(Fiin & Farash) Fiin; googaa, Dayaxu Muxuu La Kabash Kabash Leeyahay.

0
63

Farash; Cigalle, waa madaxweynahan damaca muddo kordhintu gashay.

waxaan marka hore sallaamaya dhamaan warbaahinta somaliyeed ee afka somaliga wax ku qorta, waxaa intaas ii raaca ,maanta waxaan soo diyaariyey qormo ku salaysan suugaanta somalida oo ay inoo dadihin doonan labada jilaa ee waaweyn magacooduna kala yahay, FIIN iyo Farash.

 

Fiin; googaa, wax cirka taar ku leh, dhulka taar ku leh tagoogo orgi leh, tunka shaash ku leh,

Farash; cigalle, waa wasiirka wasaarada madaxtooyada Somaliland

Fiin; googaa, meesha maro muuqaa la waa

Farash; cigalle, waa wasaarada warfaafinta Somaliland

Fiin; googaa, xeradayadu waa wada ullo, ul la qaato ma leh.

Farash;cigalle, waa gollaha wakiilada somaliland

Fiin; googaa, dayaxu muxuu la kabash kabash leeyahay

Farash; cigalle waa madaxweynahan damaca mudo kordhintu gashay, kana shakisan doorashada danbe

Fiin; googaa xiddiga wax arka ee an waxba maqal

Farash; cigalle, waa wakiilka somaliya ee qaramada midoobay, ee xukumada somalilandna u taqaan wakiilka somaliya iyo Somaliland ee qaramada midoobay.

Fiin; googaa; qalnaye yaa kuu qaadi

Farash; cigalle, waa madaxweynihii la doortay ee aan hadana talin

Fiin; googaa’ wax siibax oday leh oo soo gal dumar leh.

Farash; cigalle, waa shirka wada hadalka Somaliland iyo Somaliya

Fiin; googaa, markastoon gurigayaga soo galo waxaan arkaa abahay iyo hooyaday oo cunaha is haya.

Farash; cigalle, waa gudoomiyaha xusbiga UCID iyo musharaxa xusbiga UCID

 

La soco

Qallinkii; Cabdilaahi Cismaan Cabdi ( Cabdilaahi Gadhle)