Su’aalbaa ka taagan Qaadhaanka Waddooyinka iyo Qarashka baxaya! Faallo S.Kalshaale

0
92

wariyeKalshaalessShacbiga oo ku jahawareeray qadarka lacagta qaadhaanka ah ee loo hayo Jidka Sanaag iyo Su’aasha  ka taagan meesha laga bixiyo kharashka xad dhaafka ah ee Wasiir Xirsi amaanta ku Iibsado..

M. Xasan: “ Xafladaha la qabtay waxa ka mid ahayd xaflad lagu soo casuumay boqolaal qof oo Cashadoodu qofkiiba ahayd $15..

Akhri warbixin xogo badan Iftiiminayso oo Gobanimonews idiinka diyaarisay Mugdiga iyo Maamul xumadda Curdin dhadhisay Himiladii reer Sanaag durb..

Hargeysa:28-02-2014-Waa maalin Khamiis ah oo habeen jimce soo galayso, waxaanay ku beegantahay dhamaadka bisha Feberaury Mawduucyo badan oo siyaasi ah aad loogu mashquulay.

Waxa dhawr maalmood ka soo wareegtay xal u helida Khilaafkii Xisbiga talada haya ka dhex aloosnaa oo go’aamo soo jeedin ah laga soo saaray dhexdhexaadin xukuumaddu door weyn ku lahayd arrimihii lagu muransanaa muddada dheer.

 

Soo afjarida Xurguftaasina waxay waxaan todobaad iyo badh ka badnayn ka dambeysay dejinta Xiisaddii siyaasaddeed bishii January ee 2014-ka ka holcaysay Aqalka Wakiillada,taasoo u dhaxaysay saddexda xubnood ee Shir-guddoonka oo hogaaminayay garabyo Mucaarid iyo muxaafid u kala raacay.

 

Ergo ka socota Golaha Guurtida Somaliland ayaa Shimbir looga dhigay daminta duufaano siyaasaddeed oo ay Xukuumadda iyo isbahaysigeedii wakiilladu kaga dibaaqayeen daafad hoos loogu riixay Awoodda labada ku-xigeen ee Shir-guddoonka Wakiillada, kuwaasoo Mooshin aqlabiyad ku ansaxay lagu go’aamiyay in xilka lagaga qaadi karo 42 cod, halka Guddoomiye Cirro loogu sad-buriyay 55 cod maamus ka xayuubintiisa.

 

Tani waxay ahayd arrin xumad badan iyo xasarad abuurtay,balse aakhirataankii Ergada u gurmatay  si xal iyo xasilin ah ku dhameeyeen, iyadoo dhinacyada oo dhami tanaasul sameeyay.

 

Goortu waa gelin dambe oo dadka badankiisu shaqooyinka ka soo rawaxeen, goobtuna waa mid ka mida Majlisyada  ay xiliga gelinka dambe ku kulmaan dadka arrimaha siyaasadda ku foogan iyo kuwa hadal dhaadhiga ahi ku kulmaan.

Waxa ka socota dood aad u adag oo hadba mawduuc diiradda lagu saarayo,taasoo u dhaxaysa akhayaar badankooda xogogaalnimo qoto dheer  lagu tuhmayo, kuwaasoo aan wax badan ku kala aragti duwanayn mawduucyada horyaala ee ay isla falanqeynayaan, oo aanay ku hadal hayn badnayn arrimaha aynu xagan sare ku soo iftiiminay.

Hadaba waxay  sheekaddu gabi dhaclaysaba goor laga gaadhay gabagabadii kulanka goobta, ayaa garoonka ka soo dhigay gorfeyn ku saabsan Mashruuca muddada kooban dalka ka socday ee Dhismaha Laamiga isku xidha Burco iyo Ceerigaabo, taasoo lagu soo gunaanadka kulanka  si weyn loogu raftay goofaadhigeeda iyo gal-gaal bixinta gurac badan oo Mashruucan ku jira.

 

Waxaanay akhayaarta halkaasi ku munaaqishootay isku waafaqeen gorfeyn badan ka dib, in mugdi badan iyo Maamulo xumo bariinsatay qorshaha Xukuumaddu hormuudka ka tahay ee  Qaadhaanka loogu  uruurinayo sidii laamigaa loo yagleeli lahaa.

 

Bilowgii Mashruuca waddada Ceerigaabo – Burco iyo horumarinta Waddooyinka

16 Bishii September ayuu Madaxweynaha Somaliland dhagax-dhigay goobta la qoondeeyay in waddada laga bilaabo, xili uu ku guddo jiray Safar uu ku marayay Gobollada Saaxil, Togdheer iyo Daad-madheedh.

