Ciidanka Amniyaadka Al-shabaab oo Dilal qorshaysan ka bilaabay Muqdisho

0
86

Waxa soo galay shan boqol oo ku hubaysan Baastooladdo

Muqdisso (Waaheen) iyada oo  Magaalada Muqdisho muddooyinkii dambe ay ku soo kordheen dilalka qorshaysan  ayaa xoggo aanu ka helney ilo ku dhow dhow dagaalamayaasha Al-Shabaab ay sheegayaan in Muqdisho la soo galiyay illaa 500 oo amniyaadka Ciidamada loo yaqaanno oo shabaabku ay leeyihiin kuwaas oo dhammaan Bastoolad sita.

Kooxahaan ayaa fulinaya dilalka ka dhaca Magaalada Muqdisho kuwaasi oo  lagu bartilmaameedsanaya Masuuliyiinta iyo qeybaha kale ee Bulshada.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Kooxahaan ay ku kala baaheen degmooyinka Gobolka Banaadir islamarkaana ay halkaasi deegaansadeen, ayaga oo dilal qorsheysan ka wada magaalada.

Muqdisho ayaa dhowrkii Malmood  ee ugu dambeeyay waxaa ka dhacay falal kala duwan oo dilal u Muuqda kuwa qorsheysan kuwaas oo inta badan lagu dilay Guddoomiye waaxeedyo Magaalada ka howl galayay.