Sibidhka Itoobiya oo Suuq weyn ka helay Somaliland iyo wershadii Sibidhka Berbera ee la fadhataystay oo Dugsanaysa Buuraha dihin ee sinta ku haya

0
103

 Xukuumaddu waxay illaa hada maarayn kari la’dahay sidii ay Sibidhkaas ugu soo saari lahayd bulshadeeda

Berbera(Waaheen) Sibidhka Wershadaha Dalka Itoobiya laga yagleelaya soo saaraan gaar ahaan wershada Qaranka ee berbera(National Cement), ayaa Suuq weyn ka heshay Somaliland, waxaana maalin walba ku soo qul-qulaya boqolaal baabuur oo ku raran, kuwaas oo kuyuu ugu jira bakhaaradda magaalooyinka Somaliland intooda badan.

Sibidhkan oo ah nooc ka tayo fiican kuwii carabta ayaa suuqa ka saaray Sibidhadii kale oo dhan gaar ahaan kii Cumaaniga la odhan jiray ee laga soo waaridi jiray Dalalka Carbeed, waxaanay Ganacsatada Somaliland tartan ugu jirtaa kala jiidashada wershadaha Itoobiya ee soo saara Sibidhkan.

Sibidhka Itoobiya ayaa Ooda soo goostay kadib markii Xukuumadda iyo Ganacsatada Waaweyn ee dalka Itoobiya u fikireen in ay ka faa’iidaystaan Buuraha Ceegaaga, waxaanu wax soo saarkoodu marayaa halkii ugu saraysay, iyadoo illaa hada shan wershadood oo waaweyni ka dhismeen, isla markaana Suuq fiican ay uga heleen dalalka jaarka ah sida Jabuuti iyo Somaliland oo kale.

Wax soo saarka Sibidhka Itoobiya ayaa ku soo beegmaya Xilli Somaliland iyo shacabkeedu tahli kari waayeen in ay xal waara ka gaadhaan is-qab qabsi ku dhex maray Wershadii Sibidhka ee Berbera, kaasoo noqon lahaa haddii la soo saaro mid Dalka iyo dibedaba ka Iib-geli kari lahaa.

Wershada Sibidhka Berbera ayey fursado badan oo lagaga midho dhalin lahaa in dib looga shaqaysiiyaa soo mareen, balse Xukuumaddihii kala danbeeyey ayaa lumiyey dhamaantood, gaar ahaan Xiliigii Rayaale, halka Xukuumadda talada imika haysaa ay ku dhiiratay in ay dhiiri-geliso in muwaadiniin reer Somaliland ahi ka faa’iidaystaan balse markii danbe Maarayn kari weyday khilaaf ka dhashay.

Wershada Sibidhka Berbera ayaa sida ay sheegaan khubarada aadka u taqaanaa waxa ay sheegaan in ay ka tayo iyo wax-soo-saarba abdan tahay kii Carabaha iyo ka Itoobiyaba waxaanay u food saareeyaan Buuraha Teedsan dhul xeebeedka Berbera ee uu Ceegaago Sibidhku iyo khooriga Badda ee gashan, kuwaasoo u saamaxaya in si sahal ah loogu helo Suuq gayn iyo Maadooyin aan laga heli Karin Buuralayada kale sida kuwa Itoobiya.

Bilawgii Sibidhka Itoobiya soo galay goboladda Somaliland waxa uu ahaa mid kooban oo ay keeni jireen Ganacsato Reer Somaliland ahi, balse imika wuxuu isku bedelay in ay is gara ordain oo kooxiba kooxda kale ku hawayso, si ay iyadu kooto ugu xidhato, taasoo illaa maalmo dhaweyd Doodeedu ka socotay xafiisyada Dawladda kadib markii laga fara maroojiyey kuwii bilaabay.

Inkasta oo Sibidhkan Somaliland Cashuur ka heshay hadana waxa dadweynaha Reer Somaliland boog ku ah sababta ay ula soo bixi kari la’yihiin Sibidhkooda. Illaa hadana waxay dad badani isweydiinayaan sababta hor taagan Sibidhkii Berbera ee Xukuumadda Somaliland balanqaaday in ay soo saarayso, maadaama madaxweyne Axmed Siilaanyo amar ku bixiyey in hawshaas la fuliyo.

Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo mudadii ay Dalka haysay ku talaabsatay guulo dhinaca Horumarka ah ma waxa la odhan karaa haddii farsamadii hore ka xumaatay, waxa ay weyday qorshe kale oo ay uga wareegto sidii ay wax-soo-saarkaas u hirgalin lahayd maadaama Sibidhku yahay waxyaabaha ugu muhiimsan ee halbawlaha u ah Dhismaha Dalka.