 

Waa Mashruucii ugu balaadhnaa ee Madaxweyne Somaliland soo maray dhagax dhigo, una badheedhay inuu yagleelo xili  xaaladaha dhaqaale ee isbed-bedelayaa wakhtiba heer joogeen, walina dalku la daalaa dhacayo.

 

Hase ahaatee rejo aan sidaa u sii ridnayn oo abaabul hoose lagu dhiiri gelinayay iyo rabitaan si laab la kac ah uga soo burqaday Bulshada ku dhaqan Gobolka Gaddoonsan ee Sanaag ayaa gogol xaadh wanaagsan u muujiyay dad badan oo riyo u arkayay hir-gelinta hawshaasi.

 

Sidaasoo ay tahay waxa muuqata in Hindisahani waji kale iyo wadiiqooyin siyaasaddeed oo wiiqaya wanaagii loogu wan qalay loo duway, isla markaana laga dhigayo madadaalo iyo wax maaweelo casri ah lagu tilmaami karo.

 

Raadad musuqmaasuq iyo Mugdi hadoodilan

 

Labadan qodob waa kuwa ugu daran ee uu ku curdin dhadhayo mashruucan ilaa heer hoose dadka lagu abaabulay, waxaana la aaminsanyahay hada oo ay dadka badankiisu aad u hadal hayaan inay labadaa arrimoodba siyaabo kala duwan uga muuqdaan hawsha qaadhaan uruurinta ee socota, xili aan wali xaajadu gonda dhigan, dadkuna aanay u bislaan.

 

durba waxa soo baxaya ifafaale sawiraya inay saameyn ku yeeshee dhaliilaha jiraa habsami u socodka bixinta qaadhaanka, iyadoo ay haatan dad badan hadal hayntooda ka muuqato shaki faro badani.

 

“Waxaan u arkaa inay tahay Maamul xumo cad, waayo xaflada shanta boqol ee qof lagu soo casuumayo ee Kirada Hudheelka, Cuntada iyo waxyaabaha kale oo dhami dheeryihiin Kaadhadhka la sameeyay, waa la garan karaa lacagta ku baxaysaa inaanay toban kun oo Dollar ka yarayn ee ay ka badantahay “sidan waxa yidhi mid ka mida dadka aqoonyahanka ah ee reer Somaliland oo magaciisa in la soo xigto ka cudur daartay.

 

Xafladdeyn laga dareemayo buun-buunin, olole filiqsan oo bulshadu ku kala qaybsantahay iyo hal-qabsi loogu jawaab celiyay dareenkii ay Mashruuca ku qaabileen xisbiyadda mucaaridka iyo bulshada qaybo ka mid ahi ayaa dhaliyay shaki sii laba jibaarmay iyo in dad badani candhuuftoodda dib u liqaan.

Hase ahaatee doodda ugu badani hada waxay ka taagantahay meesha laga bixinayo kharashka xad-dhaafka ah ee ay luminayaan  guddida hawshan  loo xilsaaray ee Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan  hormuudka u yahay.

 

Sida uu mar kale ku doodayo Aqoonyahanka Magaciisa qariyay oo Gobanimonews la hadlay“lacagta Xafladdaha lagu qabanayo ee xad dhaafka ah waxay ahayd in lagu dhiso Laamiga”.

 

Kharashka la bixinayo ee Dooca dhaliyay waxa ka mida lacagta ku baxaysa Safaradda dibada iyo kuwa gudaha ee aan kala joogsiga lahayn, munaasibadaha la buun-buuninayo iyo gacan laabka loo dhiibayo dadka Taageerada Dhuuni ku bedelashada ah mashruuca u fidiya.

 

 

 

Maxamuud Axmed Ismaaciil waa dadka u dhuunta daloola arrimaha Bulshada iyo Siyaasadda waddanka.

 

waxaanu isagoo gobanimonews waramaya  sheegay “Guddida dibadda qabatay intii ay wareegayeen lacagtii ay safarka u isticmaaleen halkee laga bixiyay, intaasoo dal ayay soo mareen, markaa waxa la odhan karaa kharashkooda ayaaba ka badnaa waxay soo uruuriyeen”

 

Waxaanu intaasi ku daray “Markaa waxa loo baahanyahay in la soo bandhigo lacagtaas iyo tan xafladaha ku baxday meesha laga bixiyay”.

 

Munaasibad Habeenkii Axaddu soo gelaysay ee Usbuucii la soo dhaafay lagu qabtay Hudheelka Maansoor, taasoo ay la soo qayb-galeen dad laba boqol oo qof kor u dhaafayaa, ayaa lagaga dhawaaqay  qadar lacageed oo aad uga hooseeya intii laga filayay qaadhaanka u soo xarooday waddooyinka.

