Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland oo Heshiis hordhac ah la saxeexatay Shirkadd Shiine ah

0
125


IMG-20140221-01532Hargeysa(Waaheen) Wasiirka wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Eng: Xuseen Cabdi Ducaale ayaa maanta Xafiiskiisa Hargeysa kula saxeexday Heshiis hordhac ah kula Saxeexday Shirkad Shiine ah oo la yidhaahdo GUANGZHOU DONGSONG ENERGY GPOUO CO LTD.

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland oo ka hadlay kulanka ay maanta ku kala saxeexdeen Heshiiska Hordhaca ay ayaa sheegay Shirkaddani in ay ka hawl-gasho Afar Dal oo Afrika ah oo ay ka wadaan hawlo Macdan qodis ah isagoo sheegay Somaliland in ay noqonayso dalkii shanaad ee Afrika ah ee Heshiis la gala Shirkaddan DONGSON GROUP.

Wasiir Xuseen waxa uu sheegay shirkaddani in ay la soo xidhiidhay kadib markii ay Xog ku filan ka heleen isla markaana ku qanceen khayraadkeena taasoo ay ka heleen warbixintii uu ka jeediyey Shirkii Caalamiga ahaa ee lagaga hadleyey Macdanta ee toddoba iyo tobanka Wasiir ee Wasaaradaha Macdanaha Afrika oo ay Somaliland ka mid ahayd, kaasoo Somaliland u ahaa fursad ay ku bandhigtay Khayraadkeeda.

IMG-20140221-01535

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in ay muddo laba maalmood ah dalka joogeen wefti ka socday shirkada ay Heshiiska la saxeexdeen maanta isla markaana ay soo tuseen magaalo xeebeeda Berbera iyo meelo kala duwan, isagoo sheegay in isla maanta ay dhoofayaan, iyagoo martiqaad rasmi ah Wasiirka iyo masuuliyiinta wasaaradda u fidiyey kaasoo ay dhawaan ugu bixi doonaan safar Dalka Shiinaha.

IMG-20140221-01544

Wasiir Xuseen Cali Ducaale waxa uu sheegay in Heshiiska hordhaca ah ee ay la saxeexdeen yahay mid ay ku hawl geli doonto shirkaddani marka ay Shiinaha ka soo noqdaan, isla markaana ay ku baadhi doonaan Macdanta Dalka ku jirta, iyo waliba in ay Tamar ina siin doonaan, iyagoo Dhuxul dhagaxdana inoo sifayn doona.

Mao Jie oo ah sarkaalka labaad ee shirkadda DONGSON GROUP isla markaana ah madaxa Xisaabaadka shirkadda oo ka hadlay munaasibadii ay wasiirka ku kala saxeexanayeen Heshiiska Hordhaca ah ayaa soo dhaweeyey Heshiiskan, waxaanu balanqaaday in ay shirakaddiisu danaynayo Somaliland, isagoo mudadii koobnayd ee uu Dalka joogay ku sifeeyey Dal Dihin oo ay Maal-gelin ku samayn karaan in uu yahay.

Mr: Mao waxa uu si niyad samaan ah u soo dhaweeyey Dalka Somaliland iyo Mujtamiciisa oo uu ku tilmaamay kuwo u socda dhinaca Horumarka, waxaanu si kalsooniyi ku jirto u sheegay in ay kaga dhabayn doonaan in ay Khayraadka Dalkan soo saari doonaan.

Labada dhinac ayaa gabagabadii shirkooda si rasmi ah u kala saxeexday Heshiis Hordhac ah oo aas aas u noqon doona mustaqbalka wajiga labaad in ay ku kala saxeexan doonaan mid rasmi ah.