Dawladda Hoose ee Hargeysa oo Aastay laba carruur ah oo Meydkooda laga helay xaafado ku yaala Hargeysa

0
50

Labada carruura Mid ka mid ah oo Hooyadii la qabtay markii ay tuuraysay Meydkiisa

Hargeysa(Waaheen) Laba Carruur ah oo Meyd ah oo laga helay meelo kala duwan ayaa toddobaadkan la soo gaadhsiiyey Cisbitaalka Guud ee Hargeysa kadib markii la soo helay, waxaana Meydadkooda lagu hayey Qolka Meydka.

Labada Carruur ah ayaa la sheegay in ay tureen Hooyooyinkii dhalay, wallow wararka qaarkood sheegayaan in mid ka mid ah Carruurta Meydadkooda la tuuray la qabtay oo Booliisku baadhayaan sababta ku kaliftay.

Sarkaal ka tirsan Cisbitaalka hargeysa ayaa Waaheen u sheegay in Dawladda Hoose ee Hargeysa oo ku shaqo leh arrimaha caykan oo kale ahi Aaseen labada Carruur ah kadib markii ay muddo yaaleen Qolka Meydka.

Dhacdadan oo ah mid naxdin leh isla markaana ku soo kordhaysa Hargeysa ayaa ah mid ka dhalata dhaqanada Xun xun ee ay dadku ku kacaan, iyadoo marka ay dhashaan Ubadka ka beerma dadka sida sharci darada ah isugu tagaa ay tuuraan Ubadkaas aan waxba galabsan.