 

Waxaana xafladaasi lagu shaaciyay tirooyin lacago kala duwan ah oo ay qadar kala duwan ku kala sheegeen Masuuliyiinta bandhiga sameynayay oo qaarkood u hadlayeen sidii wax daacadnimo ka dheertahay.

 

Maxamed Xasan waa Nin qoraa ah, waxaanu daraaseeyaa arrimaha Bulshada iyo dhaqaalaha.

 

Waxa uu Kaaf iyo kala dheeri ku tilmaamay Baahada loo gurayo Dhismaha waddooyinka iyo lacagaha ay faraqayaan Masuuliyiinta Dawladda ee arrinta gacanta ku hayaa.

 

“ Xafladaha la qabtay waxa ka mid ahayd xaflad lagu soo casuumay boqolaal qof oo Cashadoodu qofkiiba ahayd $15.

 

Taas waxa ka daran iminka qofka Hees yar u sameeya ama amaan yar ula taga Wasiirka waxa loo soo dhiibayaa Labaatan kun oo Dollar, markaa ninka Qaadhaan uruurinayaa deeqsisanaa”ayuu yidhi  Maxamed Xasan aragtida la wadaaga in badan oo ka mida sida aanu ku ogaanay ra’yi uruurin muddo socotay.

 

Su’aalbaa ka taagan qadarka lacagta lagu dhawaaqay iyo kharashka baxay.

 

Guddi hawleedka Mashruuca ayaa ku dhawaaqay inay gacanta ku hayaan xadi lacageed oo dhan (= $500,352.34), hase ahaatee Boqolkiiba shan iyo sagaashan ka mida Bulshada somaliland waxa muuqata inaanay  si tafaftiran u fahmin lacagtan iyo qaabka loo hayo.

 

Waxa kale oo aan cadeyn waxa kharash uga baxay qaadhaanka, inta ka soo xarootay Dakhligii Cashuuraha Takaalifaatka ah ee loo saaray Gaadiidka, baddeecadaha iyo  xoolaha nool iyo waliba sidoo kale xadiga qaadhaanka noolka ama xoolaha noola ee la hayo.

 

Maamul daadejin la’aan

 

Inkasta oo Hay’adda Waddooyinka Qaranka la hoos geeyay Wasaaradda Madaxtooyada, hadana waxay ahayd  inay hawlaheeda farsamo u gudato si madaxbanaan, wasaaraduna siyaasad ahaan hagto hanaanka shaqadu u soconayso.

 

Hase ahaatee tan iyo markii Digreetada Madaxweyne Hay’adda lagu bedelay siyaasaddeeda iyo awooddeeda Maamul, waxa muuqata in Wasiirka Madaxtooyadu noqday Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka, isla markaana maroorsaday dhamaan awooddii Maamulka Hay’adda .Guddid

 

 

Kormeero joogto ah iyo shir-hawleedyo hawlaha waddooyinka la xidhiidha la sameeyay tobankii bilood ee ugu dambeeyay, ayaa daliil muuqda ka bixinaya luminta doorkii farsamo ee ay Hay’addu u lahayd shaqaddeeda, kuwaasoo Wasiirka Madaxtooyaddu si laab la kac siyaasaddeed ka muuqdo u hor kacayay  Masuuliyiin  iyo ashkhaas muuq xoojin u raacay oo deegaamo kala duwan booqday.

 

Ku dhawaad afar jeer ayaa wefti noocaas ah, isla markaana marba marka ka dambeysay Rakaabku ka badnaa doorkii ka horeeyay,  booqdeen jidka isku xidha Gabiley iyo Wajaale, halkaasoo inta subax uun loo kalaho la soo yara indho indheeyo, ka dibna duhurka laga soo dheemaalo, iyadoon wax la soo qabtay jirin.

 

Sidoo kale Dayac-tirka lagu samaynayo Laamiga Berbera iyo Hargeysa  ayaa sidaasoo kale ugu yaraan lix jeer Wasiiro, Agaasimeyaal iyo Masuuliyiin kale oo uu Xirsi horkacayaa kormeer ugu tageen, halka Jidadka kale ee Dhismahoodu socdo, sida kan Wadadda cad-na uu Kolanyo lagu tegay.

 

Dhamaan hawl-qabadyadan farsamo iyo shirarka kale ee gudaha Magaalada ka dhaca,ayaa ah kuwo sidan aan soo sheegnay Wasiirka Madaxtooyadu ka yahay isuduwaha Barmaamujyada ilaa heer farsamo gaadhsiisan, halka Maareeyaha iyo masuuliyiinta kale ee Hay’addu  gudbinta warbixinaha iyo dar-dar gelinta mashriicda socota xus mooyaane xay uga qayb qaadan.

