Aabo Ilma uu dhalay shalay kala qaxay Cisbitaalka Hargeysa

0
69

Gabadh kal-kaaliso ah oo Irbad aanu lahayn ku muday oo halis galisay Ilmaha

Hargeysa(Waaheen) Aaabo dhalay Ilmo yar oo lagu qalay warCisbitaalka hargeysa ayaa shalay kala qaxay kadib markii gabadh Kal-kaaliso ahi Ilmihiisa yar oo bad-qaba ku muday Irbad aanu lahayn taasoo halis galisay ilmaha Yar Naftiisa.

Aabaha dhalay Ilmaha Yar ayaa arroornimadii ka tagay Ilmihiisa oo Caafimaad qaba oo ka soo baxay qallin lagaga sameeyey xubinta Taranka, isagoo u sii dhameeyey Dawooyinkii loo qoray iyo Irbadihiiba, hase yeeshee waxa mar danbe gaadhay qaylo dhaan ah halis Caafimaad oo ay sababtay Kal-kaaliso ka hawl-galaysay waadhka Ilmuhu yaalay taasoo ku muday Irbado uu lahaa Bukaan kale.

Aabaha Ilmaha dhalay oo magaciisa la yidhaahdo Yuusuf Cumar aya Waadhka soo galay waxaanu arkay ilmihiisii oo Af-ka ka xunbaynaya markii uu waraystay Kal-kaalisada ee loo sheegay waxa dhacayna inta uu miyir doorsamay ayuu weeraray kal-kaalisadii oo uu ku dhuftay wixii uu hayey, isagoo isla markiibana banaanka ula orday ilmihii.

Dhacdadan ayaa noqonaysa tii labaad ee soo shaac baxda eek a dhacda Cisbitaalka Guud ee Hargeysa iyadoo tan tii ka horaysayna sidan oo kale Kal-kaaliso caafimaad Irbad aanu lahayn ugu muday wiil yar oo markaas Caafimaad qabay kaasoo u dhintay markii danbe.

Dhacdadaas uu Ilmaha yari ku dhintay ayaa sababtay in la xidho Kal-kaalisadaas iyo Farmasiilaha Cisbitaalka Hargeysa, laakiin waxa markii danbe Saamaxay waalidkii dhalay Ilmaha Geeriyooday.

Si kasta ha ahaatee inkasta oo xaaladda Ilmaha yari ka soo raysay, hadana dhacdooyinka noocan oo kale ah ayaa khatar ku ah sumcada Cisbitaalka Hargeysa oo muddooyinkan danbe lagu majiiranayey adeegyada uu bulshada u hayo uu dibu habayn lagu sameeyey.