Dhibaatooyinka iyo Dareenka Quusta ah ee Saameeyey Haldoorkii Dhalinyarada Somaliland ee dhameystey 80-ka dugsi sare iyo 17-ka Jaamacadood ee JSL / Qalinkii A/rahman fidhinle‏

0
106

halinyarada S/land ee da’doodu tahay 18 ilaa 28 jirka oo ah cimriga qofka ibnu-aadamka  ugu muhiinsan ee uu qofku mustaqbalka noloshiisa uu  salka u-dhigo ee uu meel-ku-hubsado ayaa Somaliland aad u-dayacan oo marin-habaabsan oo aan ceelna-u-qodneyn cidina u-maqneyn. kadib markii ay xukuumada Siilaanyo ay aduun iyo talo midna u-huri weydey  ee ay ku fashilantey in ay qorshe qaran u-sameyso dhalinyarada jaamacadaha ka qalin jebisa. Waxaa aan indhaha laga qarsan karin ee ugu darani waa dhalinyarada soo kala dhameysata 80-ka dugsiye sare iyo 17- ka Jaamacadood ee Somaliland ku yaala. Dhalinyaradaa oo iyagu dhinacooda ka dadaaley ka dib markii ay waxbarashadoodii ku soo dhameeyeen duruufo kala duwan oo aad ugu adkaa.

-Waxaa dhalinyarada Somaliland saameeyey dareen quus ah oo ay naftoodii is-weydey ka dib markii ay xukuumada Siilaanyo ay kaga baxdey balan-   Qaadyadii afka baarkiisa ahaa ee ay u-balan qaadey waqtigii ay doorashada  ku jirtey  iyo 3 dii sanadood iyo badhkii ay doobineysey ee ay dhibi-shaxleyneysey ee ay boobtey hantidii yareyd ee dhalinyarada waxloogu qaban lahaa.Waxaa fadeexad qaawan iyo ceeb aaney xukuumadu iska maydhi karin ku ah balanqaadkii ay dhalinyarada dugsiyada sare dhameysata ay ugu balan qaadey mashruucii Gurmadka Qaranka ee uu madaxweynuhu afkiisa kaga dhawaaqey ee hadana uu kaga baxey dhalinyaradii balantii ay u-qaadeen xukuumad ahaan. Waxay ku noqotey dhalinyarada Somaliland  murugo xuuustooda iyo quluubtooda ku duugan markii ay hadana xukuumadu shan laabtey miisaaniyadii qaranka ee ay gaadhsiisey ilaa $ 22 ka Millyan ee hadana aaney waxaba uga qoondeyn dhalinyadarada waxbarashadooda soo dhameysa ee JSL oo iyagu  ah mustaqbalkii wadanka ee berito wadanka hogaamin lahaa.

-Waxaa dhalinyarada ka qalin-jebisey Jaamacadaha wadanka taabatey oo saameysey cadaalad darada, wax-is-dabo marinta, musuq-maasuqa iyo qabyaalada dulaca furatey ee ay xukuumada Siilaanyo la-sibiq -dhaqaaqdey sadexdii sanadood iyo badhkii ay qawdhameysey  ee ay qaldhabeysey ee  ay ku  jeedey habaqleysiga, hormo qamaamka, malabsiga iyo fadhateysiga hantidii yareyd ee dhalinyarada shaqooyinka loogu abuuri lahaa ama mashruuca gur-madka qaranka loogu fulin  lahaa.

-Dhalinyarada Somaliland oo ah bulshada somaliland badankeeda laguna qiyaaso 65% ayaa waxaa si ba’an u-saameeyey sanadahan danbe

 duruufaha is-dabo-yaaca ah ee  dhaqan-dhaqaale,  duufaanada dabin isu maleega ah ee siyaasadeed, qabyaaladeed, eexda iyo qaraabo kiilka xadhkaha goostey, taas oo dhaxalsiisey dhalinyaradii fursad la’aan, taba-bar-la’aan, shaqo la’aan, talo la’aan, mada daalo la’aan dhamaan wadanka ku baahsan oo aaney xukuumadu xil-iska saarin sidii ay u-wajihi laheyd una maa-reyn-laheyd qorsheyaal ku qotoma si dhalinyaradaa shaqooyin loogu abuuri lahaa loona wacyi gelin lahaa.

Markii ay xukuumadii iyo golayaashii qaranku ay  noqdeen isku daneystayaal is-xanbaar ah  ee  la is xisaabin waayey ee xilalkii loo kala igmadey ay gudan waayeen ayaa maatidii, wax-ma-garatadii iyo dhalinyaradii qalin jebisey iyo hal-doorkii wadanku ay intuba dayacmeen oo niyad jab iyo  tahriib-miciinsadeen oo badaha isku halaageen. Waxa waxgaradka wadanku isku raacey iska daa miisaaniyad  wax loogu daree  in lacagaha madaxtooyada ku soo qul-qulaaya qeyb ka mid ah oo keliya in shaqooyin  loogu-abuuri karo sida in yar oo ka mid ah lacagta Dekeda, lacagta Haamaha, lacagta Majraxyada xoolaha marka xooluhu furan yihiin, ama lacag loogu daro sanduuqa Somaliland Trust Fund, lacagta maraakiibta kaluunka laga qaato, Lacagaha badan ee budhcad badeeda iyo maxaabiistooda lagu qaato, lacagta dilaalnimada iyo xaqal-qalinka looga qaato shirkadaha badan ee sahamiya batroolka, gaasta iyo hantida maguuraanka ah ee wadanka.lacagahaas tirada badan oo aan soo marin sife sharciga waafaqsan iyo wasaaradii maaliyada oo aan hadana ku jirin misaaniyada qaranka ee si qusum iyo qoon ah loogu tagri falo oo loo lunsado waana xaaraan maqdac ah hadii ubadkii iyo ubaxii wadanka u-soo kacayey ay ka sooman yihiin iyaga oo idhooda ku arkaaya boobkaa qaawan ee camis-yaa-shamiska ah.

 

Alleh ayaa Mahad leh,
Waa-Lahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Towfiiq
Wehelkiin Waa Alleh & Nebi (scs)
Qalinkii A/rahman Fidhinle
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London