 

Taasi waxay ka mid tahay Maamul xumadda iyo ku takri falka awooddeed ee Wasaaradda Madaxtooyadu ku liciifisay Maamulka Hay’adda, iyadoo dhinaca kalena sawir ka bixinaysa rejo xumadda ka soo fool leh.

 

Hase ahaatee lama dafiri karo in dadka qaarkii aaminsanyihiin in ka qayb qaadashada dar-dar gelinta hawlaha Hay’adda Wasiirku xaq u leeyahay, taase laguma cabiri karo dareen qudha ee waa arrin ku xidhan hadba sida ay shuruucda hay’addu tahay.

 

Arrinkase meesha ku jira ee fiiradda u baahan ayaa ah in luminta Shidaalka joogtada ah, kaga mashquulida hawlaha kale ee daruuriga ah qayb ka tahay dhaliilaha Maamul ee muuqda.

 

Olole Siyaasaddeed.

Mashruuca horumarinta Waddooyinku waa qorshe siyaasaddeed oo aan wali loo gondo daadegin ujeedada ka dambeysa iyo hindisaha laga damacsanyahay, waxaanay dadka qaarkii aaminsanyihiin inuu ka mid yahay wajiyadda Siyaasaddeed madaxweynaha waddanka.

“Abwaanka weyn ee …. Waxaan ka hayaa adeer Madaxweyne Siilaanyo wuxuu leeyahay boqol  bayj oo siyaasad, maanta wuxuu ina tusay hal mid oo ah kaa dadka waddooyinka lagu jeedinayo, markaa hadii mucaaridada lagu adkeeyo 99 kale ayuu maalinba mid inoo rogayaa”sidaasi waxa Gobanimo u sheegay Cabdirisaaq oo ah Nin reer Burco ah.

 

Sidaasoo ay dadka qaar dareen ahaan qabaan , hadana laguma tilmaami karo xirfad siyaasaddeed oo xarago leh Xawaaraha iyo xiqdiga lagu waddo hawsha socota, waana mid lagu sarifi karo ujeedo ka leexatay habkii loogu talo galay oo laga dhadhansanayo raad-barasho siyaasaddeed.

“Sabtida ayaanu soo bandhigaynaa qof kasta oo lacagta qaadhaanka bixiyay, kii been moodaya iyo kii balo sheegayowba, ku busko ayaanu leenahay”sidaasi waxa si Kalsooni daro ka muuqato uga tiraabay Munaasibad Wasiirka Ololaha waddooyinka u xadhko xidhan, kaasoo aan xataa magac dhabin ileen bulshadu way simantahaye kuwa uu uga hal celinayo dhaliil uga timi.

Dharaar kalena Wasiirku wuxuu hadal si weyn loo dhibsaday oo dhagaraysan  ka jeediyay munaasibad waddada wajaale loogu qabtay meel u dhaxaysa wajaale iyo Kala-baydh, waxaanu yidhi.

“Dhego weyne waxaan leeyahay Madaxweyne Siilaanyo shalay markii Hogaamiyaha SNM ahaa waxaad u geli jirtay waddooyinka si aad u disho, xukuumaddii Cigaalbaad lahayd dawladdi ma jirto, Daahir Rayaale ayaad shalay lahayd kaalay ridnee, Maantana madaxweyne Siilaanyo u soo dhigatay, kuu suurto geli mayso waxaad raadinaysaa”.

Dhawaaqyadan iyo kuwo badan oo uu Wasiirku ka jeediyo munaasibad kasta oo uu mikirifoonka  qabsado, waxay iftiiminayaan in mashruucani noqday god siyaasaddeedka Madaxtooyaddu ka weerarto mucaaridka, waayo ninka samo fal samaynaya ee hawlahan oo kale gacanta ku hayaa waa qof laga filan karo ama looga baahanyahay dhawrsanaan iyo soo jiidasho wanaagsan.

Waxaanay dadka qaarkii  isweydiinayaan Mucaaridka Dhismaha waddooyinka loogu booteeyaa miyaanay ka mid ahayn Mawaadiniinta dalka u dhashay ee Qaadhaanka laga doonayo?, miyaanse dareenka ay ka qataan aflagaada loo geysanayo Taageerayaashoodu la wadaagin aragtida ka dhalanaysa.

Dhamaan Arrimahani waa kuwo Mugdi weyn  geliyay natiijada Mustaqbal ee uu Mashruucani xambaarsanyahay oo sida muuqata ku ibbo furtay Asaraar, afar qaadayn iyo indho adeyg wada socda.

 

Wariye: Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)

Email: editor@gobanimonews.com