DIMUQRAADIYAD JEBINTA KULMIYE DAKANOOYIN IYO DABINAA KU QARSOON‏

0
99

sacad 2 (1)Sida la wada ogyahay wuxuu xibiga talada haya ee kulmiye dhawaan ku Heshiiyay heshiis aan waafaqsanayn habka dimuqraadiga ah ee s/land ku Dhisantahay marka laga hadlaayo nadaamka asxaabta iyo doorshooyinka Waxana sida la wada xasuusanyahay ay todobaadkii ina dhaafay ay shaaciyeen Gudidii dhexdhexaadinta ee khilaafaadka xisbiga kulmiye uu m/weynuhu Horay Ugu saaray 10 qodob oo ay ku xaliyeen khilaafkii xisbiga ragaadiyay hadab Hadaynu eegno 10ka qodob qodob kamida isla markaana ah qodobka laf Dhabarka u ah heshiiska waxa weeye qodobka ah inaan hogaanka xisbiga cidi Aanay isla sharixin oo sidiisa loo daayo marka aad dhan ka eegto waa kaar jebin Lagu dejinaayo garabka iska caabinta xoogan lagala kulmaayay oo ah garabka Muuse biixi isla markana ah garabka ay awooda xisbigu gacanta ugu jirtay

Hadab qodobkaasi waa qayrul dimuqraadi aan waafaqsanayn habkii Xisbinimada iyo doorashooyinkaba marka laga eego xaga siyaaigana waa qodob Dhagaraysan oo cid loo taag waayay ama cid la dhaafi waayay loogu soo Maleegaayo shirqool sidaa waxa ku odhanaaya caqliga saliimkaa

Bal hadab waxaynu eegi doonaa halka ay ku biyo shubanto iyo Dakanooyineeda arintaa looga baydhay nadaamkii xisbiyada iyo Doorashooyinka-ba anigu waxaan qabaa in ay ku hoos jirto arin layidhaahdo Dhegay far oo aan imika meesha laga filayn

 

by sacad cali kaahin raamalay sacad plucky