Madaxweynaha Somaliya oo Aqbalay Safiir Ruushku usoo magacaabay Somaliya

0
66

Muqdisho(Waaheen) Maddaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta ruushkawaraaqihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Ruushka Mr Valery Orlov.

Safiirka cusub  ayaa uga mahad-celiyey Madaxwyanaha Soomaaliya sida uu uga aqbalay warqadahiisa aqoonsiga ee Safiirnimo. ” Dowladda Ruushka aad iyo aad bey ugu faraxsantahay in maanta xiriirkii taariikhiga ahaa ee Soomaaliya iyo Ruushka uu dib u bilowdo. Dowladda Ruushka ayaa diyaar u ah inay ka qeyb-qaadato dib u dhiska dalka.” Ayuu yiri Safiirku.

Sidoo kale Safirka ayaa ballan-qaaday in Dowladda Somaaliya ay Dowladiisa ka caawin doonto arrimaha horumarinta dalka iyo dib-u-dhiska dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya  Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  yiri ” Waxaan uga mahad-celinayaa dalka Ruushka inay safiir u soo diraan Soomaaliya, waana ku faraxsanahay in Ruushka uu dowladda Soomaaliya kala shaqeeyo sidii dalka dib loogu dhisi lahaa, isla markaana shacabka Soomaaliyeed ay heli doonaan fursado shaqo ama tababaro ama deeq waxbarasho. Caalamkuna waxey kalsooni ku qabaan in Soomaaliya ay cagaheeda isku taagtay, isla markaana uu dalka u gudbay marxalad
horumarineed.”
Ugu dambeyntii Madaxweyanaha ayaa u ballan-qaaday safiika inay dowladiisa si hagar la’aan ah ula shaqeyn doonto  si uu u guto
xilkiisa loo soo igmaday