Talibaan oo dilay 20 ka mid ah Askarta Afghanistan.

0
87

Taliban-attack-400x225Afghanistan(Waaheen) Xoogaga Ururka Talibaan ayaa weerar gaadmo ah ku dilay  20-kamid ah Ciidamada  dalka Afghanistan.

Askartaan ayaa lagu dilay bar kontrool oo ku yaalla gobolka Kunar, waxaana uu u dhow yahay xadka Afghanistan uu la wadaago Pakistan,

Dhanka kale kooxihii Taliban ka tirsana  ee soo  weeraray ciidamadaasi ayaa iyna la  dilay.

Afhayeen u hadlay kooxda Talibaan ayaa sheegay in ay nolol ku qabteen todobo askari

Madaxweyne Hamid Karzai oo la filayay maanta oo axad in uu safar ugu baxo dalka Sri Lanka ayaa baajiyey taas oo la xiriirta weerarkaan, waxaana uu cambaareeyay weerarkaan. Arrintaan oo imaanaysa xilli wada hadal u dhaxeeya Talibaan iyo Dowladda aan wax natiijo ah kasoo bixin.

Doorashooyinka madaxtinimada dalka Afghanistan ayaa la filaaya bisha soo socota dhacdo.