Madaxweyne Ma Dhici-Kartaa Inaay Garsoorku Waayeen Waddo Ay Kusoo Maraan Oo Magaafe Dhex-Da U Galay

0
137

Kadib Maalinti shalay markii ay  sidaa fiinta uu dhawaaqeen waax-da garsoorka dalka oo daaha ka fayday faro-gelin qaawan oo ay ku hayaan xubno ka mid ah gollaha wasiirada ayay bulshadu is wayndiinaysay,maxaa ka dhawaajiyey xubintii cadaalada wadan,iyaago dadka qaarkoodna ay ku maahmaahayeen,dheeriga maxaa kulaaylka ka keena waa karka,waxaanay garsoorku ku doodaayaan inay gudan kari waayeen shaqaadoodii uu Dastuurka uu madax-baneeyay.

Sidoo kaleena madaxweynenaha ayaa uu adkaysan waayay dhaliilasha iyo xad-gudubka lagu eedeeyay xubnaha garsoor isaago kagaaga gaar helay xaakiinada inaay cabaashadooda ay ku wanaagsanayd in loo soo mariyo dariiqa saxda ah,haday jirto cid ay ka shaqaayn kari la”yihiin oo faro-gelin ku haysa.Hadaba hadaynu isuu eegno labada  dhinac waa garsoorka iyo waax-da kale lo yaqaan fulinta muraanka ka dhex-qarxay, teeba  gar heeli doonta ma dhinaca fulinta mise dhinaca garsoorka.

Madaxweyne siilaanyo ayaa soo saaray war-saxaafadeed isaagu jiraa la garnaqsi iyo eed iska difaacid wuxuuna madaxweynuhu faray garsoor haday jirto cid ay ka shaqayn kari la”yihiin ay habooneyd inaay isaago soo war geliyaan,intaanay warbaahinta soo marin.

Ma dhici kartaa Madaxweyne ma dhici-kartaa inaay garsoorku waayeen waddo ay kusoo maraan oo magaafe dhex-da u galay,hadaba waxaaynu  ogeyn  iyaado ay siyaasiyiinta mucaarid ka ah iyo kuwo kalo ka irdhoobay xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye ay xukuumada ku dhaliilaan inay adag tahay sidaa lo helo madaxweynaha oo ay ka soo keeyeen al-baabo adag oo ay adag tahay sidaa looga gudbaa waxaana suurta gal ah inaay garsoorayaashu ama labada gudoomiye ee maxkamadaha Degmada iyo gobolku ay waayeen,wado alle iyo waddo ay uu maraan,waana wax dhici karaa inay ay ku ad-kaatay gelitaanka madaxtooyada oo hore loo sheegay inay jiraan xeer fadhiida kadinka oo waraaqo dhigta isla markaasna,cid anay oggoolaan anay gelin ama arag madaxweynaha qaran,taasina waxaa inooga markhaati ah markii ay is-casiileen xubno ka mid ahaa dawlada oo sheegtay inay la kulmi karri waayeen madaxweyna waxaana ka mid ahaa agaasimihii hore ee wasaaradda arrimaha dibeda oo daaha ka fayday in anuu wax badan kala socon mar xaladaha is bed-bedeelaaya madaxweynuhuu oo anuu wax-yaabaha ka dhacaaya dalka qaarkood war uu hayn.

Dhacdaada labaad mala odhaan karaa xubnaha gudiida fulinta iyaaga ayaa shiidka ku horeeyay oo waxaay dibaaqayaan hadalkii wasiirka arrimaha guduhu,uu mariyay warbaahinta ee ahaa inay maxkamadaha dalku ay yihiin hooyga musuq-maasuqa iyo laaluush qaadaashada wuxuuna wasiirku is badheedh ah uu sheegay in aan lagu kalsoonaan Karin waax-da garsoorka oo uu sheegay inaay cadaadii ka doorbedeen shiliimo,hadalkaa wasiirka ayay si weyn uu dhibsadeen waaxda cadaaladu waxaanad dareemaysay hadaad tagto maxkamadaha iyaago qof kastaaba uu ku har-heelaayay sidaa foosha xun ee wasiirka uu dhaliilay.

Saddexda tiir ee dawlada oo kala ah waax-da fulinta iyo waaxda garsoorka iyo waaxda sharci dejinta ,waxaynu ogaeyn  khilaafyo heerkoodu kaadhay inay hakad gallaan hawlaha shaqo ee dawlada iyo sharci dejinta sidoo kaleena waxaaynu kasoo doognay murankii circa isku shareeray ee dhowaan murankii ka dhex-qarxay aqalka sharci dejinta iyo xukuumada oo dhinac ah taaso ay dadku xubno wasiiro ah ku eeddeynaayeen faro gelinta khilaafkaas,halka kuwo kaleena ay kasoo mici liisanaayeen qurbaha oo ay lahaayeen sanka ayuu caanno ka keenin gudoomiyaha wakiilada oo ay si toosa isu hayeen ku xigeenadiisa,halka madaxweynuhuna isla goobtaas ka sheegay in anay shaqo ku lahayn khilaafka wakiilada,iyaado ay bulshadu ka war haysay in madaxweyne ku xigeenku ahaa istaadhaha kowaad ee hagga mudanyaasha qaarkood,isku soo wadaa duubbo hadda waxaa uu wareegay muraankii garsoorka iyo xukuumada oo la moodaayay inay kala madax-banaan yihiin,balse gooroda iskula jiraa waxaaynu eegnaaba waa halka uu ku danbeeyo khilaafku

Qalinkii

Cabdi casiis Bashiir Nour

Tel 4144434

info@xogreebnews.com

Hargeisa/Somaliland