Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka Qorulugud ah oo lagu xidhay Hargeysa

0
78

 

Hargeysa(Waaheen) Laba Xildhibaan oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Qorulugud ayay maanta Ciidanka Booliisku xabsiga u taxaabeen kadib markii khilaaf gaadhay gacan ka hadal iyo af-lagaado soo kala gaadhay Xukuumadda iyo Maamulka Gobolka Buuheedle.

Xildhibaanada la xidhay oo la kala yidhaahdo Xirsi Raygal Warsame waxa uu ka soo jeedaa Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani iyo xildhibaan Cismaan Jiciir oo ka soo jeeda UCID, waxa ay ka yimaadeen Degmadda Qorulugud waxaanay hargeysa u yimaadeen muran u dhaxeeya iyaga iyo Maamulka Buuhoodle oo ay isku haystaan Lacagta Kabka ah ee ay Dawladda Dhexe siiso.

Xildhibaanada la Xidh xidhaya ayaa ka koobnaa illaa toddoba Xildhibaan kuwaa oo lixda kale ka soo jeedaan Xisbiga Kulmiye, balse kuwaas oo qayb ka ahaa dagaalka kooxdan loo xidhay laguma darin, waxaanu sarkaal sare oo ka tirsan Xisbiga Wadani ku tilmaamay in si gaar ah Xildhibaanadooda Mucaaradka ah loo beegsaday maadaama isku dan ay ahaayeen kuwa Kulmiye.

Khilaafka keenay xadhiga ayaa ka dhashay kadib markii ay ku doodeen saamigii ay ka heli jireen Lacagaha Kabka ah ee la siiyo degmooyinka Darajadoodu tahay B,C iyo D, kuwaas oo ay la qaybsadaan degmooyinka kale ee Gobolka Buuhoodle, waxaanay kooxda la xidh xidhay ku doodaysaa in kharashkooda la siiyo, balse sida wararka ka soo baxayaa sheegayaan waxay kooxda kale ee Reer Buuhoodle-na ku doodaysaa in ay xaq u leedahay saami ka badan inta Reer Qorulugud doonayaan.

Wasaaradda Arrimaha gudaha oo masuul ka ah Lacagaha Kabka ah ee la siiyo golayaasha deegaanka ayaa maalmahanba ku mashquulsanayd sidii xal lagu furdaamiyo murankan ay u keeni lahayd, balse waxa ay gaadhay arrintu in labada kooxood ee is haystaa mid ba waxa uu doonayo mooyee tanaasul kale muujin waayo.

Si kasta ha ahaatee labada Xildhibaan ee la xidhay ayaa ku jira Saldhiga Dhexe kadib markii muran xoogan oo gacan ka hadal gaadhay ay ka dhex sameeyeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha.