Wasarada Gashandhiga oo Ood Afka ka saartay Dayrkeedii oo dumay

0
100

sdfasdfasdfsdfasdfasdfHsdfasdfasdfargeysa(Waaheen) Muddo laga joogo Dhawr  todobaad ayaa wax dumiyey  dayrka dhismaha wasarada gaashandhiga Baabuur nooca Baradada loo yaqaan oo uu lahaa Mid ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Madaxtooyada, dhismahaasi dayrka ee dumay ayaa ilaa haatan aan la dhisin iyada oo aynu ognahay in dhismaha Fooqa 2dabaq ah oo ah mid qurux badan laguna dhisay lacag aad u badan  oo ay inoo dhistay dawlada Ingiriisku ayaan ilaahatan la dhisin Qaybtaasi dayrka ah ee Baabuurku Dumiyey.

Waxse nasiib darro in Dhismaha Qiimahaasi inagu taagan uu u dayacan yahay Dary yar oo dumay oo halkii laga dhisilahaa Oodii xoolaha lagu oodijiray Afka laga saaray, hadaba dadweyne faro badan ayaa isweydiinaya sababta Xukumada Siilaanyo iyo wasarada gaadhandhigu indhahoodu u arkilayihiin dhismahaasi quruxda badan ee u dayacan intaasi yar ee dunsan.

Inkasta oo xukumadu ay dhistay dhismayaal qurux badan oo loo dhisay wasarada qaar ayaa hadana wax muuqata in wixii la dhisay haaddii ay dhibaato soo gaadho aan waxba laga qabanayn.