Ergo nabadeed oo ay Guurtiddu u dirtay Xaaji Salax iyo iyo Kalfadhigoodii 52aad oo la soo Gabo-gabeeyay

0
101

02Hargeysa(Waaheen) Fadhagii golaha guurtida somaliland oo uu shir guddoominayey Guddoomiyaha golaha guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa waxa uu mudanayaasha ku war galiyey in golaha la fasaxay 2 bilood.

Waxa uu guddoomiyuhu mudanayaasha uga mahad naqay sidii ay usoo guteen waajibaad koodii shaqo intii uu dalka dibadiisa ku maqnaa.

Fadhigaasi ayaa ugu horeyn wax xildhibaanada la hadlay Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Golaha wakiilada Siciid jaamac cali oo ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay mudadii uu socday Kalfadhiga 52 ee la soo gabogabayey, wax uu tilmaamay in wasiiro ka tirsan xukumada ay xogwareysteen kuwaasi oo faahfaahin ka siiyey xallada dalka.

“Kal-fadhigan soo xidhmay ee 52aad kal fadhigaas ajandihiisu waxa uu ka koobnaa sagaal qodob, qodobaas ajandaha sidii caadada inoo ahayd goluhu wuu soo wada maray waana uu ka wada dooday,haday tahay dhinaca siyaasada dhinaca nabada galinyada iyo ta degaankaba haday noqoto,  nasiib daro wasiirada aanu u yeedhay waxa ay ahayeen shan wasiir waxaana la kulanay 3wasiir oo uu wakhtigu noo saa maxay labada wasiir ee kala waxa naga soo dhexe galay khilaafkii soo kala dhexe galay golaha wakiilada ee aanu xalka ka gaadhnay wasiiradaas kalen waxaanu u dhiganay kalfadhiga danbe hadii ilaahay yidhaahd”Ayuu yidhi

Guddoomiye kuxigeenku  waxa uu sheegay in doodii ay mudanayaashu ka doodeen ay u direen gudi hosaadka golaha guurtida sidii ay uga soo talo bixiyaan hawshoodana ay uga gudan lahayeen intaas uu goluhu fasax yahay, “Goluhu waxa uu ka hawl galay dhacdo ka dhacday magaalada adhi cadeeye oo in badan soo noq-noqatay taas oo ahayd nin la kala dilay xitaa inuu golahu ka bixiyey mago sidii uu u kala furdaamin lahaa labadaas belood waftigina ilaa hada way ku maqan yihiin, arinta kale ee goluhuna ka hawl galay waxa ay ahayd khilaafkii soo kala dhexe galay mudanayaasha golaha wakiilada ee somaliland taas oo uu golaha guurtidu ku kala guntaday.”

Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleeban Maxamud Aadan o isaguna ka hadlay fadhigaasi ayaa hadal dheerka wax uu sheegay in wafti ay dirayaan Shaqaqadii ka dhacday Degmada Xaaji Salax ee lagu dilay taliyihii Booliska. Waxanu yidhi “habeen hore wax magaalada xaaji salaax ka dhacay dhib aad u xun oo nin taliye ka ahaa degmada xaaji saalax lagu dilay waxaan odhan karaa waxa uu ahaa arin aan wanaag sanayn, arinta habeen hore dhacay waa arin soo noq-noqatay oo inooga baahan in aynu dadaal dawladeed iyo mid beleedba laga galo waxa iska dabo tagay laba nin oo ah laba madax ah.”

Wax uu hadalkiisa Guddoomiyaha Golaha Guurtidu ku soo gabogabeyey “waxaan doonayaa inaan in yar ka yidhaa arintii golaha wakiilada ee dalka gabi ahaanba gil-gishay waxa ay ahayd arin aan la odhan Karin way yartay hay waxa ay ahayd mid gabi ahaanba dalka ka yaabisay nin muu guulaysan ee hadii laga tagi waayo cid guulaysatay waxa weeyaan  qaranka somaliland rag waxa ugu balaysan ninka tolkii oo gondaha isla galay kala furdaamiya”.