqeeyay wadamo dhawra

Oo u badan wadamada afrikaana isagoo markii ugu dambaysay madax ka ahaa

City baanka qaybtiisa dalka Tanzania jamaal cali xuseen waa nin dhalinyar oo Duruufo badan iyo daal badan iska xejinaaya waa nin u da.ayar dagaalada Siyaasadan bilaa majaraha noqotay ee dalkan JSL  walaw uu weli ku jiro Damaashaad siyaasadeed hadan lama oga markay ay duruufo soo wajahaan Siduu uga dabaalan doono hadaba isku soo wada duuboo waa xoog iyo aqoon Dalku u baahanyahay isla markaana rabta khibradeeda waaya aragnimadeeda iyo qaxoolajiyadeedaba

Hadaba ahdaynu halkaa isna ku yara hakina aqoonyahan musharax jamalcali xuseen musharaxa m/weynaha ee xisbiga ucid oo kamida ragii aynu kor ku soo Xusnay ee uu la tartamaayay muj,m/weyne axmed maxmed siilaanyo

 

Hadaba waxaynu soo gaadhnay musharaxii ugu dambeeyaya sedexdii nin ee Aynu ciwaanka ku soo tilmaamnay waana G/golaha wakiilada ahna G/xisbiga Mucaaradka ah ee wadani isla markaana ah musharaxa m/weynaha ee isla Xisbiga wadani C/raxmaan maxa,ed c/laahi cirro c/raxman cirro waxa uu Saaxada Siyaasada ku soo biiray wakhtigii ay dawladii somaliya isku xukumaysay Wadamada hada lakala yidhaahdo s/land iyo somaliya c/raxmaan waxa uu Qunsul ka soo noqday wadanka ruushka intii ka dambaysay burburkii Dawladii Keli taliska ahayd ee maxamed siyaad bare waxa uu ku noolaa wadamada Yurub Gaar ahaan wadanka Finland waxaanu sanadii 1996 ka soo anba qaaday Marakale hankiisa siyaasadeed waxaanu sida la wada ogyahay ka mid noqday Aasaasa yaashii dimuqraadiyada s/land ee nidaamka xisbiyada tirada badan Waxaanu hormuud ka noqday aasaasa yaashii urur siyaasadeedkii ucid isuna Bedelay xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee ucid isla markaana waxa uu mudo Kadib isu sharaxay doorshadii barlamaanka ee ugu horaysay marka laga Hadlaayo dhinaca doorashooyinka isga oo iska sharaxay gobolka saaxil kuna Guulaystay waxa uu mudane c/raxmaan maxa,ed c/laahi cirro hadana isu sharaxay gudoomiyaha golaha wakiilada isaga oo ku guulaysat jagadii ugu Saraysay baarlamaanka JSL isaga oo aakhirkiina kor u qaaday hankiisa Siyaasadeed oo ka faa,iidaystay jaaniskii furista ururada markii 2aad Isaga oo Furtay urur siyaasadeedkii wadani uguna soo gudbay xisbi qaran hadaba Hadaynu sigaara u eegno G/cirro waa nin siyaasada ku hoodo badan oo aan Guuldarada la saaxiib ahayn waxaana bal aynu eegi doonaa Halka ay kula Hadhaan mudanayaashaa mustaqbalka u tartamayaa walaw ay Labada Musharax mucaarad-ba ka da.a yarihiin m/weynaha hada talada haya kana Firfircoonyihiin xiligan

 

Qalinkii sacad cali kaahin Raamalay sacad plucky

Lasoco============================================