Xisbiga kulmiye tartan lagama ogola waa maxay sababtu?.

0
91

Sc dhamaantiin akhristayaal manta waxa aan hadalo kooban ka odhan doonaa marxalada uu maraayo xisbiga kulmiye. Su’aashu waxay waa maxay sababta loo diiday in loo tartamo masuuliayadaha sare ee xusbiga. Sid aynu wada ognahay khilaafka kulmiye mudo ayuu soo socday walina wuu sii socdaa sababta oo ah waxaynu arkaynayaa arinka xalka la mooday in uu xalka ka fogyahay bal waxayu uwada joogi doonaa waxa ka dhasha go’aanka manta la qaatay. Hore ayaa loo yidhi lexjeco laba nin kama wada qosliso qof kasta oo caqli lihii wuu fahmayaa arimaha la garab maray ee la iska indho tiray madoonaayo in aan carabka ku dhufto.

Hadii la rabo in xal kama dambays ah la gaadho waa in runta la abaaraa inta runta la iska indho tiraayo kulmiye kilaafkiisu dhamaanmaayo shir dhacayaana ma jiro oo kolba wazaybu maqli doonaa shirkii kulmiye ayaa dib loo dhigay laakiin xaqiiqdu waxay tahay in kulmiye aanu ka baaqsan Karin dhibaatooyinkii labadii xisbi qaran ee UDUB IYO UCID ka horyimiday.

Hadaba dooda odhanaysa gudoomiyaha iyo ku xigeenadiisa lamama tartami karo macnaheedu waa madaxweynaha ayaa musharax ah, hadii dhinacyada oo dhami is ogolyihiin waxna isku raacaan dhib aad ayay u yaraan laakiin . hadii aad dhagaysatay waraysiga maxamed kaahin ee Axmed Siciid ka qaday su’aalaha la waydiiyay waxa ka mid ahaa hadii aad dimiqraadiyad ka jirto kulmiye  maxaa loo diiday tartanka maxamed kaahin wuxuu kaga jawaabay isqabsiga kuliye ayaa dimuqraadiyad ah. Waa arin aan aad ula yaabay nooca dumuqraadiyada kulmiye ka jirta waxaan xauustaa dhacdadii lagula kacay ina c/qaadir  cajiib cajiib ninkii noolow maxaa aragti kuu laaban.

 

Waxba wado iyo guryo wasaradeed dhaqaale waxba kama badali karaan hadii baadhitaan lagu sameeyo heerka shaqo la’aanta ,sixirka bararka iyo mushkiladaha dhaqaale waxay marayaan halka ugu saraysa dadkii u xilsaarnaa waxay ka shaqaynayaan wax aan shaqadoda ahayn sida wasiirka maaliyada.

 

Xalka sida aan u arko: dowlada hada joogta wakhtigeedii wuu dhamaaday dadku ha u diyaar garoobaan in ay codkooda ku badalaan oo la doorto dowlada cusub oo wadanka horumar la taaban karo gaadhsiisa.

 

Mustafe Hassan

Mustafa.143@hotmail.com