Ma ogtahay shacab-yow waxaan ogahay

0
110
badmaaxHadaba ayadoo reer galbeedku doonayaan inay ka midho dhaliyaan soo celintii dalkii laysku odhan jiray Somaliya ayaa xukuumada Axmed-siiraanyana waxay rumaysatay sheekada maaweelada ah ee ay reer galbeedku dhegaha inoogu ridaan ahna(Si gaar ah ayaa laydiinla macaamilayaa).Taana iga dheh dhallaan habaabis.Waa xaqiiqa.
Horta taa waynu isla fahamnay inuu aduunku u guntaday midaynta Somaliya oo ay ku jirto Jamhuuriyada Somaliland.Balse xumuumadan ka talisa dalkan Jamhuuriyada Somaliland waxay gashay dhawr sannadood oo asqo ah,shacabkana ay ka marin habaabisay jidkii raadinta aqoonsiga.Aan qaybo u kala qaado qaabka ay xukuumadu ugu jirto asqada:
 
Arrimaha Gudaha:

Xukuumada Madaxweyne Axmed-siiraanyo markay tidhi(Container ku jiri mayno ee waa inaynu Somaliya la yeelanaa wada hadalo) ayay ka leexatay jidkii aqoonsiga.Waayo,waxay lumisay qodobadan:

1.Xaqiijintii ay reer galbeedku inoo aamini lahaayeen.

2.Xidhiidhkii diblumaasiyeed ee aynu la lahayn reer galbeedka.

3.Wasaarada arrimaha dibada,wasaarada arrimaha gudaha oo uu amniga dalku hoos tago oo mid waliba iskii xidhiidh ula leeyahay reer galbeedka,gaar ahaan uk.

 
Waxa intaa raaca reer galbeedku aragti ka duwan sidaynu isu aragno ayay qabaan.Waxay inoo arkaan khatarta ka jirta Soomaaliya inay dalkeenana ka jirto ilayn inama aqoonsana eh.Dalkana ay u joogaan cid u qaabilsan amniga.Waana ta keentay uk inay daljirayaashooda uga digto J.Somaliland iyo Somaliya.Xukuumada Axmed-siiraanyo taasi uma muuqato oo waxay kaga dhegtay uun dalkayagu waxa ka jira nabad.
 
Arrimaha gudaha:
Markaynu si dhab ah uga hadalo wada shaqaynta ciidamada amniga dalka qaabilsan oo hoos yimaada wasaarada arrimaha gudaha ma nidaamsana wada shaqayntoodu.Waa marka aynu ka hadlayno wada shaqaynta diblumaasiyadeed iyo amniga ee wasaarada arrimaha dibada.Tani waxay abuurtay reports is-barbar cararayaa gaadhaan xafiisyada amniga iyo xafiisyada qunsuladaha reer galbeedka iyo itoobiya.Waxa kale oo taa barbar socda waxa jirta ka soo qaad berbera xeebta bari ka xigta oo ilaa 300km ah inaanay jirin ciidan joogto u ilaalisa, waxaana jira doonyo yamini-yiin ah oo ganacsi la leh ganacsato degaanka ah,waxa laga soo dejin karaa hub dalka iyo jaarkaba halis ku ah amnigooda.Xuduudka dheer ee aynu la leenahay Soomaaliya isaguna wuu dayacan-yahay sidaynu ognahay,tanina dhinaca amniga layskuma halayn karo.Tanna waxa reer galbeedka uga dhex muuqda amni darro balse uu yaryahay dhaq-dhaqaaqooda.Waxyaabahaa ayaa keenay inay uk uga digto daljirayaashooda inay tagaan Somaliya iyo J.Somaliland.Waayo iyaga dadkoodu qiimo culus ayuu ugu fadhiyaa.Xukuumadeenana waxay kaga dhegtay uun dalku waa nabad balse muddada ay hayso hogaanka dalka waxay fahmi la’adahay jidadka ay sare ugu qaadi lahayd diblumaasiyada iyo xidhiidhka aynu la leenahay uk iyo reer galbeedka.
 

La Soco…………

Xuseen Xasan Badmaax

Hargeysa/JSL