Kulmiye oo Qabsaday Munaasibad uu ugu dabaaldegayo Xalinta Khilaafkii dhexdiisa ka jiray.

0
126

2Hargeysa(Waaheen) Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka qaybgalay Munaasibad balaadhan oo xisbiga kulmiye ugu dabaal degayey xalinta khilaafkii u dhexeyey Masuuliyiinta Xisbiga kulmiye oo dhawaan ay xaliyeen guddi uu Madaxweynaha Somaliland u saaray oo ahayd  gudida Turxaanbixinta xisbiga, gudidaasi oo ku guuleystay in ay xaliso khilaafkii ka dhex jiray xisbiga Kulmiye.

Munaasibadan oo lagu qabtay Hoolka Shirarka ee Cali Marashal ee xarunta Xisbiga Kulmiye ayaa wax hadalo ka jeediyey Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye iyo wasiiro.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil  Cabdilaahi oo ugu horeyn hadal duco u badan ka jeediyey ayaa wax uu sheegay in guul weyni u soo hoyatay xisbiga kulmiye mar haaddii khilaafkii yara ee xisbiga ay xaliyeen.

DSC04726 1 3 4 5Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo isguna ka hadlay munaasibadasi ayaa ka hadlay hanaankii ay ku xaliyeen khilaafkii kulmiye, wax kale oo uu ugu baaqay madaxda xisbiga in ay hawsha xisbiga ay dardargaliyaan oo ay halkasi ka sii wadan “Runtii cidii uu khilaafku ka dhaxeyey may ahayn Groupo soo kala horjeeda lakiin wax kali ah ee laysku hayey waxay ahayd afkaar, runtii afkaartii iyo hadalkii laysku hayey waanu dhameynay guulbanuna ka gaadhnay, halkan waxaynu u joogna in aynu dhidibka u aasno xisbiga kulmiye wax kale oo aynu taageero buuxda siinayna hogaanka kulmiye inaga oo isku duuban, gudida xisbiga waxaan iyaguna ku boorinaya in ay dadka isku wadan idinka madaxdii ah masuuliyiintina ah marka waa in aynu caalamka tusno in xisbiga kulmiye yahay xisbul xaakimkii adag.”Ayuu yidhi

 

Waxa kale oo uu intaasi ku daray. “Aniga Xisbiga kulmiye maanta igu horeysa ee waxaan leeyahay xisbiga halayimaado, anigu waan ku faraxsanahay in aan xisbiga imaado, dadka aan lugta ka qaadeyna waan ka mid noqondoona, qofku marka uu ku cusub yahay ee xisbiga kulmiye dhismihiisa soogalo wuu yar yaabaya marka qurxina ayuu u  bahan yahay oo meel quruxbadan oo dhisan ha noqoto xaruntu.”Ayuu yidhi.

Guddoomiyaha xibiga kulmiye Mujaadi Muuse Biixi Cabdi Oo Isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu xisbiga kulmiye ka gudbay mar-xalad adag isla markaana u gudbay marxaladii horumarinta isaga oo isku badelay  hab dimuqraadiya madaxda xisbiga kulmiye. “Warbaahintu khilaafka kulmiye way jeceshay in badan bay kharash badan, iyo wakhti badan iyo xoog badan ku lumisaa Kulmiye wuu is-haysta kulmiye wuu kala dhaqaaqaya, muddo labba sanno ah waxaan idinku jawaabi jiray kulmiye wuu doodaya, dhexdiisu ka tartamayaa, laakiin wuu heshiinaya, maanta wax makhraati ah in aanu warbaahintii maragii ka helnay oo xisbigii heshiiyey, xisbiga kulmiye inta badan wax la yidhada wuu khilaaf badan yahay waa runban leeyahay lakiin qaranbaa la dhisayaa, khilaafkii kulmiyena wuu soo gabogaboobay.”Ayuu yidhi.

Wax kale oo uu intaasi ku daray “ xisbiga kulmiye waxa uu ka gudbay marxalad 2aad oo ah inuu hawlihiisa iyo xeerar u madax banaan yahay madaxdiisa isku badali karo hab dumuq-raadiya walalayaal waxa inoo balan ah in aynu dadkeen ugu adeegno wixii aynu ugu balan qaadnay barnaamijkeena iyo dustuur keen, xisbiga kulmiye maaha imika dadka mala awaalka dadka ku habaabiya waxa uu horkeenay waxa uu u qaban doono iyo hawsha uu hada ku dhexe jiro, sidaas darted madaxda xisbiga kulmiye xukuumada iyo dhamaan tageerayaashiisa waxa la gudboon dadaal badan  oo aynu ugu hawl gano sidii aynu u qancin lahayn tageera yasheena.”Ayuu yidhi.

Madaxwayne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxman Saylici oo ka hadlay xafladaasi ayaa  wax uu yidhi “waxa maanta inoo farxad ah in aynu taladii dalka hayno oo aynu soo gunaa-nadnay khilaafkii soo kala dhex galay xisbiga waxa  laynooga  baahan yahay in aynu dadka u noqon hogaan lagu daydo laguna xasuusto tariikhda somaliland, waxaanu shacabka reer somaliland gaar ahaan tageerayaasha xisbigii kulmiye u sheegeyna  inaanu jirin wax nacaybsho ah oo aanu idinka tirsanaynaa ee waxaanu idin kaga mash quulay danta guud ee qaranka.intaasi wax uu ku daray. “meel kasta oo ay tallo taallo way dhacda in bini’aadanku ku kala aragti duwanaado, oo tallo laysku qabto, laakiin wax illahay mahadi ah in khilaf kasta oo kulmiye soo kala dhex gala aanu ku kala tageyn, haaddii aan yar mahmaho wax la yidhi labba sac oo isku xidhan oo meel u wada socda, ayaa mid waliba wuxu arkay biyihii iyo wixii uu cunayey mid walba ishu halkii uu ka arkayey ayuu u dhaqaaqay, marka labbadii dhinac ayey u kala dhaqaaqen, lakiin labadoodu isku ujeedo ayey hayeen oo ah in ay biyahaasi gadhan, marka arrinta kulmiyena sidaasi ayey ayad isku dhammaan isku wada ujeedo ayey ayan balse mid walba hawsha dhinca ayu ka arkayey.”Ayuu yidhi Saylici.