Qarnigii Beenta. Haduu Qofku Been, Dugsado Baqaa Lagu Xeeriyaa Axmed Adan (Qalinmaal)

0
127

Siyaasaddu waa kalsooni iyo curin, waana barasho maamul bulsho oo dhinac kasta ka dhamystiran.  Inskastoo siyaabo kala duwan loo fasiro macno ahaan waa habkii iyo nidaamkii loo hogaamin lahaa bulsho.

Runta oo laga leexdo iyadoo loo hanqal taagayo been, weliba ay dheertahay in lagugu khasbo rumaynteeda ayaa horseeda nolosha adag iyo daaladhaca dhaqaale. Ka leexashada runta iyadoo maaweelo laga dhiganayo been iyo fikrado aan asal ahayn oo ka fog xaqiiqada iyo waaqac jira ayaa ku abuura calool xumo iyo ciil uu kula dhaco kan baahinaya kuwa diida inay rumaystaan beenta iyo  dacaayadda daadka ah.

Halkaasi ayay ka soo muuqatay in xaqiiqda iyo runta oo lagu dheganaado ay tahay tan aan cidina ka maarmi karin ee wax kasta lagu gaadhi karo.

Kooxaha mucaaridka kala hadafka ahi waxay ku dhawaqayaan waa been , waxayn khasab inagaga dhigayaan inaan rumaysano dhawaaqooda joogtada ah.

Waxaan ku jira qarni ay beentu soo butaacayso, runtu ay ka dambayso.  Xukuumaddu waa inay olole ku qaadaa sidii ay runtu u horayn lahayd oo beenta qadiman ay cidhiidhi u gelin lahayd… Maah in markasta marka ay  mucaaridku hadlaan loo jawaabo, taasi ah inay runtu ka danbayso.

Warbaahintu waxay qoryasaa ama sheegaysaa wixii iyadu ay rabto , mar hadaanu jirin sharci iyo xeerar qabanayaa. Dunida weligeed may dhicin warbaahin si xor ah wax kasta u sheegtaa… mid kasta waxa hagaya hadaf iyo ujeedo ka danbaysa oo qarsoon (Hidden political).

Markii uu Cumar Binu Khadab (RC) islaamay ayuu jeclaystay in dadka reer Maka wada maqlaan inuu islaam noqday wuxu u tegay nin Maka uu iclaamin jiray hadba wax cusub oo  codkiisa dheeraa oo la wada maqli jiray. Amiir Cumar Binu Khadab (RC) markii u sheegay wuu ka ogolaaday, waan maqashiinayaa ayuu yidhi reer Maka wuxu ku dhawaaqay ninkii eraydan :” Cumar Binu khdaba wuu hoogay” , sidaas ayuu hadalkiisa isaga watay Cumar Binu khadaab wuu daba socday waxaanu ka daba lahaa :” Maan iilan oo maan hoogin ee waan Islaamay”.

Warfidiyeenka faafinay war aan jirin oo aan xaqiiq ahayn iyo kan siyaasadda u fahmay beenta ayaa qarnigan ka dhigaya mid beenta la dugsanyo, waxay siyaasadda ugu yeedhaan Dirty game.

 

Odhaahda runta ahi waa inaad ka fogaato beenta iyo siyaasadda shakhsi nacaybka ah ee ka soo butaacaysa kooxo Kala ujeeddo laakiin ka midaysan sheegidda beenta iyo dacaayadda aan raadraaca lahayn.  Ujeedad u waa odhaahdan odaygii Ingriis ah  yidhi :

 “The duty of an Opposition is very simple… to oppose everything, and propose nothing.”

 

Waxba ma hayaan , waa inay xukuumadda mashquuliyaan dadka been ku jahawareeriyaan.Kan beenta sheegaya mar kasta waxa ku jira cabsi joogto iyo werwer inay soo shaac baxdo ah runtii ridi lahayn hamiga iyo hadalka beenta ah ee uu qarsanyo. Waa tan Abwaanku lahaa:

 

Hadduu qofku been dugsado

Baqaa lagu xeeriyaa

Bahduu ka curyaamayaa

Wax baydadiyaa eryada

Cishaba babisaa hor taal,

Waxaan ku soo xidhayaa xadiiskan :

Wuxu Rasuulku Allah (SCW) yidhi : “laba nin ayaa xalay ii yimi waxay igu yidhaahdeen kii aad aragtay ee dhabankiisa jeexjeexayay waa beenaale , beenta uu sheega meel kasta ayay gaadhaysaa, sidaas ayaa lagu samaynaya ilaa maalint qiyaamha”

WA BILAAHI TAWFIIQ