Qoraa Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad) oo walaac ka muujiyay dhakhaatiir aan takhasus lahayn oo dalka buux dhaafiyay iyo talooyin ku socda wasaarada caafimaadka iyo bulshadaba W/Q: Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)

0
51

Marka hore ILAAHAY BAA MAHAD LEH isagoo inoo suuro galiyay in aynu soo gudbino wixii aragtideena ah intaa ka dib waxaan salaamayaa dhamaan umada reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan iyo bahda saxaafada ee ku hawlan siday cidkasta oo somaliland ah u soo gaadhsiin lahaayeen dhacdooyinkii u dambeeyay ee dalka ka socday saacad saacad, iyo sikin sikinba . iyagoon ahayn dad faaido doona laakin u shaqayeeya si volunteer ah ama bilaasha .

Dhakhaatiirta dalka buux dhaafiyay ayaa noqday qaar u soo shaqo tagay dad masaakiina oo aan awood u haynin inay tagaan dhakhtaro private ah kuwaas oo intooda badani aanay lahayn waayo aragnimo ku filan iyo aqoon sax ah oo lagu aamini karo qof xanuunsanaya.
Somaliland waxa ku sii badanaya dhakhaatiir aad u fara badan oo dalka maalinkasta ka samaysanaya dhakhtaro cusub iyagoo bixinaya ogaysiis casriya oo ay ku soo jiidanayaan bulshada u baahan daaweyn iyo caafimaad labadaba .
Hadaba waxay dadku maalinkasta maqlaan dhakhtar cusub oo la furay iyo qalab casriya oo la keenay
Iyagoon soo marin wasaarada caafimaad iyo cida ku shaqada leh hubinta iyo ruqsad siinta , waxa in badan dadku ku hungoobaan inay helaan caafimaad iyo dhakhaatiir wanaagsan oo wax ka tara caafimaadkooda ay la il daran yihiin, waxaan in badan la kulmay dad badan oo ka qayb galay dhakhtaro cusub oo dalka laga hir galiyay kuwaas oo ku hungoobay inay ka helaan dawooyin iyo caafimaadkii ay is lahaayeen waad ka helaysaa inkastoo ilaahay hayo caafimaadka iyo cudurka hadana waxa ay dadku sameeyaan dadaalo aad u badan kuwaas oo meelo badan oo dunida ah u mara sidii ay heli lahaayeen caafimaad buuxa. Si kasta oo ay tahay wali dalkeena somaliland xaga caafimaadka wax badan ayaa ka maqan waxaana kaw ka ah technolojiyada oo aanay la socon dadkeena caafimaadka ku shaqada leh iyagoo intooda badani xooga saara sidii ay daaweyn kaliya u siin lahaayeen xitaa waxa inaga maqan oo aynaan lahayn consultant kuwaas oo markasta talooyin siin lahaa qofka bukaanka ah.
Marka aa du fiirsato dhakhtarada kala duwan ee dalka ku yaala intooda badan waxa jira xaalada adag oo aanay dalka waxba kaga qaban Karin kuwaa soo loot ago ethopia iyo wadamada jaarka taasna waxa ka wanaagsan in aynu wax kasta oo aynu awood u leenahay keensano dalkeena si aynu u badbaadsano dadkeena bukaanjiifka ah oo intooda badani u dhintaan daryeel la,aan iyo daawo la,aan baahsan oo haysata . dalka waa ay joogaan dhakhaatiir wanaagsani laakin waxa ku badan inta hoos yaacaysa ee aan lahayn waayo aragnimo iyo aqoon ku filan taasna waxa sababay xisaabtan la,aanta aan lala xisaabtamayn ee u baahan in si joogta loola socdo dhakhtar kasta oo dalka laga furay iyo sidii looga war hayn lahaa.
