Gabayga Abokor Gahayr

0
135

Gabaygan Shan danbaa laabta kuu surane waxaa hal abuuray Abokor Gahayr Cabdulle, waxaana uu allifay markii uu arkay waxaan la qarin karin oo damiirkiisa dhaqaajiyay sida uu sheegay inuu qabtay madaxwayanaha iyo xukuumaddiisa oo ay ugu horayso dhismayaasha wadooyinka oo qiiro galiyay isaga iyo muwaadinin kale, waxanaa qayb gabayga ka mid ah ay ahayd sidan:-

 

 

Aragti Liibaan qabtaa Siilaanyoow kugu lifaadoone,

Rabbigay wixii kugu liddiya kuguma laasimee,

Libin halyeeyo hore diiddaa kugu liicda adigee.

Kuleexayso kursiga Shan danbaa laabta kuu surane.

 

**********

Awrkii dhinaca ka rarnaa wakaa dheellitiray xaajigu,

Laammiyadii wakaa goglay loolida ahaaye,

Haykalkii dawladnimo wakaa lagu sugay xuduudihiisiiye,

Ku leexayso kursiga , shan danbaa laabta kuu surane.

 

**********

Gorgorgaashii liic liicijira ee liitay abidkiiba,

Wattaa lagga iyo lugta aad yaabto luquntiiye,

Liddi kugu kacaa kaama lib helo laan kastuu yahaye.

Ku leexayso kursiga shan danbaa laabta kuu surane.

 

Abokor Gahayr Cabdille
Hargaysa, Somaliland

abokorgahayr@hotmail.com