Amiirka Al-shabaab oo xabsiga ka sii daayey saraakiishii ka soo horjeeday

0
106

Qoryooley(Waaheen) wararka ka imanaya kooxda Al-shabaab ayaa sheegaya in Axmed Cabdi Godane xabsiyadiisa ka sii daayey saraakiishii ka soo horjeeday ee uu xidh xidhay.

Lama oga tirade saraakiisha uu sii daayey hase yeeshee wararka laga helayo kooxdaas ayaa sheegaya Godane in uu talaabadan u qaaday Culayska dagaal ee kaga soo fool leh Amisom iyo Ciidamadda Somaliya.

Ma cada in ay xal ka gaadheen khilaafkoodii sababa in kooxdaas is ugaadhsato oo badhna la laayo badhna la xidho, hase yeeshee ilo wareedka warkan laga soo xigtay waxa ay sheegayaan in Saraakiisha uu sii daayey ku doodayaan in aanay ogolay Amiirnimadiisa.

Saraakiisha uu sii daayey Axmed Godane ayaa ugu xidhnaa degmadda Qoryaaley ee shabeeladda Hoose , waxana wax badan la iska weydiinaya go’aanka Amiirku qaatay oo ahaa mid aan laga filayn maadaama saraakiishan ay aad u kala fogyihiin mawqif ahaan.