Masiibada ugu daran ee aan arkay waxa ka mida waxa dalka yimaada dad ajaaniba oo aan aqoontoodu fiicnayn kuwaa soo sheegta dhakhtaro kala duwan , hadaba yay tahay inay la xisaabtamaan oo ay waydiiyaan takhasuskiisa iyo ujeedadiisa uu yimid dalka , runtii waxa jira ujeedooyin badan oo ka dambeeya sababta oo ah dadka ka yimaada wada yurub iyo maraykan waxay intooda badan sheegtaan dhakhtaro , waa maxay sababta loo heli waayay engineero ee ay u noqdaan dhakhtaro inkastoo labaduba waa engineerka iyo dhakhtarkubee ay muhiim yihiin ayaa hadana waxaad arkaysaa dadka ajaanibka ah ee yimaada dalka inay noqdaan dhakhtaro magac leh oo warbaahintu si xad dhaaf ah u xayaysiso kuwaas oo dadkeenu aad u aaminaan iyaguna waxay sheegtaan takhasuska haweenka iyo xanuunada guud taasina waxay u baahan tahay in si gaara loola socda oo loo baadho cidkasta oo tiraahda waxaan ahay dhakhtar caafimaad.
Waxan dhamaan bulshada reer somaliland kula talinayaa
Inaanay aaminin dakhtarkasta oo dalka yimaada laakin ay aaminaan dhakhaatiirka ruqsada ka haysta dawlada iyo haayadaha caafimaadka.
Inaanay markasta ku yaacin dhakhtarada cusub ee dalka yimaada ilaa inta la hubsanayo waayo aragnimadiisa.
Caafimaadku waa shayada ugu qaalisan ee nolosha kaa oo qofkasta oo dareema xanuun uu u huro adduun iyo wakhti wixii uu hayayba.
Waxaan talo ahaan talo ahaan u soo jeedinayaa wasaarada caafimaadka iyo shaqada :-
Kolay caafimaadka ciskastaa waa ay u baahan tahay hadaba waa muhiim in qofka caafimaadkaaga eegayaa noqdo qof lagu kalsoon yahay oo warqad sharciya ka wata dawlada iyo haayadaha caafimaadka.
In dhakhtarkasta oo ajaaniba oo dalka imanaya ay dawladu iyo wasaarada caafimaadku soo siiso ogolaansho buuxa oo cadaynaya inuu yahay dhakhtar .
In qofkasta oo sheegta dakhtar lagu sameeyo baadhis xaga takhasuska ah iyo shahaadooyinkiisa .
In kormeer lagu sameeyo farmasiiyada dalka ee iibiya dawooyinka dhacay kuwaas oo xaaladaha caafimaad ka dhigi kara khatar.
In dadka ajaanibka ee dalka ka fulinaya hawlo caafimaad la hubiyo takhasuskooda loona fiirsado aqoontooda.
In aan dalka iyo dadka lagu sii dayn dhakhtar aan soo marin wasaarada caafimaadka iyo shaqada oo ah wasaradaha ugu balaadhan dalka .
In dhakhtarka wayn ee hargeisa la sii casriyeeyo iyadoo wixii ka dhimana lagu darayo.
Intaas waxaan ku soo koobayaa talo iyo tusaale wixii aan hayay waxaanan u soo jeedinayaa dhamaan bulshada reer somaliland in ay markasta ka war hayaan caafimaadkooda iyagoo tagaya goobaha saxda ee haysata waraaqda ogolaanshaha dakhtarnimada .
Waxaan halkan ku cadaynayaa inaanan cidgaara abaareyn laakin aan ku cabirayo fikirkayga iyo aragtidadayda aan ka arkay dhakhaatiirta dalka buux dhaafiyay inkastooy jiraan dhakhaatiir qiimo badan oo dalka jooga laakin ay hadaba jiraan qaar magaca iyo sharafta dhakhtarnimo baabiinaya kuwaasna waxaan leeyahay ha iska qabtaan dadka iyo dawlada iyo dhakhaatiirka takhasuska ahiba.
Waxaana igu kalifay qofka caafimadkiisu waa qaali in adduun laga doortana ma wanaagsan waxana dalka ka buuxa dhakhaatiir wanaagsan iyo qaar magaca dhakhtarnimo ku shaqaysta kuwaas oo aan dan iyo muraad aan ka lahayn cidii xanuunsanaysa iyo cidii kalaba muhiimadooduna ay tahay sidii ay u heli lahaayeen dakhli iyo lacag.

Wabilaahi tawfiiq
More about me
Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)
Email: farxaanmxd@gmail.com
TELL: 252263–4400319
Hargeisa
Skype: Farxaan.mxd
Face book: rakad mxd sultan
Social activist
Thank you all
Post number: RP84