Xukuumadda oo xabsiga ka sii daysay ninkii Xildhibaan Qabile rasaasta ku riday ee Muranka siyaasadeed abuuray

0
52

Hargeysa(Waaheen) Xukuumadda Somaliland ayaa xabsiga ka sii daysay ninkii Xildhibaan qabQabile rasaasta ku riday, kaasoo xiligii uu falkaas sameeyey Booliisku soo qaban kari waayeen balse markii danbe loo soo gacan geliyey.

Lama oga sababta rasmiga ah ee keentay sii daynta Ninkaasi, hase yeeshee waxa labadii maalmood ee u danbeeyey lagu arkayey isagoo jooga magaalo Xeebeeda Berbera.

Farriinnews.com oo Xildhibaan Qabile khadka Telefoonka kula xidhiidhay ayuu ka gaabsaday in uu faahfaahin ka siiyo sababta ninkii rasaaseeyey loo soo daayey, isagoo ku gaabsaday in uu xanuunsanayo.

Ilo wareedyo dheeraad ah oo Farriinnews.com wax la xidhiidhay si ay Xog dheeraad ah uga hesho qaabka ninkaas loo sii daayey maadaama falkii uu sameeyey dalka gudo iyo dibedba ka abuuray muran balaadhan oo siyaasadeed isla markaana Mucaaradku xukuumadda aad ugu dhaliili jireen ayaa u sheegay in Heshiis hoose oo dhex maray Dhibanaha iyo Xukuumadda lagu sii daayey.

Sii daynta Ninkan ayaa haddii ay sida ilo wareedkaasi sheegayaan uu dhex maray Xildhibaan Qabile iyo Xukuumadda waxay noqonaysaa inaan lagu daalin khilaafaadka siyaasadeed ee u dhaxeeya mucaaradka iyo muxaafadka, maxaa yeelay inta qaylo iyo buuq ay ku abuurtay bulshada arrintaasi waa tii la ogaa, maantana sida dhibta yar ee ay ku dhamaatay waa taas la arkayo macna darideeda.

Hore waxa ay Xukuumadda iyo mucaaradku ugu murmeen arrimo badan oo siyaasadeed oo aan ka fogayn arrintan wallow tani doodu ay ahayd Xildhibaan bay Xukuumaddu rasaasaysay oo Koox u soo adeegsatay hase yeeshee wax ka fudud oo tii Golaha wakiiladda ka dhacday oo kale ayaa mararka qaarkood labada dhinac niyada bulshada ku dilaan, iyadoo waxa ay kala riixanayaan uu yahay Harag-sakaaro.

Si kasta ha ahaatee, sii qaylo dhaantii Xildhibaan Qabile, Mucaaradkii Golaha Wakiiladda ee Guddida u saaray, Wasiir ku-xigeenkii iyo Cali Xoor Xoorka Berbera iyo kuwo kale oo badnaa sheekadoodu waxay ku danbaysay sida muuqata in hoos wax loo kala Iibsaday, iyagoo wax tixgalin ah siinin bulshadii ay Durbaanada ku tumayeen.