Madaxweyne Siilaanyo Iyo Cirro Laba Kala Fog.. C/xakiim A. Cali (Qalinmaal)

0
97

Taariikhada ayaa ah tan kala saarta aadamaha, kan waxtarka leh iyo kan iska fadhiyay ama hagardaamada ku hayay bulshada marka wakhtiga adag lagu jiro.

Waxay ina maqashiisa maalayiin qof oo caalamka kaga jiray kaalin fiican ama liidata kuwaas oo lagu kala sheego geesi waxtar leh ama keligii taliye lagu jabay. Ujeedaduna waa in midna lagu daydado, kan kale laga durko ficiladiisa aan waxyeelo mooyee lahayn waxtar.

Qiimaynta iyo cabirka (Evaluation) ayaa ah inta badan noqda mid run marka hawshaasi dhamaato, … laakiin inta lagu gudo jiro waxa dhacda in siyaabo kala duwan loo qiimeeyo.. kan sida fiican ah ee dhinac wanaagsan wax aka eegaya ayaa ah kan dhiirigelinaya kuwa dadaalka ku jira, laakiin kan xasadka ah ee danihiisa ka dhex baadhaaya hawsha socota ayaa niyad jabka iyo wareerka inta badan keena, hawlahan inuu fashiliyo isku daya.

Qiimaynta aan sida cadaaladda ah loo qaadin ayay ka dhalataa in dadaalkii, halwkarnimadii, geesonimadii, deeqsinimadii ku jirtay xubnaha dadaalaya ay hoos u dhigto ama joojisaba. Qiyaasaha ka fog waaqaca dhabta iyo cadaaladda ayaa ah mid uu gaar ah qofka dhinaca liita wax ka eega (pessimist).

Marka la is barbar dhigayo madaxweyne Siilaanyo iyo Gudoomiye Ciro, waa arrin aan ku fadhiyin cadaalad iyo run, waxay ku qotontaa caadifad iyo qof jeclaysi. Madaxweyne Siilaanyo 1982 ayuu halgankii ummadan ka qaybgalay ilaa maanta wuxu u shaqaynayaa bulshadiisa Somaliland. Xaqaa’iqa iyo runtuna waxay inoo cadayeen in xukuumadda Axmed Siilaanyo aanay waxba ka hagaran bulshadeeda, dhinac amaan, iyo dhinac horumarka midna. Mudadaii 4 sano ahayd ee uu madaweynaha ahaa wuxu qabatay waxay ka dhex muuqdaan dalka,… Marka la barbar dhigo xukuumadii ka horaysay, oo weliba ka muddo dheerayd haddana dhinac waxqabadka aad ayay u kala fog yihiin marka miisaanka ka madhan qof jeclaysiga iyo danaha gaarka aha  la saaro.

Guddoomioye Ciro wuxu siyaasaadda Somaliland ku soo biiray 2005 maarkii loo doortay gudoomiyaha baarlamanka, maanta oo ay ka soo wareegtay 9 sano, wax horumar oo uu ku  sameeyay ma jirto, weli waxay taagan yahay la igama qaadi karo gudoomiyaha wakiilada , xataa haddii golaha badankiisu mooshinkaasi wataan, haddii lagu adkaystana waayo waxay saamayn ku leedahay amniga guud ee Qaranka.

Wakiilada kama doodaan sidii loo horumarniyo dhinacyada caafimaadka, waxbarshada, Beeraha iyo kor u qaadka dakhliga Xukuumadda, iyo yaraynta shaqo la’aanta. Dhamaan hawlahaasi waxy ku keliayaysteen xukuumadda. Kuwan waxay u baahn yihiin in marka hore ay helaan hogaan ku baraarugsan dalka iyo horumarkiisa oo aanay ku weynayna ilaalinta kursiga.

Mudadaas dheer Cirro wuxu isku deyay inuu kursiga fadhiyo waxna haw qaban , qawda maqashii … Awood aan macno balaadhan lahayn ayuu isku deyay inuu sii kordhisto isagoo labadii gudoomiye riixay oo yareeyay awoododu..

Madaxweyne Siilaanyo maalintii la joogay Balliguabdle ee xilka uu SNM uu wareejinayay muu keenin buuq iyo qaylo iyadoo xaaldu weliba xumayd… Maantan Cirro markii golihii aqalabyidiisu israacday wuu ka xidhay wuuna diiday inuu furo ilaa ay tiisa noqoto.  Sidee ayaa nin aan ogolayn in dooda kursiga golaha uu u higsan karaa madaxweyne .. mase  ogolaanayaa inuu qabto doorasho xor ah… maya.. maya tii jagadii ka hoosaysay ayuu diiidayaa side ayuu mid uu awoodeeda leeyahay u qabanaya.?

labadiisi gudoomiye ku xigeen weydiisteen inay isku mid noqdaan wuu ogolaan kari waayay, mana tixgelin mudadii ay gudoonka wada hayeen.

Siilanyo waxa lagu xusuusanyaa :

1-      Hogaamiyihii Halgankii SNM ugu mudada dheera.

2-      Baarlamnkii SNM

3-      Baralamniik Somaliland

4-      Wasiiro kala duwan ( Wasiirka W.Maaliyadda xafiiskedd iyo qalabkeed dejiyay)

5-      Gudoomiye Xisbi mucaarid oo u halgamay badbaainta ummadad, kagana tanaasulay kursiga 80 cod oo muran ku jiray…  Halgana u galay  sidii loo heli lahaa xukuumada isbixisa oo waxtar leh. Eng. Maxamed Xaashi Cilmi wuxu sheegay haddii aan dawladii Riyaale la bedelin in dalku dumi lahaa… waayo waxa ku taagnayda deyn aan xad lahayn oo maamul xumo keentay.

6-      Madaxweynaha Somaliland oo qabtay hawla balaadhan.

–          Bixinta daymihii dawladii hore bixin kari weyday oo aad u badnaa.

–          Dhisidda wadooyinka iyo dhismayaasha dawladda.

–          Derejooyinkii ciidamada

–          Waxabarshada bilaashka ah

–          Kordhinta mushahaarooyinka,

–          Qabshada doorashdii D/hoose.

Haddii taarikhda uu geesi leeyahay la qariyo ama lala simo mid aan taariikh fog oo waxtar leh lahayn, waxaad niyad jebinaysaa inta ku hawlan dadaalka wadaniyadda aha.

Lama  simi karo Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Guddoomiye C/raxman Cirro,  iyadoo kuwo ay caadifadda iyo qof jeclaysigu madax maray ay ku dhawaaqayaan inuu C/raxmaan Cirro yahay mid Axmed Siilaanyo ka waxtar badan. Ma sheegayaan mana tilmaamayaan wax uu ummadan u qabtay waa hadal iyo isk dheh…

Yaa garan kara sida ay wax u qiyaasayaan… iyo Miisaanka aya saarayaan..? Odayga 82 Mudane aqlabiyadoodii kasban kari waayay, ee diiday…Sidee u ogolaan karaa jago weyn inuu baneey,o

Shaacir carbeed ayaa yidhi:

“ Runta iyo kalsoonida ayaa lagu gaadhaa  guusha”

“ Beenta iyo xasadkuna ma gaadhsiiyo qofka meel sare”

Wa bilaahi tawfiiq