Guurtidda oo go’aan Deg deg ah oo ay soo saartay maanta ku kala furdaaminaysa Garabyada Golaha Wakiiladda

0
72

 

Hargeysa(Waaheen) Golaha Guurtidda ayaa maanta shaacin doona go’aanka rasmiga ah ee ay ku kala furdaamin doonaan labada Garab ee Golaha Wakiiladda oo u wakiishay in ay khilaafkooda xal ka gaadhaan.

Golaha Guurtidda Somaliland ayaa shalay qoraal rasmi ah oo ay u gudbiyeen Golaha Wakiiladda ku amray in Fadhi deg deg ah oo ka soo horumaray mudadii ay hore ugu dhawaaqeen in ay Go’aankooda ku soo saarayaan ku sheegay in maanta ay shaacinayaan isla markaan agOluhu fadhiisto.

Lama oga in go’aanka Guddida Guurtidda ahi ku lifaaqnaa qoraalkooda iyo in qoraalku ku koobnaa oo kali ah fadhiga ay ku baaqeen oo ay la sugi doonaan go’aankooda Golaweynaha oo isku dhan maanta.

Guddida Golaha Guurtidda ee ku jirtay dhex dhexaadinta Khilaafka Golaha wakiiladda ayaa hore u qabsaday in ay go’aankooda yeedhin doonaan 25-ka bishan oo ku beegnaan lahayd toddobaadka soo socda, balse qoraalkooda maanta oo Duhurnimadii soo baxay ayuun baa lagu war helay.

Illaa hada lama oga go’aanka ay soo saareen dhinaca uu ku ciiri doono iyo in uu noqon doono mid ay labada dhinacba ku wada qanci doonaan, laakiin waxa u damaanad ah wax kasta oo ay soo saaraan in lagu qanci doono Suulkii iyo Saxeexii ay ka qaadeen labadii Guddi ee Garta u dhiibatay oo kala matalaysay shirguddoonka iyo labada Garab ee Golaha.