wasiirada Xukumada Siilaanyo Tayo la’ aan iyo musuqmaasuq ayay isku darsadeen!‏

0
76
Marka hore waaan salaamayaa  dhamaanba  bahda  saxaafada  guud  ahaan  gaar  ahaaan.
Madaxweyne siilaanyo oo  loo  hanweynaa  ayaa  aad  looga  niyad  jabey  ka  dib markii  uu  gole  wasiiro  ah  oo  huubo  iyo weel  madhan  ah  soo  xushey  balse  markii  hore  waxaa  ka  dhex muuqday  xubno  mudakar  ah  ooy  ka mid  ahaayeen, wasiirkii  arimaha  gudaha, dr gaboose, maxamed  xaashi  cilmi, dr  sacad  cali  shire, dr  Xusseen  xoog, balse  wax  yar  ka  dib  ayuu  xubnahii  muhiimka  ahaa  cowda  u  jirey  isagoo  meesha  isgu  soo  reebey  intii  aqoonta   iyo  dadnimada  ka  qaawaneyd.
Hadaba  kaaga  darane  waxey  wasiiradan  kala  ah, wasiir  xirsi, samaale, maxamuud  xaashi, xuseen ducaale, ku  sifoobeen  hanti  boob, iyo  in  ay  xoolahii  ummada  xalaashadaan  oon  cidiba  waxba  ka  weydiin, wasiiradan  aan  magacaabey  ayaa  qarkood  wadamada  dibadaha  waxey  ka  iibsadeen  guryo  qaali  ah  iyo  hargeysaba,  ha  ugu  horeeyaan  wasiirka  maaliyada iyo  wasiirka  duulista  iyo  hawada  oo, la  sheegey  in midkastaa  uu  guryo  ka  gatey  dalal  somaliland  dibada  ka ka ah, sida  wasiirka  maaliyada  oo  isagu  hore  guryo  uga  iibsadey  hargeysa  qiimahoodu  sareeyo  ayaa  hadana  guryo  kale  ka  gatey  dalka  kenya, halka  wasiirka  duulista hawada  maxamuud  xaashina  guryo  ka  iibsadey  dalka  britain.
Eadahaasi  iyo ku  kale  oo  fara  badan  ayaa dul  hoganaaya  wasiirada  siilaanyo  ee  xaaraanta  iyo  xoolaha  aaney  habeena  u  dhidid  ka  taajirey ee  uu  siilaanyo  sida  cad  ugula  shuraakoobey  in  ay  hantida  ummada  hadh  iyo  habeenba  boobaan!!
Guuladarada  ugu  weyn  waa  qasaarahii  ay  dadku  ku  qasaareen  doorashadii  siilaanyo  oo  isagu  markaliya  Xagasha  xumada  iyo  eexda  qabyaalada  wareejiyay 90 degree, ummadiina  mar  kaliya  ay  wada  reer  hebel  iyo  qabyaalad cusub  la  galiyey.
Shacabka  reer  somaliland  maxaa la  gudboon?  waxaa la gudboon  in  ay  ka ilbaxaan  nin  xoolaha  ummada iska  daaqa  oon  lala  xisaabtamin  waana  in  aan  goobaha  bulshadu  isugu  timaado  lagu  ceebeeyaa  wasiirada  xaaraan  ku  naaxa  ah  iyo  madaxweynaha xilkiisii  gabey  ee  siilaanyo, golaha  wakiilada  somaliland  waxaa la  gudboon  in  ay  siilaanyo  ku  soo  oogaan  xatooyo  xoolo  dadweyne  iyo  xil  gudasho  la’aan, shacabka  somaliland  waa  in  uu  taageeraa  golaha  wakiilada  somaliland.
Qore: Tahir hussein.