DAL WAXAANU JOOGNAA DEYNTU AY WAD KUU NOQON!!!!!!!!

0
144

DAL WAXAANU JOOGNAA DEYNTU AY WAD KUU NOQON!!!!!!!!

(WAA DHACDO UGUB AH OO AAN ABIDKEED KA DHICIN DHULKA SOOMAALIDU DEGTO.)

salaan 

SOMALILAND WAA DAL LAGU YAQAANO NABAD, DEGANAAN IYO ISU-DULQAADASHO BALSE WAA MARKII UGU HOREYSAY EE QOF BIRIMAGEYDO AH LAGU DILEY HANTI LACAGEED OO UU LAHAA OO LAGA AMAAHDEY KADIBNA LAGU UUS XABAALEY GUDAHA AQALKA DEYNTA LAGU LAHAA.!!!

Cashadii gashaba waagu waa caynad gooniyahe
Caammadu waxay moodayaan curasho Dayreede
Cilmi Felegga way garan raggii Caalimka ahaaye
Anigaase Moorada cakiran kuu caddayn kara’e
Cirsan-ka-yeedhkii maantana warbuu sheegay Caliyo’e
Wuxu yidhi halkuu ku cuyubnaa cirirki soo dhaafye
Carruuraha la dhacay Awliyada laga cadhaysiiyey
Carshigaaba laga soo aqbalay cabashadoodiiye
                                                                            Abwaan Axmed Ismacil Diriye(Qaasim).

 

Waxa Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland ku Cad Xaqa Nololeed ee uu Qofka Muwaadinku leeyahay waxaanu balanqaadey in uu qofkasta oo Muwaadin ahi Helo Nolol, Amaan, iyo Xoriyad, cidna kama qaadi karto qofka ilaa uu isagu iska qaado ama danbi ka galo dalka.

Shalay Axadii ayey aheyd Aniga oo Agagaarka Madaarka Hargeysa ku sugan markii aan la kulmay abaaro 02:00 Duhurnimo qaylo iyo oog ay isku dareen Dhamaan Taliyayaasha Saldhigyada Ciidamada Booliska ee Magaalada Hargeysa waa Raadaalka Ciidamadu ay kuwada hadlaan oo uu ila ag joogey sarkaal agteyda shah ku cabayey, waxaan dhageystey Qeylada aniga oo is idhi malaha qaar Argagaxiso ah ayaa la qabtey waxa aan maqlayaa (Ambulance noo keena taliye hebel soo carar saldhig hebel naasa hablood hala soo gaadho iyo dhawaaqyo aad u naxdin badan oo aad u farabadan ilaa 10 daqiiqo ayey aheyd markii raadyahaasi uu afka isku dari waayey),

Waxaan qaatey Mopile-keygii oo aniga ii ah raadyow aan kala xidhiidho bulshada waxan isku dayey in aan garaaco cid ku sugan New Hargeysa si aan u wareysto, dhawr telephone ka dib waxa igu soo celiyey tell-ka qof aan war soo raadi ku idhi waxa uu ii sheegay in la helay meydka gabadh oo guri lagu dhex aasey oo gabadh ay deyn ku laheyd dishey kuna dhex aastey hoygeedii!!!!!!!!!! Afkala qaad iyo amakaag waxa igashey cabsi waxaan isweydiiyey boqol su’aalood tolow sidey u dishey? Oo qalbi adagaa ma intey dishey ayey god aqalkeed uga dhex qoday? Tolow ma ragbaa hawsha la fuliyey? Oo ma lacag ayey naf dhan u dishey una qarsatey?.

Waan iska dhaafey oo waxaan usoo kicitimey aqalkeygii waxaanan fiidkiiba soo hor fadhiistey TV-yada dalka si warka aan uga helo abaaro 8:00 fiidnimo ayaan daawadey SLNTV- ee qaranka waxanan warkii ka daawadey Godkii gabadha lagu ridey iyo Aqalkii laftiisii iyo Taliye fadal oo sheegaya in uu hayo lix qof oo ay ku jirto Hooyadii lacagta lagu lahaa. Xaqiiqatan waxaan u haystey filim sheekadan ilaa aan daawadey Xamse cali Bulbul oo dul taagan Godkii, qalbigaa I dhaawacmey waxaan dareemay axmaqnimo ka fog gaalnimada waayo gabadh hantideedii ka rabta qofkii ka amaahdey oo ah xaqeedii iyo dhididkeedii ayaa loo diley sided u doontaa xaqaaga? Miyaan meesha Muslim joogin malahayga gaalkaan sidan yeeleen waa qoom inagu cusub oo aanan anigu abidkey arag ama maqal in sidaas Somaliland dhexdeeda la isugu galo muddo 8 maalmood ahna aan cidi ka warqabin waa ceeb.

Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayey Ceb ku tahay arrintani waana dhabarjab laxaad weyn oo haddii aaney xukuumadu go’aan cad ka qaadan sii socon doona oo waxay gaadhi doontaa in deynta lasy weydiisan kari waayo waayo waa lays dili laysna aasi doonaa oo waliba lays qarin doonaa, balse haddii xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo Go’aan cad ka qaadato sida in la laayo cid kasta oo goob joog ka aheyd falkan kana shaqeysay, taasi waxay badbaadin doontaa malaayiin birimageydo ah oo lacagtoodii dad amaahiyey qofkey amaahiyeena ka awood badan yahay.

 

Markaa dhamaan shacabka Somaliland waxaan kula talin lahaa in Xukuumadda lagu dhiirigaliyo in falkan sidey tahay talaaabo cad looga qaado laguna fuliyo cidii danbigan geysatey dambigey geysatay abaalkiisii.

 

Xukuumada waxaan ku adkeynayaa in laga qaato Go’aan shacabka dan iyo daawo u noqda lana fuliyo dilkii miskiintaas lagu khaarajiyey., cidii dood ka keentana sharciga la horgeeyo waxii uga soo abxana la dhadhansiiyo, waayo caasimadeenu inay noqoto meel dadka lagu qasho maaha…….

 

Hassan Yusuf Faarax

Hassandeef@gmail.com

00-252-634148658

Hargeysa, Somaliland