Waa sharaf iyo dalku dhismo waana guul qaranku wada leeyhay Qalinkii: muuse cali nuur ammaan

0
62
Waayadan qalinka maan qaadan oo waxaan ka dheeraaday sohda siyaasada iyo ilo wareedyadeeda, inkastoo aan war badani igu seeganayn.
Waxaa kolley laga soo gudbay duufaantii baarlamaanka ee arimaha shirgudoonka, waxaa kale oo laga soo gudbay khalaafkii xisgaygii kulmiye oo aanan mudo sadexsano ku dhow tegin xafiiskiisa, waana arin farxad leh in labadaas arimoodba ay guul kusoo dhamaadaan, gudiyadii, wasiiradii iyo dhamaan madaxdii ka qayb qaadatayna waan ku hambalyeynayaa, waxaan leeyahay waxaad agrateen waajibaadkiina shaqo iyo xilkasnimoba.
Intaas hadaan kazoo gudbo, ma eegaayo duufaanada beenta u badan ee saxafadu qorto, oo agtayda macno badan kuma laha, waxasaan eegayaa wax qabadka muuqda ee qaranka usoo hoyday intii kulmiye hogaaminaayey, haday noqoto mida dhismaha wadanka, ee dekeda berbera, dhismaha madaarada ee burco iyo hargeisa iyo kan wadooyinkaba.
Runtii maaha wax qabad dheeftiisa la kala leeyahay ee waa mid qaranku wada leeyahay oo guul ah, waxaase la yaab ah in mucaaradku ay u arkaan wax aan dan u ahayn taageerayaashooda iyo inta dhegaysata.
Waxaan xasuusinayaa cidkasta oo hilmaansan, in wasiirada had iyo jeer la hiifayaa ay yihiin kuwa ugu wax qabadka fiican ee wax la arki karo qabtay, mana soo dhowaynaayo in saxaafada qaarkeed oo loo tuhmaayey in dad mihiim ah ay xidhiidh la leeyihiin ay xumaan faafiso iyo wax aan dan u ahayn qaranka mucaarad iiyo muxaafidba.
Markay sidaa tahay mucaaradka mid baan leeyahay, muxaafidka iyo xukuumadana mid baan leeyahay.
Mucaaradka waxaan leeyahay wax muuqda oo guul ah hadii aad been ka sheegto waxay waxyeelo ku tahay saamaynta hadalkaaga iyo dhegaysiga oo qiimihiisu hoos u dhaco, balse waxaa idinku haboon in wixii wanaagsan ee qaranka loo qabto aad soo dhowaysaan oo taageertaan, wixii qaldanna aad si edaab leh u sheegtaan oo ay bulshadu dhegaysan karto.
Xukuumada halbaan leeyahay oo waxaan leeyahay, guushiinu waa kasbashada dhalinyarada, waxaana ku kasban kartaan idinka oo dhiirigeliya doorkooda siyaasadeed iyo shaqo abuur,.
Wasiirada shaqaalaha iyo qorshaynta waxaa looga fadhiyaa inay si wanaagsan u maamulaan shaqooyinka iyo anfaca haayadaha inaga soo gala, wax qarsoomayaana ma jiraan oo nin walba  ilaahay ayaa ka dambeeya oo xisaabinaaya, ‘’hagradoow lagu hagradee’’.
Waxaan kusoo gebagebaynayaa mucaarad iyuo muxaafidba waxaynu masuul ka nahay in sinaan iyo wadajir iyo horumar lagu wada shaqeeyo oo la joojiyo wax yaalo badan oo aanan saxaafada u quudhayn.
Yeelimaayo oo soo dhowayn mayo in nin aan sanaag kalsooni ka haysan oo isagiiba haad geed waayey ah uu canjarafeeyo dhismaha wadada ceerigaabo.
Yeelimaayo oo soo dhowaynmaayo in shaqaalaha dawlada ay isu bahaystaan shaqsiyaad gaar ah oo kazoo buuxiya reerahooda.
Waxaan ogahay in 3kun ee qof ee usoo gudbay wareega koowaad ee hada ku dhegsan haayada shaqaalaha lagawaayo, saraar oodhan, sanaag galbeed iyo degmooyin kale.
Hadii daacad laga yahay hala soo bandhigo khibrada iyo waraaqaha dadka la qaatay iyo goobahooda dhalasho.
Waxaan dareen wayn ka qabaa intii hore iyo tan maantaba lays daba mariyey, in dadka la shakisaro oo kalsoonidooda la ilaashadaana waa mihiim.
Dhawr qof oo jaamacado ka baxay oo anigu aan ogaysiiyey oo soo gudbiyey shahaadooyin asal ah ayaan ka muuqan liiska lasoo dhejiyey, sidaas awgeed waxaan odhan lahaa arintaas dib haloo baado waayo waa niyad jab nasoo waa jahday dhalinyaro ahaan, taas oo  muujinaysa kala sooc iyo isir nacayb.
Hadii kii mushaharka bixinaayey iyo kii ansixinaayey iyo kii shaqada qoraayey ay labaatan sano isku gobol iyo isu adeer noqdaan waxay u egtahay in aan kalsooni lasii qabi doonin.
Igamaha in aan wax mucaaradaayo laakiin waa in wax la toosiyaa oo dalka dheeftiisa loo sinaadaa.
Waa in wasaaradaha magic u yaalkaa wax qabad kooda saxaafada loosoo bandhigo oo masuuliyadooda bulshada la baro, waxaan filayaa taasi inay tahay masuuliyad ay gabtay wasaarada saxaafada iyo wargelintu.
Weli wasaarad heblaayo waa jirtaa mooyee maan maqal waxaas bay u jirtaa, marka laga reebo dhawr wasaaradood oo wax qabadka wasiirada haystaa uu dadka baray, sida wasaarada arimaha gudaha, maliyada, madaarada iyo gaadiidka circa iyo wasaarada madaxtooyada iyo wadooyinka.
Aaway wasiiradii kale,? Maxay qabtaan? Maxaa u qabsoomay? Maxaa u qorshaysan? Miyaanay ahayn in sanag walba qorshahooda ay bulshada usoo bandhigaan oo dadka ka dhaadhiciyaan oo ay muwaadin-nimo iyo dal jacyal muujiyaan.
Waxaan kaga baxayaa wasaarada shaqada waa ku ceeb in 4kum oo dhalin yaro ah ay tahdiibaan in halkii boos ee shaqo ee la xayey siyo ama banaanaada ay soo doontaan kun qof waxka badan.
War ilaahay ka yaaba oo baabuurta cadcad ilaahay idinka difaacimayso maalinta xisaabta,e dadkiina u shaqeeya oo intaa xanta maqaaxiyaha iyo cawayska ku jeedaan, ku jeesta buugtiina iyo qalmaanta oo wax u qorsheeya dadkiina iyo dalkiina.
Sidii xukuumadii udub hadii wasiirba wasiir xandhegaysto oo hambeenkii ka caraabiyo madaxtooyada walaahay in aydaan sharaf kaga tegayn wasiirnimaduna qiimo yeelanayn, sida aanay manta qiimo u lahayn kuwii rayaale wasiirada usoo ahaa.
Wabilaahi tawfiiq